Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Badhasaabka Awdal Oo Baaq U Diray Hay’adaha Kaalamdda Gaadhsiinaya Degaamadii Dufaantu Saamaysay

Published on June 10, 2018 by   ·   No Comments

Boorama (SDWO): Badhasaabka gobolka Awdal C/raxmaan Axmed Cali, ayaa ugu baaqay cid kastoo doonaysa in ay gar-gaar gaadhsiiso dadka ku nool degaamadii ay dufaantu dhibaataysay in ay xafiiska badhasaabka gobolka soo maraan.

vlcsnap-5775-08-17-17h46m21s335

Waxaanu uga digay hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo ururadda bulshadda rayidka ah in aanay si toos ah isaga tegi Karin goobaha ka tirsan gobolka Awdal ee dufaantu ku dhufatay ilaa ay ogolaanshiyo ka helaan badhasaabka gobolka.

C/raxmaan Axmed Cali, oo maanta  shir  jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Boorama, ayaa sidoo kale uga mahad celiyay hay’adaha caalamiga, ururadda bulshadda iyo hay’adaha waddaniga ahba sidii wanaagsanayd  ee ay uga qayb qaateen hawlaha gurmadka degaamadii dufaantu ku dhufatay ee gobolka Awdal.

Badhasaabka Awdal, arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dhamaanba hay’adaha kala duwan, ururadda bulshadda rayidka ah, hay’adaha caalamiga ah iyo  kuwa maxaliga ahba.

Waxaan  uga mahad celinaynaa sida wanaagsan ee ay ilaa hadda uga qayb qaateen hawlaha gurmadka ee degaamadii dufaantu ku dhufatay ee gobolka Awdal”.

Waxaanu intaas ku daray “Waxaan farayaa cid kastoo gar-gaar u wadda dadka dhibaatadu ka soo gaadhay dufaantii Sagar, in ay soo maraan xafiiska gobolka, xogta-na ka qaataan.

Cidi-na toos uma tegi karto goobaha dhibaatadu ka dhacday, iyagoon xafiiska badhasaabka gobolka soo marin” ayuu yidhi guddoomiye C/raxmaan.

Geesta kale badhasaabka Awdal uu fariin u diray ururadda iyo hay’adaha hawlaha gar-gaar bixinta ka wadda degaamadii roobabku khasaaraha gaadhsiiyeen ay u xil saareen guddi ka kooban wasaaradaha dawladda iyo hay’adaha caalamiga ah oo gacanta ku haya xogta saxda ah ee meelihii dufaantu haleeshay.

Sidaas darteed-na ay guddigaasi la soo xidhiidhaan, si ay uga helaan xogta saxda ah ee saamaynta dufaantii ka tagtay.

Badasab

Isagoo wargelintaasi dirayayna waxa uu yidhi “Waxaan ku wargelinayaa cid kastoo hawlo gurmad ka wadda goobihii dufaantu dhibaataysay ee gobolka Awdal ka tirsan, in aan magacawnay guddi ka kooban, wasaarradaha dawladda, ururadda maxaliga ah, iyo kuwa caalamiga ah, oo xafiiskoodu ku hogaaminayo ay gacanta ku hayaan, ururinta iyo dhamaystirka xogta saxda  ah, meelihii dufaanku ka dhacay.

Sidaas darteed, cid kasta waxaanu ku wargelinaynaa, in ay xafiiska badhasaabka gobolka Awdal soo maraan, si ay xog sax ah u helaan”.

 

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.