Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Shir Caalamiya Oo Uu Ka Qayb Galay

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Shirkii ku saabsanaa  maalgashiga aduunka oo sanadkiiba mar la qabto ayaa todobaadkan lagu soo gabagabeeyay magaaladda Dubai ee isutaga imaaraadka carabta, iyadoo  masuuliyiin Somaliland ka socday ay ka qayb galeen shirkaasi.

images

Ka sekow in wefti wasiirro ah oo Somaliland ka socday ay shirkaasi joogeen, waxa kaloo ka mid ahaa xubnaha Somaliland ka soo jeeda ee shirkaasi ka qayb galay xildhibaan Mubaarak .. (Mubaarak-bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco.

Xildhibaan Bidhi, ayaa isagu ahaa xubnaha marti sharafta ah ee shirka lagu soo casuumay si ay u indho indheeyaan waxyaabaha lagu soo bandhigay iyo in ay wax ka ogaadaan arrimaha ku saabsan maalgashiga aduunka.

Xildhibaan Mubaarak Bidhi, oo   maanta  warbaahinta kula hadlay ayaa  faahfaahin ka bixiyay shirkaasi maalgashiga aduunka ee uu kaga  qayb galay Dubai waxaanu yidhi   “Waxaan ka mid ahaa dadka booqashadda ku yimid shirkaasi ee lagu soo marti qaaday, waana la igu marti qaaday,  anigoo xildhibaan golaha degaanka Burco ah.

Waxaanan  soo kormeerayay waxyaabaha laga korodhsan karo  arrimaha maalgashiga aduunka iyo sida loo gallo heshiisyadda maalgashiga shisheeyaha iyo waxyaabihii lagu soo nadhigay.

Keliday ayaan ka aha acid ka socotay gole degaan ama Somaliland ha noqoto ama wadamadii kale ee ka soo qayb galay”.

Sidoo kale xildhibaan Bidhi waxa uu sharaxaad ka bixiyay u jeedadda guud ee shirkaasi ku saabsanaa maalgashiga aduunka iyo doorkii  laga siiyay masuuliyiintii Somaliland metelayay, waxaanu sheegay in shirkaasi uu guul weyn u yahay Somaliland.

“U Jeedadda guud ee shirkaasi waxay ahayd maalgashiga caalamiga ah iyo sidii wadamadda horumaray iyo kuwa soo korayaa isku kaashan lahaayeen. Maalintii labaad ayaan anigu ka qayb galay shirkaasi.

Anigoo   si aad iyo aad u saraysa ayaa Somaliland loogu soo dhaweeyay shirkaasi, goobta ay madasha shirk aka fadhiyeen wasiirradii Somaliland metelayay waxaa ku xardhanaa calnaka jamhuuriyadda Somaliland iyo sawirka madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa kaloo miiska ay fadhiyeen xubnaha metelayay Somaliland yaalay qaar ka mida shirkadaha ganacsiga ee Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Dahabshiil, Gollis Energy iyo shirkado kale.

Fursad fiican ayuu shirkaasi Somaliland u ahaa in ay ka qayb gasho. Waxaanan ku tilmaami karaa shir guul u ah   Somaliland”.

Waxa kaloo uu sheegay xildhibaan Muraak Bidhi, in uu aad ugu faraxay markii uu ku arkay miiskii ay fadhiyeen xubnaha Somaliland ka socday, iyadoo ay dul saarnaayeen sawirka madaxweynaha Somaliland iyo qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga ee Somaliland sida Dahabshiil.

“Anigu shaqsiyan waan ku farxay in Somaliland meeqaam sidaas u sareeya laga siiyo shirkaasi.

Shirkadihii ay masuuliyiinta weftiga Somaliland la kulmeen ee arrimaha maalgashiga, waxaan ugu baaqayaa in ay yimaadaan magaaladda Burco ee la iga soo doortay” ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWOhargeisa Office

 
,, ,,,.