Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hay’adaha Wasaaradda Kala Shaqeeya Amaanka

Published on June 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha  Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa xafiiskiisa Shir kula qaatay ha’yaddaha kala duwan ee ee fadhigoodu yahay Hargeysa Sida DANIDA, DDG, DRC, SEFER WORLD UNSOM Iyo EUCAP.

Wasiir-Kaahin

Hay’addahan ayaa dhammaan Wasaaradda arrimaha ka taageera ah hawlgala nabadgelyada iyo Masharaaciida horumarineed.

Waxaana  la isla  soo qaatay siddii gobolada bari looga heli lahaa nabadgelyo taam ah oo ay ku ladaan bulshada gobolada ku nooli.

Dulucda shirka ayaa daarnayd sidii gobalada bariga Somaliland ee Sool Iyo Sanaag Loogu heli lahaa nabad waarta isla markaana loo gaadhsiin lahaa kaalmada caalamiga ah, mashaariicda horumarineed iyo shaqo abuurba.

Si loo jiheeyo bulshada deegaanadaasi oo u badan xoolo dhaqato xoolihii ka baxeen.

Dhinaca kale sida lagu baahiyey bogga u gaarka Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee baraha bulshada Wasiir Maxamed Kaahin,  ayaa ballan qaaday ammaanka iyo nabadgelyada dadka ku sugan Somaliland ee kasoo jeeda dalka aynu deriska nahay Soomaaliya.

Isagoo  arrintaa ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Dhaqan islaam iyo Mid kale toona maaha in martida iyo maxasta la dhibaateeyo.

Somaliland na dhaqan uma laha, qofkasta oo Soomaali ah oo Somaliland jooga waa nin waddankiisii labaad jooga, dhaqankan ay maamulka Garoowe la soo baxeen wax kasoo qaad malaha, waa nin daad qaadey xumbo cuskay.

Ganacsatada, dhammaan Shacabka deggan.Ardayda Jaamacadaha Dhigata dadka caafimaadka ujooga. Dhamaantood amnigooda annagaa ka masuul ah cid wax yeeli kartaana majiro, insha allah”.

 

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.