Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Ganaaxii Shirkadaha Waa Loo Guuxee Yaan La Gaagixin! Dullucda Faallo ka baxay Idaacada Radio Hargeysa oo ay soo diyaarisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA

Published on May 9, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xukuumadda Somaliland ayaa ganaax lacageed ku ridday shirkadda shidaalka soo dejisa ee Red-sea iyo shirkadda gacanta ku haysa shaybaadhka shidaalka Berbera, kadib markii Haamaha kaydka shidaalka ee Berbera lagu shubay shidaal aan nadiif ahayn  oo khasaare soo gaadhsiiyay gaadiidlayda kala duwan ee dalka.

Go’aanka xukuumaddu ku dhawaaqday wuxuu   yiddidiilo geliyey muwaadiniinta reer Somaliland, waana markii u horreysay ee xukuumaddu ay ganaax dul-dhigto shirkad ganacsi, waxaanay arrintani gogol xaadh u tahay  siyaasadda xukuumadda ee ku wajahan in sharciga ka sareeyo  madaxda, ganacsatada iyo muwaadiniinta caadig ahba.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Somaliland mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin), ayaa sheegay in baadhitaan  ay sameeyeen  ku ogaadeen cidda keentay shidaalka wasakhaysan iyo kuwa dayacay masuuliyaddii ka saarnayd in ay ka hubiyaan  shirkadaha bad-qabka shidaalka ay haamaha kaydka Berbera ku shubayaan.

Laba shirkadood ee masuuliyad darrada sameeyey waxay dawladdu  ku taqsiirtay   midkiiba inay bixiso  ganaax lacageed oo  dhan $355,500, waxaana wadarta lacagta laga doonayo labadan kambani ay noqonaysaa $711,000. Taasi oo ay ku shubayaan qasnada dawladda.

Waa ganaax  ka hooseeya khasaarihii ay dalka  geliyeen shirkadahaasi  waxase ay bilow u tahay in xukuumadda cusub ee uu hoggaamiye Madaxweynihii shanaad ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ay cagta saartay jidkii  isla xisaabtanka si looga dhabeeyo  danta guud ee bulshada Somaliland.

Cabdirashiid Ciise waa dhibane Baabuurkiisu u fadhiisan gaadhay shiidaalka wasakhaysan wuxuu go’aanka xukuumadda ku tilmaamay  qaraar  u hiilinaya dhibaneyaasha waxyeeladu  soo gaadhay. Waxaanu   ku dooday in ganaaxani balaayo xijaab u noqon doono mustaqbalka  shacabka Somaliland ee dibadda looga soo waaridi jiray badeecadaha aan tayada lahayn cunto, dawo iyo shiidaalba.

Dhiirashada xukuumaddu la timid   oo dadweynaha  Somaliland u guuxeen  waxay  tumaati ku tahay shirkadaha dheef-raadisku naxariistii ka qaaday.

Sidaas si la mid ah waxa ganaaxani  ifafaale u yahay in aanu ganacsiga xorta ah ee waddanka  ka jira, macnaheedu noqonaynin in maalqabeenadu ay u muuqdaan inay ka sareeyaan xeerka iyo sharciga ummadda kaleba  qabanaya.

Sidaas darteed, waxa danbi kale  ah in shirkadaha lagu helay dambigan qaarkood ay ka soo yeedhaan hadallo ay kaga galgalanayaan ganaaxan lagu taqsiiray dhibtii ay ummadda iyo gaadiidlayda u geysteen.

Gabogabadii waa   in hay’adaha  dawladda ee ganaaxan soo saaray aanay ku joogsan labadan shirkadood,  balse ay dabogalaan cid kasta oo badeecad liidata soo gelisa Somaliland, waana inay u diyaar garoobaan oo aanay u jixin-jixin culaysyada ka iman kara cid kasta oo ummadda u dhaawacaysa  sir iyo caad labadaba.

Halkan Ka Dhegayso Faaladaasi:

Xigasho: Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA

 
,, ,,,.