Sunday, September 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Suldaan Naasir Oo Soo Dhaweeyay Kootadda Beelaha La Hayb-sooco iyo Haweenka

Published on June 9, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Suldaan Naasir suldaan Cabdi Ismaaciil, oo ka mida madax dhaqameedka Somaliland ayaa ka dareen celiyay xeerka doorashooyinka ee kootadda loogu xidhay beelaha la hayb-sooco iyo haweenka kuraasta golaha Wakiiladda.

download (3)

Waxaanu suldaanku madaxweyne Muuse Biixi iyo golihiisa wasiirrada ku hambalyeeyay ansixinta xeerkaasi, iyadoo intaa wixii ka danbeeyana ay waajibaadkooda ka gudan doonaan golaha baarlamaanka oo loo gudbiyay.

Suldaan Naasir suldaan Cabdi Ismaaciil, oo maanta Hargaysa warbaahinta kula hadlay ayaa tilmaamay in madaxweynaha looga baahan yahay in aanu halkaas kaga hadhin arrinta, balse looga baahan yahay in uu sii badhi-taaro.

Geesta kale suldaan Naasir, ayaa ugu baaqay golaha Wakiiladda Somaliland in ay ansixinta xeerkaasi xil weyn iska saaraan, isla markaana ay ansixiyaan soo jeedinta madaxweynaha ee ku aadan in nidaamka kootadda ah ay ku soo baxaan doorashadda golaha Wakiiladda xubnaha xildhibaanadda ay goleyaasha baarlamaanka ku yeelanayaan beelaha la hayb-sooco iyo dumarka.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.