Sunday, June 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wiil Somaliland U Dhashay Oo Ku Guulaystay Tartan Orod Oo Lagu Qabtay Jarmalka

Published on June 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa(SOLNA): Cabdiraxmaan Maxamed Faarax Xirsi,  oo dhalasho ahaan ka soo jeedda  Somaliland  ayaa kaalinta koowaad ku guulaystay tartanka heerka dhexe ee magaalooyinka dalka Jarmalka oo lagu qabtay ee magaalada  Munich.

Orodyahan-reer-Somaliland-ah-1

Tartankan oo ay ka soo qayb galeen boqolaal orordyahan oo ka kala socda Magaalooyinka  iyo degmooyinka dalka Jarmalka.

Iyagoo  ku ordayay  magaca magaalooyinkooda ayaa Cabdiraxmaan Maxamed Faarax,  waxa uu ku guulaystay  kaalinta koowaad ee tartanka,  taasoo  noqotay guul uu ka sameeyey xirfadiisa dhinaca orodka.

Orodyahan Cabdiraxmaan Maxamed Faarax Xirsi,  oo ka hadlayay guusha uu ka gaadhay tartankaasi  orodka ahaa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay guusha uu gaadhay, isla markaana ay noqonayso  markii u horreysay ee uu ka qayb galo.

Cabdiraxmaan,  waxa uu tilmaamay   in tartanka uu ku guulaystay ku  dhiirigelinayo inuu horusocod ka sameeyo tartamada caalamiga ah.

Waxa kaloo uu u mahad celiyey tababareyaashiisii iyo qabanqaabiyeyaashii tartankaas lagu qabtay Magaalada Munich.

Orodyahan-reer-Somaliland-ah-1

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.