Tuesday, November 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasiirka Waxbarashadda Oo Fariimo U Kala Diray Ardayda Imtixaanka U Fadhiisanaysa iyo Hawl Wadeenadda

Published on June 29, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Maalinta beriya 8 subaxnimo ayaa la filayaa in uu guud ahaanba dalka si rasmiya uga bilaabmi doono imtixaanka shahaadiga ah ee fasaladda 4aad sare iyo fasaladda 8aad ee dhexe.

Faraton

Sida uu shaaciyay wasiirka wasaaradda waxbarashadda Somaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon), oo galabta kormeer ku soo maray qaar ka mida dugsiyadda ku yaalla magaaladda Hargaysa ee imtixaanka lagu geli doono.

Waxaanu wasiirku sheegay in guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka dalka ay   maanta si buuxda u wada gaadheen gawaadhida siday  imtixaanka iyo hawl wadeenadda ilaalinaya imtixaanka.

“Ilaa imika,  goobihii loo diray imtixaanka wararka aanu helayno  si nabad gelyo ah ayay ku gaadheen.  Berito saacadu markay tahay 8 subaxnimo ayay imtixaanadu bilaabmayaan”ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Geesta kale wasiirka waxbarashadu waxa uu fariin u diray macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee imtixaanka ilaalinayaa in ay xil iska saaraan hawshaasi, isla markaana si wanaagsan u gutaan.

Isagoo xusay in  mudadda 7-da maalmood ah ee uu imtixaanku socdo maalin in  maalin walba wixii khaladaad ah ee dhaca ay guddi arrintaasi loo xil saaray ka fadhiisan doonaa,  isla galabnimadaasina ay go’aan ka soo saari doonaan.

Waxaanu yidhi  “Waxaan doonayaa in masuuliyiinta imtixaanka ilaalinaya iyo hawl wadeenadda kale-ba in ay si wanaagsan u gutaan xilka saaran. Ardayduna waa in ay isku kalsoonaadaan, meeshii ay joogaanba, oo ay imtixaanka si wanaagsan u galaan.

Maalin walba waanu kormeeraynaa meelaha imtixaanku ka socdo, wixii khaladaad ah ee dhaca maalin kasta  isla galabnimadda ayay wasaaradu ka fadhiisanaysaa, wasaaraduna tallaabo ayay ka qaadaysaa”.

Ugu danbayn wasiir Faratoon ayaa  u rejeeyay ardayda imtixaanka u fadhiisanaysa in  ay imtixaanka guul ka gaadhi doonaan, halka uu masuuliyiinta ka hawl gelanayana ka codsaday in ay dul qaataan maalmaha uu imtixaanku socdo.

“ILLAAHAY (SWT) waxaan ka rejaynayaa in todobadda maalmood ee uu imtixaanku socdo  in la wada dul-qaato, oo imtixaanku siduu yahay loo gallo”ayuu yidhi wasiirka waxbarashadu.

Dhinaca kale imtixaankii sanadkii hore ee fasaladda 4aad ee sare iyo 8aad ee dhexe ee Somaliland ayaa ahaa sanadkii ay ardaydii ugu tiradda badnayd dhaceen, inkastoo ku dhawaad 800 tiro gaadhaysa loo ogolaaday in ay imtixaanka dib u galaan.

Hase yeeshee sanadkan ayaa la saadaalinayaa in tiradda ardayda dhacdaa ay intii sanadkii hore ka yarataao, maadaama sanadkii tegay ardaydii badnayd ee dhacday ay  wasaaradda waxbarashadda ka abuurtay buuq badan.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Send Money to Your Loved Ones Through Globalsend

   

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...