Friday, May 29th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Shirweyne Lagu Gorfaynayo Horumarinta Ganacsiga Ka Dhexeeya Dawladda iyo Shacabka Oo Hargaysa Ka Fumray

Published on June 30, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdriraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa ka qayb-galay shirweyne Ballaadhan oo lagu gorfanayo sidii loo horumarin lahaa, loona hirgelin lahaa ganacsiyo ay wada leeyihiin xukuumadda iyo shacabku, kaas oo lagu qabtay caasimadda Hargeysa maanta.

36373803_1705935882853591_1868421236023885824_n 36379772_1705936819520164_5382976485961236480_n 36382030_1705936869520159_7054664391349764096_n 36385981_1705935382853641_3039278030137589760_n 36389781_1705935619520284_1501675112489811968_n 36394583_1705936586186854_5832118335843598336_n

Shirkan oo ujeeddadiisu ahayd sidii loo hirgelin lahaa, loogana midho-dhalin lahaa ganacsiyada ay wada abuuraan xukuumadda iyo shacabku, ayaa waxa soo qaban-qaabisay wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, waxana ka qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

Wasiirrada  wasaaradaha, ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad(Saajin), Maaliyadda, Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi, Gaashaandhigga, Mudane, Ciise Yuusuf Axmed, Horumarinta iyo Maalgashiga, Mudane,Axmed Maxamed Cawad, guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Baqdaadi, guddoomiyaha rugta ganacsiga, Mudane, Maxamed Shugri, xubno ka socday baanka adduunka, madax ka socota hay’adaha caalamka.

36371313_1705936089520237_5839150550221848576_n

Ganacsato  iyo marti-sharaf kale, waxana madasha si faah-faahsan loogu soo bandhigay fursadaha maal-gashi ee dalka ka bannaan iyo sida ay muhiimka u tahay inay ganacsatada gaarka ah iyo dawladdu hirgeliyaan ganacsiyo faa’iido badan keena.

Kaasoo  wax ka tara shaqo la’aanta, isla markaana ka qayb-qaadan kara horumarka dhinaca ganacsiga iyo hal-abuurnimada hibooyin wax soo saar oo bulshada loo horseedo.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad(Saajin) oo ugu horrayn madasha hadallo ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay inay ganacsatada iyo xukuumaddu diyaariyaan ganacsi horumarka bulshada qayb weyn ka qaata oo dalka lagu maal-geliyo.

36369114_1705935116187001_5361279384923668480_n

Waxaanu  yidhi  “Maanta halkan waxa isugu yimi laba qolo oo xukuuq iyo xaqba isku leh, waana dawladdii iyo dadkii wax soo saarayey ee dalka wax usoo saarayey, shirkanina waa mid wasaaradda ganacsiga oo kaashanaysa Baanka Adduunku ay soo diyaarisay, ganacsataduna dawladda xaq bay ku leeyihiin, dawladduna xaq bay leedahay, iyadana xaq baa lagu leeyahay.

Dawladdu waa inay abuurtaa qawaaniin lagu kala baxo, jawi nadiif ah oo lagu shaqayn karo, waa inay amniga ilaaliso oo soo saarto jiil tacliin leh oo ay caafimaadka daryeesho, dawladduna baayac-mushtar ma aha oo lacagta meel kale kama keentee idinka ayey idinka keentaa.”

36431868_1705935792853600_2546866622425989120_n

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) oo shirka ka jeediyey hadallo salka ku haya sidii loo hormarin lahaa ganacsiga ay wada yagleenaa dawladda iyo shacabku, ayaa sheegay inay mudan tahay sidii kulanka loogu kala faa’iidaysan lahaa, isla markaana looga soo saari lahaa maxsuul manfaciisa loo aayo.

Isagoo  arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxa farxad weyn ii ah inaan idin kala soo qayb-galo madashan ay ku tashanaan dawladdii iyo ganacsigii gaarka loo lahaa oo ah laba aan kala maarmin, runtiina waa mid mar walba loo baahnaa, muhiimadduna in haddii la isu yimi in aad loo kala faa’iidaysto oo arrintaasi noqoto aqoon is-weydaarsi wax weyni ka soo baxo oo aynu hore ugu dhaqaajinno ganacsigeena iyo maal-gashiga dalku u baahan yahay.

Waana  in labada dhinac is fahmaan oo ganacsatadii iyo dawladdu is fahmaan oo qolo qaliba doorkooda fahanto.”

Madaxweyne-ku-xigeenku isaga oo hadalkiisa, waxa uu hoosta ka xarriiqay inay aqoontu fure u tahay horumar kasta oo uu ganacsigu gaadho, isaga oo shaaciyey inay xukuumad ahaan xil weyn iska saari doonaan sidii ay usoo saari lahaayeen shuruuc iyo qawaaniin ganacsiga xukuumadda iyo shacabka ka dhexeeya la xidhiidha.

36373803_1705935882853591_1868421236023885824_n

“Aqoonta ayey wax waliba ku fadhiyaan, inaguna waxa aynu u baahan nahay inaynu aqoontii iyo ganacsigii meel isugu geyno, maantana dad badan baa jaamacadaha kasoo baxaye, waa inay ganacsatadu tababaraan oo shaqo geliyaan si ay ganacsigooda hore ugu mariyaan.

Annagu-na xukuumad ahaan waxa aanu diyaar u nahay inaanu shuruucda diyaarinno ama xoojinno oo sidii shacabku dhexdooda wax u wada yeelan lahaayeen, ama shacabka iyo xukuumaddu wax u wada yeelan lahaayeen aanu diyaarinno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici).

36361365_1705936712853508_4600341141487878144_n 36362962_1705936526186860_1977865296307814400_n 36363166_1705935832853596_7061402159950069760_n 36365567_1705935652853614_3833069779795574784_n 36369114_1705935116187001_5361279384923668480_n 36370334_1705936626186850_4052281457429708800_n 36371298_1705935152853664_6555837140016562176_n 36371313_1705936089520237_5839150550221848576_n 36373202_1705936072853572_3673210817865580544_n 36373799_1705935486186964_7298979560123531264_n 36373803_1705935882853591_1868421236023885824_n 36379772_1705936819520164_5382976485961236480_n 36382030_1705936869520159_7054664391349764096_n 36385981_1705935382853641_3039278030137589760_n 36389781_1705935619520284_1501675112489811968_n 36394583_1705936586186854_5832118335843598336_n 36397359_1705935279520318_2250988773535907840_n 36404817_1705936416186871_1271544803355525120_n 36411817_1705934872853692_686580307863797760_n 36417405_1705936912853488_1009132798469996544_n 36423601_1705934922853687_1039926863578791936_n 36428549_1705935349520311_4912548980023361536_n 36431868_1705935792853600_2546866622425989120_n 36436356_1705935999520246_9173252491519721472_n 36448115_1705936339520212_5411634212862164992_n 36450746_1705935456186967_2536633764059021312_n 36452788_1705935536186959_495996395438735360_n 36465723_1705935709520275_5108044595573293056_n 36468622_1705935166186996_7530895106774138880_n 36478592_1705934879520358_166694290712428544_n

SDWO/Hareisa Office

 
,, ,,,.