Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Barnaamijkii Tirinta iyo Tayaynta Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo La Soo Gebagabeeyay

Published on June 29, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa saaka soo xidhay barnaamijka madaxtaabashada shaqaalaha dawladda ee socday dhawrkii bilood ee u danbeeyay.

36222904_1701472119966634_3456937954423865344_n 36225052_1701472489966597_4147722979435872256_n 36226147_1701472909966555_8161305686311960576_n 36230893_1701474999966346_7388398468533846016_n

Kaasoo  ay gacanta ku haysay hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland, isla markaana uu gacan dhaqaale  ka gaystay   Baanka Adduunka.

Waxaana xidhitaanka barnaamijkaasi ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen wasiirka shaqo gelinta, wasiirka waxbarashadda, wasiirka biyaha, guddoomiye ku xigeenka hay’adda shaqaalaha dawladda  iyo xubno kale.

36249025_1701472106633302_7190560420770349056_n 36249451_1701474583299721_2726098674294718464_n 36269149_1701474126633100_8008827879083212800_n 36283397_1701474569966389_5210494791241957376_n 36295421_1701473626633150_1126051407519023104_n 36299154_1701472923299887_7607076157179035648_n

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka soo qayb galay xubno ka socday Baanka aduunka oo maalgeliyay barnaamikii lagu tiro koobayay shaqaalaha dawladda Somaliland.

Barnaamijkani oo socday dhawrkii bilood ee u danbeeyay ayaa noqonay kii ugu horeeyay ee lagu tirinayo laguna tayaynayo shaqaalaha dawladda ee laga qabto Somaliland guud ahaan.

Guddomiyaha hay’adda Shaqaalaha Sharmaarke Axmed Muxumed Geele ayaa si faah-faahsan uga war bixiyay barnaamijkani tayaynta iyo tirinta shaqaalaha dawladda.

36307097_1701472899966556_902284375901601792_n

Waxaanu  yidhi  “Waxaanu dhawrkii bilood ee ugu danbeeyay aanu wadnay barnaamijka tirinta iyo taynta shaqaalaha, waa guul in maanta aanu dhigayno xafladii gunaanadka.

Waxaanu  si sugan u haynaa qof kasta oo shaqaale dawladeed ah xogtiisa iyo waxkasta oo looga baahdo, waxaanu bilaabi doonaa barnaamijka hawl-gabka qaranka dhawaan taasina waa guul kale oo qaranku gaadhayo”.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Hinda Jamaac Xirsi (Hinda Gaane) oo iyana munaasibadaa ka hadashay ayaa is dul taagtay muhiimada ay qaranka u leedahay tirinta iyo tayaynta shaqaaluhu.

Waxaanay  sheegtay ka wasaarad ahaan inay xil wayn iska saari doonaan tayaynta shaqaale weynaha Somaliland.

Gunaanadkii madaxweyne ku-xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay dawladda uu hogaaminaayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay uga go’antahay in la helo shaqaale nidaamsan oo hanaansan oo hurumarsan isla markaana lagu aamino hawlmaalmeedka dawladda.

36240690_1701474983299681_649256810133323776_n

Waxa  uu madaxweyne ku-xigeenku hay’adda shaqaalaha ku bogaadiyay hawshan baaxadda leh ee ay qabteen.

“Guddomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda iyo shaqaalihiisa, waxaan ku bogaadinayaa hawshan ay gacanta ku hayeen ee soo gebo-geboday, xukuumad ahaan waxa naga go’an in la helo shaqaale tayaysan, isla markaana aanu sidoo kale u gogol xaadhno shaqaale kale oo dawladu qaadato” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.

 

Geesta kale barnaamijka tirinta iyo tayaynta shaqaalaha ayaa noqonaya mid ku soo beegmay wakhti ku munaasiba kuna soo dhamaaday guul iyo xog diyaarsan oo ay yeesheen shaqaalaha dawladda meel ay joogaana.

36222904_1701472119966634_3456937954423865344_n 36225052_1701472489966597_4147722979435872256_n 36226147_1701472909966555_8161305686311960576_n 36230893_1701474999966346_7388398468533846016_n 36231253_1701474103299769_9061326627333472256_n 36239948_1701475379966308_7626295044906942464_n 36240561_1701475373299642_1513949768244527104_n 36240690_1701474983299681_649256810133323776_n 36243822_1701472566633256_1785216801693499392_n 36245765_1701475009966345_2582314563772874752_n 36248132_1701472096633303_7602016260502585344_n 36249025_1701472106633302_7190560420770349056_n 36249451_1701474583299721_2726098674294718464_n 36269149_1701474126633100_8008827879083212800_n 36283397_1701474569966389_5210494791241957376_n 36295421_1701473626633150_1126051407519023104_n 36299154_1701472923299887_7607076157179035648_n 36300540_1701474156633097_8954201402712784896_n 36301678_1701473633299816_5591067943510212608_n 36307097_1701472899966556_902284375901601792_n 36323664_1701472526633260_6933492884209401856_n 36371641_1701473569966489_3675614036751286272_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.