Sunday, June 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Suldaan Maxamed C/qaadir Oo Guddoomiyaha UCID Ka Difaacay Eedo Ay U Jeediyeen Madax Dhaqameedka Awdal

Published on June 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Suldaan Maxamed suldaan C/qaadir, ayaa guddoomiyaha xisbiga UCID ka difaacay eedo ay u jeediyeen madax dhaqameedka Awdal iyo maamulka sare  ee jaamacadda Camuud ee magaaladda Boorama.

2)

Waxaanu suldaanku sheegay in Eng. Faysal Cali Waraabe, uu yahay shaqsi ku caan baxay  in uu  inta ugu badan wakhtigiisa geliya ka shaqaynta nabadda, isla markaana aanu weligii ku lug yeelan isku dirka umadda.

Suldaan Maxamed suldaan C/qaadir, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa, waxa kaloo uu tilmaamay hadalkii madax dhaqameedka Awdal uu meel ka dhac ku yahay guddoomiyaha UCID.

Maadaama oo uu yahay masuul u taagan qabashadda kursiga ugu sareeya dalka, sidaas darteed-na aanay ka suuroobi Karin Eng. Faysal in uu fal bulshadda kala fogaynaya ku hadlo. Isagoo xusay in uu arrintaa cadaynteedda uga fadhiyo salaadiinta gobolka Awdal.

Daawo Hadalka Suldaanka:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.