Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madax Dhaqameedka Bariga Burco Oo Baaqyo Ka Soo Saaray Colaadda Ceel-Afweyn iyo Dagaalka Tuke-raq

Published on June 29, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Saladiinta iyo madax dhaqameedka beesha bariga Burco ayaa baaq nabadeed ka soo saaray  colaad beeleedka Ceel-Afweyn iyo dagaalka degaanka Tuker-raq ee u dhexeeya Somaliland iyo Puntland.

vlcsnap-3598-09-05-07h36m59s843

Waxaanay  u  jeediyeen madax dhaqameedka bariga Burco  beelaha dirirtu ku dhexmartay Ceel-Afweyn in ay u dhego-nug-laadaan dhex dhexaadinta iyo  nabadaynta laga dhex wado, isla markaana ay xaaladda nabad ku soo dabaalaan.

Salaadiinta iyo madax dhaqameedka bariga Burco oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Burco, waxa kaloo ay ugu baaqeen dawladda Somaliland in wadahadal lagu dhameeyo dagaalka u dhexeeya Puntland ee  Tuke-raq.

Si looga bad-baado in halkaasi uu mar kale ka dhaco dagaal khasaar nafeed iyo mid hantiyeedba  sababa.

Halkan Ka Daawo Baaqa Madax Dhaqameedka Bariga Burco:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.