Sunday, September 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Ganacsatadda Somaliland Ee Ka Shaqaysta Puntland Oo Canbaareeyay Hadalkii Guddoomiyaha UCID

Published on June 11, 2018 by   ·   No Comments

Garoowe (SDWO): Ganacsatadda ka soo jeedda Somaliland ka shaqaysta magaalooyinka Puntland ayaa ka qayliyay hadalo dhawaan ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga UCID oo sheegay in ay colaadda Tuke-raq saamayn doonto ardayda iyo hay’adaha laga leeyahay Puntland ee Somaliland jooga.

vlcsnap-1286-05-05-04h33m45s788

Xubno ka mida ganacsatadda dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland  ee ka shaqaysta Puntland gaar ahaana magaaladda Garoowe, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadalkii guddoomiye Faysal Cali Waraabe, ahaa mid xanbaarsan cunfi iyo kala fogaynta labadda shacab.

Waxaanay tilmaameen in dadka ganacsatadda ah ee Somaliland iyo Puntland ka soo kala jeeda ay wadaagaan xidhiidh ganacsi oo aad u wanaagsan, isla markaana iyagoon si fiican isku aqoon ay hadana lacago aad u badan isku aaminaan.

Sidoo kale ganacsatadaasi ayaa ku dhaliilay Faysal Cal Waraabe, in uu Dab isugu dhiibayo dadka dhalinyaradda ah oo uu doonayo in la dhibaateeyo iyagoon waxba galabsan.

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.