Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Telefishinadda Bulsho iyo Eryal Oo isu-bahaystay Baahinta Warar Lagu Hurrinayo Colaada Ceel-afweyn WQ: Cabdi Saxafi

Published on July 6, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Telefishanadda Bulsho iyo Eryal, oo ah laba Telefishan oo madax-banaan, ayaa qayb ka noqday buun-buunita collaadda laba beelood oo walaalaha ee dirirta colaadeed ay ku dhexmaray deegaanka Ceel-afweyn.

36675850_1799601763453567_6348003371915411456_n

Waxaanay   labaddan telefishin oo ka hawl-galla magaaladda Hargeysa oo ku suntan labada beelood ee dagaalamaya midkood, ayaa cod baahiyahoogga u isticmaalan kicinta beeshoodda iyo hurrinta colaadaa Ceel afweyn.

Dhacdooyinka isu-lammaan oo labaddan telefishan isu-bahaysteen, ayaa ah mid ka baxsan qaanuunka tabinta wararka dhiiladda ah ee ka imanaya deegaanadaasi colaaddu  ka jirto.

Dhinaca kalena, ururka SOLJA oo warbaahinta u qaabilsan nidaaminta ayaa indhaha ka qarsadday inuu si toos ah telefishaddan uga wacyi-geliyo inay joojiyaan wararka dhiiladda ah ee ku saabsan kicinta iyo isu-dirka labaddan beelood.

Sidoo kale, Xukuumadda Muuse Biixi ayaa baahinta wararkan ku indha-dooqsata iyadoo telefishanaddan waxa talaabbo ah ka qaadin,iyadoo tebinta wararka dhiiladda ah ay isu-bedeli karrato xaalad nabad-galiyo darro ah oo ku faafta deegaanadda ku teedsan deegaanadda collaadu ka socoto.

Ugu dambayntii labaddan telefishan ayaa haddii ay siddan ku soo socdaan noqon doonna laba telefishin oo caqabad ku noqon doonna waan-waanta nabadeed ee laga waddo deegaanadaasi.

C S

By: Cabdi Saxafi

 
,, ,,,.