Monday, December 10th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Waddo xumaadda haysata goboladda galbeedka waxaa sabab u ah faqriga iyo dhaqaale xumadda”… maareeyaha ASARDA

Published on June 12, 2018 by   ·   No Comments

Boorama (SDWO): Maareeyaha hay’adda horumarinta wadooyinka ee goboladda galbeedka Somaliland Yaasiin Qalinle, ayaa sheegay in waddo xumo aad u baahsan oo dhibaateedu  wada saamaysay degaamadda gobolka Awdal ay jirto.

vlcsnap-7349-03-14-04h00m54s514

Waxaanu taasi ku sababeeyay dhaqaale xumo haysata goboladda galbeedka iyo sidoo kale kala qoqobnaan ka dhex taagan bulshadda wada degta goboladaasi, iyadoo meelaha baadiyaha iyo tuulooyinka qaarkood haddii qof ku xanuunsado aanay jirin meel loo maro.

Yaasiin Qalinle, oo maanta warfidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Boorama, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyay   qorshahoodda ka ASARDA ahaan ee ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadda ay waddo xumadu ku hayso bulshadda goboladda galbeedka.

Dhinaca kale maareeyaha guud ee hay’adda ASARDA  ayaa ka hadlay  xaaluf baahsan oo lagu hayo dhirta laga shidayo Dhuxusha, taasoo uu sheegay in ay keentay in dooxyo ay ka samaysmeen dhul badan.

Halkan Ka Daawo:

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.