Monday, October 22nd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

C/raxmaan Cirro Oo Xukuumadda Ku Dhaliilay Xakamaynta Colaad Beeleedka Ceel-Afweyn

Published on May 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa sheegay in xukuumadu ku fashilantay in ay xakamayso dagaal beeleedka mar kale shalay iyo maantaba ka dhacay Ceel-Afweyn oo ka tirsan gobolak Sanaag.

IMG_BF636F-759D81-8690CA-954646-F0A69C-153E81

C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro), ayaa ugu horayn waxa uu hambalyo u diray dadkii ku dhintay dagaalkii shalay, isagoo ayaan  darro ku tilmaamay in muddo 3 sanno ka badan uu dagaal beeleedkaasi soo noq-noqday.

Waxa kaloo uu sheegay in safar uu dhawaan ku tegay goboladda bariga markii ay marayeen gobolka Sanaag in ay muuqatay saan-saanta colaadeed, isla markaana hub urursi iyo abaabul uu ka muuqday.

Guddoomiyaha Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargaysa ayaa sidoo kale madaxweynaha ku dhaliilay in aanu sidii looga baahnaa uga hadal dagaal beeleedka Ceel-Afweyn, isla markaana halkii uu amar ka bixin lahaa uu baaq diray.

Daawo Hadalka Cirro oo Dhamaystiran:

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.