Saturday, September 19th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya Oo La Dhaariyay

Published on May 29, 2018 by   ·   No Comments

Muqdisho  (SDWO): Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare   ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta si rasmiya xilka loogu  dhaariyay, xaflad kooban oo lagu qabtay xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho.

dd2018529636631885301409028Madaxweyne_Farmaajo-3

Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare oo uu  Axadii todobaadkan magacaabay madaxweyne Farmaajo kadib markii uu soo saaray waraaq uu xilka kaga qaaday guddoomiyaha hore Ibraahim Iidle Sulaymaan, oo isagu ku gacan saydhay xil ka qaadistiisa, kuna dooday in uu yahay guddoomiyaha sharciga ah.

Waxaana guddoomiyaha cusub madaxweynaha hortiisa ku dhaariyay guddoomiyaha guddiga dastuurka ee golaha shacabka baarlamaanka federalka Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Mayey.

Darin2018529636631885301409028Madaxweyne_Farmaajo-3

Munaasibad kooban oo  lagu dhaarinayay guddoomiyaha cusub waxaa goob joog ka ahaa madaxweyne  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, raysal wasaare ku xigeenka, iyo xubno ka mida bahda garsoorka.

Madaxweyne  Farmaajo oo hadal ka jeediyay dhaarinta guddoomiyaha kadib  ayaa sheegay in dawladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dib-u-habaynta garsoorka dalka.

majo

Waxaanu yidhi “Muddooyinkii la soo dhaafay dadkeennu waxay ka hadlaayeen caddaalad darro dhinac walba ah oo baahsan. Waxaan ku samaynaynay daraasad meesha dhibku ka taagan yahay iyo xaaladda dhabta ah ee ka jirta dalka.

Waxaa noo soo baxday in loo baahan yahay dib-u-habayn, dib-u-habayntaasina maanta ayay bilaabatay, waxaana noogu xigi doona in aan dhisno golaha Adeegga Garsoorka”.

Sidoo  kale madaxweyne Farmaajo ayaa ugu duceeyay guddoomiyaha cusub inuu Alle u fududeeyo xilka, waxaanu  faray goleyaasha dawladda in ay soo dhameystiraan dhismaha golaha Adeegga Garsoorka oo wax weyn ka taraya dib-u-habeynta iyo hufnaanta garsoorka dalka.

Waxa kaloo uu madaxweynuhu sheegay   in uu dhawaan magacabaayo guddiga Dib-u-eegista dacwadaha iyo cabashooyinka oo si dhaw ula shaqeynaya guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare.

Guddigaasi   oo ka kooban sharci yaqaanno iyo culumada diinta ayaa dib u dhegaysanaya dacwadaha lagu muransan yahay iyo xukunnada ay sida khaldan u rideen hay’daha Garsoorka dalku.

Geesta kale guddoomiyaha cusub ee maxkamadda Sare garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,  ayaa  uga mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya  xilka  uu u magacaaabay, isagoo ka codsaday laamaha kala duwan ee dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed-ba in ay gacan ku siiyaan sidii uu u gudan lahaa waajibaadkiisa shaqo iyo xilka  loo igmaday.

base

Waxaanu  tilmaamay in sida ugu wanaagsan ee loo heli karro garsoor cadaalad ku dhisan,  waxaanu sheegay in garsoorku uu xidhiidh la leeyahay dhinac kastoo ka mida nolosha bulshadda.

Waxaanu   yidhi  “Helitaanka garsoor hufan, madax-bannaan, dhexdhexaad ah, ummadda Soomaaliyeed-na ugu adeega caddaalad, waxa uu aasaas u yahay in la helo caddaalad oo iyadu-na saldhig u ah wax kastoo saameeya nolosha bini’aadamka”.

“Haddii ay noqoto horumar, haddii ay noqoto amni iyo haddii ay noqoto kor-u-kac dhaqaale dhammaantood waxaa aasaas u ah in la helo caddaalad, helitaanka caddaaladduna waa masuuliyad wadareed saaran qof kasta oo muwaadin ah oo Soomaaliyeed.

Anigu-na waxaan ahay qofka masuuliyadda koowaad ay ka saaran tahay”ayuu yidhi guddoomiye Baashe.

Dhinaca kale guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare  ee uu guddoomiyahan cusub xilka kala wareegayo Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa sheegay in aan xil ka qaadistiisa loo marin dariiq sharciya, isla markaana aanu madaxweynuhu awood u lahayn in uu xilka ka qaado.

download

Hase yeeshee, iyadoo ay arrintaasi weli taagan tahay ayaa hadana maanta waxaa xilka loo dhaariyay guddoomiyaha cusub ee maxkamadda sare.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.