Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Arrintaa uu dhoob-dhoobay guddoomiye Cirro waa qayrul-sharci uma hogaansamayo, mana ogoli”… Maxamed C/laahi Uurcade

Published on April 15, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysay (SDWO): Xoghayihii guud ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa qayrul-sharci ku tilmaamay   go’aankii ay shalay isaga xilka kaga qaadeen xubno ka mida golaha dhexe ee xisbigaasi oo shirk u yeeshay magaaladda Hargaysa.

Cade

Maxamed C/laahi uurcade, waxa uu sheegay in shirka shalay uu guddoomiye Cirro ugu yeedhay tiro aan dhamayn oo ka tirsan guddiga fulinta Waddani, isagoona ku eedeeyay in uu xisbiga xubnihiisii kala naqaystay, isla markaana uu xubno isaga ogol u yeedhay.

Xoghayihii guud ee Waadani oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargaysa waxa uu ku dooday in aanay marnaba u hogaansami doonin xil ka qaadista lagu sameeyay, taasoo uu u arko  mid sharciga xisbiga iyo kuwa dalka u yaalaba baal marsan.

Halkan Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Uurcade:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.