Wednesday, June 3rd, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Boobe Yuusuf Ducaale Oo Dar-daaran U Jeediyay Dhalinyaradda Hal-abuurka

Published on June 29, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Qoraa Cabdi  Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa kula dar-daarmay hal-abuurka da’da yar ee Somaliland in ay suugaantoodda kagaqayb qaataan midaynta  bulshadda iyo deminta colaadda beelaha walaalaha ah u dhaxaysa.

download

Waxaanu sheegay qoraa Boobe, in mar kasta ay dhalinyaradda abwaaniinta ahi ka fogaadaan in ay sugaantoodda u adeegsadaan waxyaabaha dadka kala kaxaynaya.

Boobe Yuusuf Ducaale, oo hadal ka jeediyay munaasibad lagu soo bandhigay sugaan kala gedisan sida heeso, gabayo iyo qaybo kale oo lagu qabtay magaaladda Hargaysa, taasoo loogu tallo galay colaad beeleedka Ceel-Afweyn.

Waxa uu tilmaamay kaalinta hal-abuurka iyo abwaaniintu ka qaadaan karaan xal u helida shaqaaqo beeleedka Ceel-Afweyn, isagoo dar-daarana u jeediyay dhalinyaradii barnaamij suugaaneedkaasi soo abaabulay iyo kuwii ka qayb galay-ba.

Halkan Ka Daawo Hadalkii Boobe:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.