Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Anigu 4.5 kuma qaybiyo Suugaanta Soomaalida”… Qoraa Idaajaa

Published on June 12, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Abwaan qoraa Axmed Faarax Cali (Idaajaa), ayaa sheegay in aanu weligii qaab qabiil ku salaynin barnaamijyadiisa uu kaga hadlo suugaanta gaar ahaana barnaamijka caanka ah ee dhqanka iyo hidaha oo  ka baxa laanta Af-Soomaaliga ee VOA.

hqdefault

Abwaan Axmed Faarax Idaajaa, waxa uu tilmaamay in marar badan uu maqlo iyadoo lagu eedaynayo in abwaaniinta uu barnaamijkaasi ku soo qaato ay beel u badan yihiin, balse aanay arrinkaasi waxba ka jirin.

Qoraa Idaajaa, oo hadal ka jeediyay xaflad lagu qabtay magaaladda Hargaysa oo ay ka soo qayb galeen abwaaniin, qoreyaal, xubno suugaan dhaadhi ah iyo dadweyne kale, kaasoo lagaga sheekeeyay qaybo badan oo suugaaneed.

Waxaanu sheegay Idaajaa,  in aanay suugaanta ama dhaqanku ahayn wax lagu qaybin karo 4.5 oo ah nidaamka siyaasadeed ee wakhtiyadan danbe lagu qabsado kuraasta dawladda.

Daawo Hadalka Idaajaa:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.