Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Madax Dhaqameedka Bariga Burco Oo Beesha Garxajis Ku Eedeeyay In Ay Qandaraas Dagaal Ka Soo Qaateen Soomaaliya

Published on July 6, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xubno ka tirsan madax dhaqameedka beesha  bariga Burco  ayaa ku eedeeyay  madax dhaqameed ka soo jeedda beesha galbeedka Burco in ay ka danbeeyaan dib u curashadda colaad beeleedka Ceel-Afweyn.

Waxaanay sheegeen in shirkii beesha Garxajis dhawaan ugu soo dhamaaday buurta Gacanlibaax  in qodobadii ay ka soo saareen uu dhiiri geliyay in beesha galbeedka Burco ay dagaal toosa la galaan beesha bariga Burco.

Taasoo ay u soo daliishadeen in hub iyo rasaas ay ka heleen Soomaaliya ay ku soo daabuleen degaanka Ceel-Afweyn, isla markaana ay ku kaceen tallaabo qaran dumisnimo ah, degaankaasina ay la wareegtay jabhadd.

Madax dhaqameedka ka soo jeedda beesha bariga Burco oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxweyne Muuse Biixi in uu arrintaasi si deg deg ah wax uga qabto maadaama oo xaaladii colaad beeleedkaasi is-bedeshay.

Halkan Ka Daawo Madax Dhaqameedka Bariga Burco Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.