Thursday, May 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Gaadiidka Oo Kulamo La Qaatay Beeralayda Degaanka Laasgeel

Published on May 12, 2018 by   ·   No Comments

Laasgeel (SDWO): Wefti uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed, kuna wehelinayeen wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa socdaal ku tegay beeralayda Jaleelo, Dararweyne iyo Dago oo ka tirsan Degmada Laasgeel.

31961825_2182537991762732_585020854052585472_n 32073923_2182542058428992_8349273418192912384_n (1) 32073923_2182542058428992_8349273418192912384_n 32081600_2182538571762674_3177373134353334272_n 32083657_2182537558429442_4194230216756822016_n 32086789_2182537098429488_6858536264556085248_n 32104700_2182538051762726_8116328088708579328_n 32104725_2182537408429457_8367818258048352256_n

Weftiga ayaa ugu horeyn maray beerta wax soo saarka Iskaashada Dhulmaal oo ku yeela deegaanka Dago, iyada oo uu halkaasi warbixin ka siiyey weftiga Mustafe Cumar ku Joog, isaga oo tilmaamay in hiigsigooda wax soo saar yahay sidii ay dalka uga kaafin lahaayeen wixii dalag loo baahan yahay.

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Mudane Axmed Muumin Seed ayaa khudbad uu u jeediyey dadweynaha deegaankaasi waxa uu ku dhiirigaliyey inay wax soo saarkooda kobciyaan, waxaanu  yidhi wasiirku “Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinayaa mulkiilayaasha ka fikiray inay mashruuca beeraha ee Dhul Maal halkan ka sameeyaan oo aan aad iyo aad ugu farxay”.

32105173_2182538398429358_3015779778729869312_n 32116713_2182537685096096_7794786195317194752_n 32130542_2182538545096010_723757123871178752_n 32145627_2182537961762735_1486725207505764352_n

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale khudbad ka jeediyey deegaanka Jaleelo oo ka tirsan degmada Laasgeel, waxaanu yidhi “Waa inaynu dedaalnaa oo aynu gacanta is qabsano sidii cuntadaa dibada inooga imanaysa uga maarmi lahayn ee aynu isugu filnaan lahayn”.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdilaahi Abokor ayaa isna dhankiisa ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in wax soo saar lala yimaadaa, waxaanu yidhi “Isma lihi dalna horumar ayuu sameyn karaa isaga oo aan lahayn wax soo saar, waxaana kow ka ah beeraha, khayraadka badda oo ah Kaluumaysiga iyo xoolaha Nool”.

32185482_2182537585096106_7944959202835824640_n 32191787_2182537775096087_4884675827683295232_n 32215544_2182537501762781_5752167098721763328_n 32238398_2182538618429336_7193898907439464448_n

Ibraahim Cumar Kaahin Agaasimaha Waaxda Mashaariicda ee wasaaradda horumarinta beeraha oo isna madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in muhiimada koowaad ee wasaaraddu tahay dhaqaalaynta ciida iyo biyaha si wax soo saar loo helo, waxaanu bulshada ku dhiirgaliyey inay wax soo saarka ay ku dedaalaan.

Xubno ka mid ah dadweynaha deegaanka oo madashaasi ka hadlay ayaa ka sheekeeyey caqabadaha ka haysta beeraha, iyaga oo uga mahadceliyey socdaalka uu wasiirku beerahooda ku yimid.

31961825_2182537991762732_585020854052585472_n 32073923_2182542058428992_8349273418192912384_n (1) 32073923_2182542058428992_8349273418192912384_n 32081600_2182538571762674_3177373134353334272_n 32083657_2182537558429442_4194230216756822016_n 32086789_2182537098429488_6858536264556085248_n 32104700_2182538051762726_8116328088708579328_n 32104725_2182537408429457_8367818258048352256_n 32105173_2182538398429358_3015779778729869312_n 32116713_2182537685096096_7794786195317194752_n 32130542_2182538545096010_723757123871178752_n 32145627_2182537961762735_1486725207505764352_n 32150761_2182537341762797_8591032978346344448_n 32151520_2182537755096089_6737514832162979840_n 32169257_2182537148429483_388450869613428736_n 32169392_2182537395096125_3874906893017153536_n 32169846_2182537798429418_5661558596039606272_n 32185482_2182537585096106_7944959202835824640_n 32191787_2182537775096087_4884675827683295232_n 32215544_2182537501762781_5752167098721763328_n 32238398_2182538618429336_7193898907439464448_n

SDWO/Hargeisa  Somaliland

 
,, ,,,.