Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Taliska Booliska Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Xidhga Cismaan Awr-liqe Iskana Difaacay Eedo Loo Jeediyay

Published on July 7, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Taliska ciidamadda booliska Somaliland ayaa ka hadlay  xadhiga  nin ganacsade iyo siyaasi ah oo magaciisa la yidhaahdo Cismaan C/raxmaan Awr-Liqe, oo  habeen hore ay ciidamadda boolisku ka xidheen gurigiisa magaaladda Hargaysa.

images

Taliye ku xigeenka ciidamadda booliska  Somaliland sareeye guuto C/raxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), iyo afhayeenka ciidamadda booliska Faysal Xiis Cilmi, oo maanta si wadda jira warbaahinta ugula hadlay taliska booliska.

Waxaanay gef iyo meel ka dhac ku tilmaameen hadalo ka soo yeedhay wiil uu dhalay Cismaan Awr-liqe oo ku eedeeyay taliyaha booliska in uu ka daneeyo xadhiga aabihiis, hase yeeshee masuuliyiintani ayaa arrintaasi mid ka duwan ku sheegay.

Sareeye guuto C/raxmaan  Fooxle, oo ka jawaabayay hadalka ka soo yeedhay wiilka uu dhalay Cismaan Awr-liqe ayaa sheegay in aanay jirin wax lug ah oo uu taliyaha boolisku ku lahaa ama ka ogaa xadhiga Ina Awr-liqe.

download

Waxaanu yidhi “Waxaan arkayay hadalo deel-qaaf ah oo lagaga hadlayay taliyaha ciidamadda booliska iyo ciidamadda. Taliyaha  ciidamadu  saldhig ma aha, qayb-na ma aha, wax  uu xidhaana  ma jiro. Qofka dacwoonayaa saldhiguu tagaa, kadib-na waxaa la raadiyaa qofkii danbiilaha ahaa, sidii loo soo qaban lahaa.

Arrinkaasi waa arrin gef ah, oo aan fiicnayn in been iyo hadal xun la iska sheego. Wax uu ka og yahay taliyaha ciidanku, ama gacan uu ku lahaa, ama  wax shaqo ah oo uu ku lahaa ma jirto”.

Geesta kale gaashaanle sare Faysal Xiis Cilmi, afhayeenka booliska Somaliland  ayaa isna sheegay in sababta loo xidhay Cismaan Awr-liqe ay tahay kadib markii uu 3-dii bishan af-lagaado iyo haddidaad kula kacay sarkaal ka tirsan booliska.

Iyadoo  uu askarigaasi u dacwooday saldhiga booliska Koodbuur, kadib baadhitaan uu saldhigu sameeyayna lagu cadeeyay af-lagaadda uu askariga kula kacay Awr-liqe, isla markaana waraaqda soo qabashadda loo maray sifo sharciya.

“Taariikhdu markay ahayd 03/06/2018-ka.   2 xidigle Nimcaan  Maxamuud Jaamac, oo ka tirsan ciidamadda booliska wuxuu u dacwooday saldhiga booliska ee Koodbuur, waxaanu dacwaynayay ninka la yidhaahdo Cismaan C/raxmaan Ismaaciil (Ina-awr-liqe),  kaasoo u gaystay af-lagaado, diin cay iyo hadidaad.

Isagoo ku yidhi Xabad ayaan wejiga kaaga dhufanayaa. Sarkaalkaasi sifihii sharciga ahaa ayuu maray. Saldhiga ayaanu u dacwooday, saldhiguna kiiskii ayuu baadhay, markii uu baadhay ee wixii lagu cadeeyay, boolisku waxay dalbadeen waraaq soo qabasho (Warrant of arrest).

Waxanay waraaqda soo qabashadda ka dalbadeen maxkamadda gobolka.  Ninkaasi wuxuu ku xidhan yahay saldhiga booliska ee Koodbuur. Iyadoo lagu eedaynayo haddidaad, diin cay,  oo uu u gaystay sarkaal boolis ah oo lebisan”ayuu yidhi Faysal Xiis.

download (1)

Dhinaca kale afhayeenka booliska Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in iyadoo arrinta xadhiga Cismaan Awr-liqe ay sidaas ku timid in hadana loo sibir saaro taliyaha ciidamadda C/laahi Fadal.

Waxaanu yidhi “Waxaa ayaan darro ah in halkan af-lagaado aan sal iyo raad toona lahayn looga  gaysto, taliyaha ciidanka booliska.

Taliyaha ciidanka boolisku  waa taliyaha ciidamadda xukuma, ma soo dhex galo  danbiyadda la baadhayo,  shaqana kuma laha. Ma aha suuro gal, mana aha in la ceebeeyo, mana aha in af-lagaado aanu geyin loo gaysto madax qaranka”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.