Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xisbiga waddani (cirro iyo ina buubba) – shacbiga ha u caddeeyaan halkay ku arkeen ama ku maqleen imaaraadku xukuumadihii muqdisho ayay berbera heshiis ku kala saxeexdeen. Qalinkii: Rasheed Cali Meigag Samater

Published on April 20, 2018 by   ·   No Comments

“Arrimuhu waxay noogu dhammaadeen Isfahan cad oo aanu la lahayn xukuumaddii hore ee Somalia. Isfahankaasu kuwo cad bay ahaayeen waxana markaasi sal u ahaa midnimo Somaliyeed. Annagu Safaarad kuma lihin Somaliland, Qunsuliyadina nooma fadhido Hargeisa. Gargaar bani-aadannimo oo bandanna waanu tarnay ummadda somaliyeed – oo xataa dalkayaga waxanu  ugu qabanay kulammo isu soo dhowaansho. Taasina ma aha mid noo diidaysa inaanu horumarin la wadaagno Somaliland oo ahayd  maxmiyadii boqortooyada Ingriiska.”  

rashidmg

Sidaa waxa Idaacadda BBC qaybta Afka –Carabiga u Sheegay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeedda EE Waddanka Imaaraadka  Anwar Maxamed QarQaash

Haddaba Shirkii Jaraaid ee Guddomiyaha Waddani Iyo Waraysigii Ismaciil Buubbaa labaduba sida qaawan ee anshaxa  iyo Haykalka Dawladnimo labadaba ka baxsan ugu weerareen madaxdii Xukuumaddii Hore iyo Tan maanta Joogtaba iyagoo leh Wasiirka carbeed “BEEN IYO KHIYAAMO QARAN” oo labada xukuumadoodba galeen buu kashifay oo heshiiska Berbera Xukuumaddii Somalia iyo Imaaraadka Ayaa kala saxeexday- waa inay si qeexan ummadda iyo caalamkaba u soo hor –dhigaan iyagoo caddaynaya warkay sheegayaan iyo cidda kashiftay – maadaama warka Wasiir QarQaash iyo warka ay sheegeen marnabha aanu isku mid ahayn. Haddii ay caddayn u waayaanna – fadeexaddaa iyo Qaran Dumintaasi waa inay noqoto mid iyaga dib ugu noqota oo maxkamadday dalbadeen la hor keeno.

Shirkii Somaliland iyo Somalia ee ka dhacay waddanka Turkiga 13kii April 2013kii, waxa jirey 7dii qodob oo lagu wada heshiiyay, waxana ka mid ahaa ”IN SOMALIA IYO SOMALILANDBA SI BUUXDA UGA WADA HAWL-GALAAN SIDII TAAGEERO IYO DHAQAALE HORUMARINEED LOOGU HELI LAHAA SOMALILAND.” Sannad dabadeed bishii December 2014 Shirkii Somaliland iyo Somalia EE Djibouti, waxa mar labaad la isla qaatay 6 qodob oo qodobkaa Ankara lagu heshiiyay ka mid yahay iyo “ INAAN MASHAARIICDA HORUMARINEED LA SIYAASADAYNIN LANA TAAGEERO”. Shirkan Djibouti, madaxda Waddani ee hadda joogta oo uu ka mid yahay  Maxamed Bixi Yonis iyo Xirsi Cali Xaji Xasan xaadir bay u ahaayeen.

Haddaba miyaanay wax lagu qoslo ahayn in madaxda Waddani khiyamo qaran u arkaan ISFAHANKA Somalia iyo Imaaraadku isla fahmeen  mashaariicda Horumarineed ee Dekedda Berbera iyagoo og in isla-fahaankaasu ka dhashay shirar hore oo laga heshiiyay in loga hawl-galo arrimaha HORUMARKA iyo inaan la Siyaasadaynin .

Waase yaabe, waa ayyo cidda u haysatay in Imaaraadku Aqoonsaday Somaliland? ama Safaarado iyo Qunsuliyado ku leeyahay. Ninkan Carbeed waxa uu kashifay ee Waddani iyo Shacabkuba aanay hore u ogayn, ee hadda Cirro iyo Ismaciil keligood maqleen waa maxay?.

Baadhis iyo Akhris badan markaan ku sameeyaya heshiisyada Dekedaha iyo Maal-Gashiga – oo Dawlado kala duwan oo caalamka ihi kala saxeexdeen, ma jiro heshiis sarrifan oo la soo hor-dhigay Golayaashooda oo ka duwan kii la hor keenay Goleheenna Shacbiga, Kaaso ahaa “NUXURKII HESHIISKA”, Caalamkuna U Yaqqaanno (MEMORUNDUM OF UNDERSTANDING (M.O.U.).

Waxa hubaal ah, Saamiga Somaliland ka qaadatay maal-gashigan inaynu ka badsan lahayn haddii Aqoonsi Caalamiya aynu haysanno, Laakin aniga waxay iigu muuqataa in DHIIL Madhan aynu Dhiil Buuxa ku Dhufannay, Haddiise Gocgocii la waayo ay markaasuun habboon tahay in Af-labadii la yeedho.

Haddaba iyagoo aan hubo inaan garasho darro haynin madaxda Waddani, maxaa ku kellifaya inay maalin walba CEEB iyo CAYDH ku riixaan ummaddan Dhibtu soo daashatay, oo cadawgana ka farxiyaan – Shacbiga iyo Qaranka Somalilandna ka nixiyaan oo ula jecel yihiin Dawlad-burbur iyo Qaran Jabka. Amuurtu Kursi  jacayl iyo khrash  Qaranka laga dhacay baanu daba joognaa ka durugsan- xayndaabkii wax wada-lahaanshaha iyo dhawrista  Qaranimada Somalilandna marnaba looma tudhin.

 

WA BILLAAHI TAWFIIQ

 

Rasheed Cali Meigag Samater

Hoggaamiyaha Jaaliyadda Somaalida W. London 

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...