Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Somaliland Oo Xubin Ka Noqotay Wadamadda Ku Midoobay Ka Hortaga Xannuunadda Faafa

Published on July 7, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda qaar kamida dalalka afrika ee ku bahoobay urur ka hor tagga xanuunada faafa oo uu hoggaaminaayey Dr.Simon Antera.

36762831_1716954368418409_6236388158418714624_n 36765631_1716954405085072_3707703399572045824_n 36766195_1716953175085195_3270897331418955776_n 36772293_1716953005085212_8116669633097891840_n

Waxaana ay wafdigu madaxweyne ku-xigeenka u sheegeen in Somaliland loo aqoonsaday inay xubin ka noqoto 31 waddan oo ku midoobay la dagaalanka xanuunada faafa, taasi oo ay jamhuuriyadda Somaliland qayb ka noqotay isla maanta.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, ayaa ku dheeraaday dadaalka ay ka wasaarad ahaan ugu jiraan sidii ay Somaliland qayb uga noqon lahayd inta badan waddamada iska kaashada horumarinta caafimaadka.

36661741_1716953151751864_5642170684168732672_n 36707713_1716952981751881_5710836718626668544_n 36714134_1716953355085177_325128994242428928_n 36726851_1716954065085106_5960155369681453056_n (1) 36726851_1716954065085106_5960155369681453056_n 36733989_1716953998418446_1842701653300477952_n

Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ayaa wafdigani iyo dalalka ay ka socdeen ee Afrika uga mahad celiyay garashadooda ah inay Somaliland ku daraan 31 dawladood ee ku midoobay ka hor-tagga iyo la-dagaalanaka xanuunada faafa oo bulshada Afrika fara-baas ku haya.

36745638_1716953718418474_7999100130345091072_n 36752689_1716953311751848_656926234449543168_n 36762831_1716954368418409_6236388158418714624_n36789919_1716953598418486_3251531139197698048_n 36811971_1716954311751748_8048553036626264064_n 36816332_1716953758418470_579375454549442560_n 36857561_1716953528418493_1434884484091609088_n

Waxaanu  madaxweyne ku xigeenku sheegay in Somaliland uga baahantahay Afrika gacan weyn oo ay ku garab istaagayaan qaddiyadda kamid ahaanshaha dunida ee Somaliland.

Weftiga ayaa ballan qaaday inay dalalkooda iyo kuwa Afrika ee kaleba ay ka dhaadhicin doonaan waxa ay Somaliland ku soo arkeen oo ay ugu horrayso nabad-galyada iyo dawladd wanaaga.

 

SDWO/Hargeisa Office

 

 
,, ,,,.