Thursday, May 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne Biixi Oo Kulan La Qaatay Ergayga Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya

Published on May 13, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Mr Michael Keating.

32325913_1649321635181683_6357842424731009024_n 32332550_1649321895181657_1354391441140350976_n 32349273_1649322195181627_1792729816185700352_n 32372880_1649321658515014_66926727321878528_n

Kulankan uu madaxweyne Muuse Biixi la qaatay danjire Michael Keating, ayaa waxa ku wehelinayey, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha Guurtida iyo Wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax.

Wasiirka  arrimaha dibadda, Mudane Sacad Cali Shire, waxaana lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo u ubucdoodu ahayd sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Jamhuuriyadda Somaliland la leedahay qaramada midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Keating uga warramay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida ay diyaar ugu tahay inay beesha caalamka kala shaqayso wax kasta oo maslaxadda.

32463552_1649321685181678_2189076257323352064_n 32474122_1649322098514970_6238029347026894848_n 32478920_1649321251848388_7912594592740933632_n 32544031_1649321288515051_650432566020538368_n

Danta  gobolka iyo guud ahaanba midda caalamku jirto, waxana uu caddeeyey in xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sanadka soo socda qorshaysani ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii loo asteeyey.

Ergayga gaarka ah ee xog-hayaha qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Keating, ayaa dhinaciisa madaxweynaha uga mahadnaqay dedaalka dhinacyada kala duwan leh ee uu wado iyo sida kalsoonida leh ee uu ula shaqaynayo beesha caalamka.

Waxaanu  tilmaamay inay qaramada midoobay ka go’an tahay inay sii wadaan wada-shaqaynta dhaw ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Markii kulankaasi dhammaaday waxa faahfaahin kooban warbaahinta siiyey ka wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaana hadalladiisii kamid ahaa,“Madaxweynaha iyo Ergayga gaarka ah ee xoghayaha jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa waxa ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo la xidhiidha xagga amuuraha Bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, arrimo la xidhiidha nabadgelyada.

Arrimo  kaloo la xidhiidha doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii aynu guud ahaan inaga iyo jimciyadda quruumaha ka dhaxaysaa aynu u wada shaqayn lahayn.”

32290700_1649321268515053_3661079768637374464_n 32293436_1649321975181649_2807431069819731968_n 32325913_1649321635181683_6357842424731009024_n 32332550_1649321895181657_1354391441140350976_n 32349273_1649322195181627_1792729816185700352_n 32372880_1649321658515014_66926727321878528_n 32378497_1649321495181697_1359942106549846016_n 32407095_1649322015181645_6758992971472830464_n 32412207_1649321478515032_8525341629647683584_n 32423080_1649321511848362_52314226378670080_n (1) 32423080_1649321511848362_52314226378670080_n 32463552_1649321685181678_2189076257323352064_n 32474122_1649322098514970_6238029347026894848_n 32478920_1649321251848388_7912594592740933632_n 32544031_1649321288515051_650432566020538368_n

Kulankan dhexmaray madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah ee ay xukuumaddani jirtey, waxaana uu ahaa kulan midho dhal ah oo jawi wanaagsan kusoo idlaaday.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.