Sunday, June 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Tartan Qur’aanka Kariimka Ah Oo Ka Socday Boorama Oo La Soo Gebagabeeyay

Published on June 10, 2018 by   ·   No Comments

Boorama (SDWO): Tartanka Qur’aanka kariimka ah oo maalmahan ka socday magaaladda Boorama ayaa maanta la soo gebagabeeyay, iyadoo ardaydii kaalmaha hore ka  gashay tartankaasina abaalmarino kala duwan la guddoonsiiyay.

vlcsnap-9072-08-17-10h16m33s917vlcsnap-1595-01-01-16h40m30s678

Tartankaasi Qur’aanka  ayay ardaydu ku kala tartamayeen 30 jis, 15 jis iyo 5 jis, waxaana ka qayb qaadanayay arday ka kala socday  45 mederasadood oo ku yaalla  magaaladda Boorama, halka tiradda ardaydda tartanka gashayna  ahayd 140 arday, oo isugu jiray gabdho iyo wiilal.

vlcsnap-3997-01-08-03h11m53s927 vlcsnap-4182-01-27-15h36m47s026

Waxaana qaban qaabadda tartankaasi ka qayb qaatay qaar ka mida ganacsatadda gobolka iyo dad kaloo muxsiniin ah. kaasoo noqonay kii 13-aad oo noociisa ah oo lagu qabto Boorama.

Xaflad loo sameeyay gebagebadda tartankaasi ayaa waxa ka soo qayb galay isuduwaha wasaaradda diinta iyo awqaafta gobolka Awdal, culimaw-diinka Boorama iyo dadweyne kale.

Daawo Tartankaasi iyo Hadaladii Laga Jeediyay:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.