Sunday, September 23rd, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Degaanka Oo Xidhay 5 Qof Oo Lagu Eedeeyay In Jareen Geed Ku Yaallay Faras Magaalaha Hargaysa

Published on June 13, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Wasiirka wasaaradda  ilaalinta  degaanka Somaliland ayaa saaka   saldhiga dhexe ku xidhay shan qof oo lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah u jareen Geed weyn oo ku yaalay dhisme dabaq ah ka soo hor jeedka garoonka kubbadda Kollayga ee Tima-cade ee magaaladda Hargaysa.

hqdefault

Shantan nin ee loo xidhay in ay geedkaasi  jareen ayaa kala ahaa 4 nin oo iyagu geedka gooyay iyo nin derawal ka ahaa gaadhi la doonayay in lagu qaado  marka geedka  goyntiisa la dhamaystiro.

Geedkan loo xidhay shanta nin oo ahaa nooca loo yaqaano Qudhaca, ayaa  xalay  saqdii dhexe ay jareen afar nin, kadibna markii la damcay in la rarro subaxnimadii saaka   ayaa dad shacab ahaa oo joogay agagaarka meesha geedka laga  gooyay waxay la xidhiidheen wasaaradda ilaalinta degaanka.

Waxaana isla markiiba goobtaasi  si dhakhso ah u soo gaadhay wasiirka degaanka iyo horumarinta reer miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare,  oo ay wehelinayeen  saraakiil wasaaradaasi ka tirsan iyo koox ciidamo boolis ah.

Waxaanay wasiirku amar ku bixisay in la xidho afarta nin ee jaray geedka, derawalkii waday gaadhiga lagu raray iyo gaadhigiisaba, iyadoo isla markiiba si toos ah saldhiga dhexe ee Hargaysa loogu xidhay shantaasi nin.

Geesta kale geedkan Qudhaca ah ee jaristiisa loo xidhay shanta qof ayaa  ku hor yaallay dhisme fooq ah oo laga dhisayo ka soo hor jeedka  dhinaca bari ee garoonka kubbadda kollay Tima-cadde, kaasoo sababta jaristiisa ay mulkiileyaasha guriga uu ku hor yaalay u  cuskadeen in uu ka qabsaday wajahadda.

Balse waxay talaabadan jarista geedkaasi ku  dhaqaaqeen iyagoon wax fasax ama ogolaanshiyo ah ka soo qaadan wasaaradda ilaalinta degaanka, taasoo  ka hor imanaysa  xeerka ilaalinta degaanka oo ay goleyaasha sharci dejintu ansixiyeen madaxweynuhuna saxeexay.

Waxaana la filayaa in  sharciga la hor gayn doono shanta nin ee ku eedaysan in ay geedkaasi si sharci darro ah u jareen iyo mulkiilaha dhismaha uu ku hor yaalayba.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda horumarinta degaanka Shukri Baandare,  ayaa uga mahad celisay dadkii  ku soo wargeliyay in geedka la jaray, waxaanay tilmaantay in  qof kastoo muwaadin ah iyo xukuumaddaba uu xil ka saaran yahay  ilaalinta degaanka.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.