Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Ummadda Somaliland waxaan ugu baaqayaa in loo guntado sidii nabad loogu raadin lahaa beelaha Beladu ka dhex taagan tahay”…

Published on July 7, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Suldaanka guud ee beelaha Somaliland dega suldaan Maxamed suldaan C/qaadir ayaa  ku baaqay gebi ahaan si weyn loogu wada istaago deminta colaad beeleedka Ceel-Afweyn, gurmad xoogaan oo aan loo kala hadhina laga gallo.

download (3)

Waxaanu sheegay in dadka ergadda ah ee loo dirayo deminta colaadaasi in ay noqdaan kuwo ay ka go’an tahay sidii nabad gelyo looga dhex dhalin lahaa beelaha walaalaha ah ee colaadu u dhaxayso.

Waxaanu yidhi  “Ummadda reer Somaliland, culimo, cuqaal, ganacsato, iyo cid kastaba waxaan ugu baaqayaa in loo guntado sidii nabad gelyo  loogu raadin lahaa labadaas beelood ee Beladu ka dhex taagan tahay.

Waxaan leeyahay dadku gurmad xoogga ha ka galaan, oo yaan loo kala hadhin, xukuumad iyo shacbiba. Waana in la baxo, oo meesha la tago”.

Suldaanka ayaa intaasi ku daray “Dadka ergadda u tegaya Ceel-Afweyn, waxaan soo jeedinayaa nafihiina u hurra nabad gelyadda. Waayo? Si kale oo ay nabadu ku imanaysaa ma jirto.  Laakiin marka ergadu kaa xumaato, ayay waxyeeladda iyo dhibaatadu timaadaa.

Laakiin ergadda ku soo tallo gashay in ay iyagu nafahoodda ku waayaan, markaas ayay ergadu wax wanaagsan noqonaysaa”ayuu yidhi suldaan Maxamed.

Waxa kaloo uu sheegay suldaanku in isaga laftiisu uu ka qayb qaadanayo xalinta colaad beeleedkaasi, isla markaana uu si dhakhso ah ugu   ambabaxayo.

Waxaanu yidhi  “Aniga ayaana idiinku horaynaya, nabad gelyadaas sida loo raadinayo.  Cidii I raacaysa, anigu diyar ayaan ahay. Somaliland-na ha guulaysato ayaan leeyahay, nabad gelyana ha isku raacdo”.

Ugu danbayn suldaan Maxamed C/qaadir, waxa uu si gaara baaq ugu diray beelaha dirirtu  ka dhaxayso oo uu ugu baaqay in iyagu dhexdoodda inta aan cid kale-ba u gurman  ay ka shaqeeyaan sidii ay u daawayn lahaayeen kala qaybsanaanta dhexdoodda  ka jirta.

“Dadka Ceel-Afweyn,  waxaan leeyahay  nabadiina si wada jira in aad u ilaashataan  mooyee, midkiinba haddii uu is yidhaahdo kala kale ka aargooso , waa kugu dhimay oo kaa dhimay”ayuu yidhi suldaan Maxamed C/qaadir.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.