Sunday, June 24th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Koobab Gudoonsiiyey Kooxihii Ku Kala Guulaystay Tartankii Kubadda Cagta ee Kooxaha Heerka labaad Uga Socday Garoonka Xawaadle

Published on June 13, 2018 by   ·   No Comments

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay galab ka qaybgalay soona xidhay tartanka Bisha Ramadaan ee kubadda cagta uga socday kooxaha heerka labaad Garoonka Xawaadle oo ay ugu danbayntii isugu soo hadheen laba kooxood oo ku ciyaarayey magaca Barre Constriction Company iyo Gaafane Power, ciyaartaas oo guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay Barre Constriction Company oo iyadu rikoodheyaal ku qaaday koobkii kooxaha heerka labaad ee bisha Ramadaan.

ramadancup15

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku koobabkii kaalinta kowaad iyo labaad kala gudoonsiiyey labada kooxood ee isugu soo hadhay kama danbaysta tartankaasi, oo iyagu soo bandhigay ciyaar wanaag aad u raaligelisay daawadayaashii ciyaarta ka soo qaybgalayoo uu ka mid ahaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ay dhinacyada ka fadhiyeen wasiirada Dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo Caddaaladda.

ramadancup13
Waxaana sidaasi lagu soo afmeeray tartankii bisha ramadaan ee garoonka xawaadle uga socday kooxaha heerka labaad ama B-da, sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenku abaalmarino gudoonsiiyey ciyaar yahanadii intii tartanku socday la abaalmariyey

ramadancup14  ramadancup12 ramadancup11 ramadancup510 ramadancup59 ramadancup58 ramadancup57 ramadancup56 ramadancup5 ramadancup4 ramadancup3 ramadancup2 ramadancup1

 
,, ,,,.