Sunday, September 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madax Dhaqameedka Awdal Oo Raaligelin Ka Bixiyay Hadal Ka Soo Yeedhay Guddoomiyaha UCID

Published on June 9, 2018 by   ·   No Comments

Boorama (SDWO): Qaar ka mida madax dhaqameedka, waxgaradka iyo odayaasha  gobolka Awdal ayaa raaligelin ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID oo la xidhiidhay in arday badan oo ka soo jeedda Puntland ay wax ka dhigtaan jaamacadda Camuud.

 

Waxaanay xubnahan salaadiinta iyo madax dhaqameedka ahaa sheegeen in ay aad uga xun yihiin hadalkii Faysal Cali Waraabe, isla markaana  aan loo baahnayn in la  siyaasadeeyo   waxbarashadda.

Sidaas darteed-na dadka    ka soo jeedda Puntland ee jooga Boorama ama arday ha ahaadaan ama ganacsato in ay  yihiin kuwo dhuloodii jooga, colaadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland-na aan loo beegsan Karin.

Xubnahaasi oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Boorama, waxay isku raaceen in ay aad uga xun yihiin hadalkii guddoomiyaha UCID uu ku magac dhabey in dad badan oo arday iyo ganacsato ahi ay Boorama degan yihiin, haddii Puntland ay dagaalka joojin waydana ay kuwaas beegsan doonaan.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Madax Dhaqameedka Awdal:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.