Sunday, June 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Masuuliyiinta SOMNEWS TV Oo Ka Dareen Celiyay In Somaliland Ka Qaaday Xayiraadii Ay Saartay

Published on June 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madax sare iyo maamulka telefishanka caalamiga ah ee SOMNEWS ayaa ka hadlay  tallaabadda ay xukuumadda Somaliland xayiraadda kaga qaaday TV-gaasi oo  la saaray 29-kii bishii  hore.

13394094_1178960062137892_336620996800612884_n

 

Tifaftiraha  guud ee Somaliland u qaabilsan TV-ga SOMNEWS C/fataax Ismaaciil Mursal, oo ka dareen celiyay kadib markii ay maanta soo baxday  waraaqda xukuumadu xayiraadda kaga qaaday,  ayaa sheegay in tallaabadani ay ku timid kadib markii lagu waayay denbigii loo haystay.

C/fataax Mursal, waxa uu tilmaamay in dib loogu fasaxo in Tv-ga SOMNEWS uu si caadiya uga hawl gallo Somaliland ay ku timid  markii ay cadaatay in aanay jirin eedihii ay xukuumadu u cuskatay xayiraadda.

Sidoo kale  C/fataax Mursal, ayaa intaas ku daray in masuuliyinta wasaaradda warfaafinta Somaliland ay raali gelin ka bixiyeen xayiraadii ay ku sameeyeen TV-goodda.

Halkan Ka Daawo Hadalka C/fataax Mursal:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.