Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Dad Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Gudaha Magaaladda Hargaysa

Published on July 7, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Hal qof ayaa ku geeriyooday  2 kale-na way ku dhaawac meen shil baabuur oo maanta duhurnimadii  ka dhacay gudaha magaaladda Hargaysa.

Kadib markii gaadhi nooca xamuulka qaada ah uu ku dhacay  jidka mara halka uu ku yaallo Sinimoogii hore ee magaaladda Hargaysa.

Baabuurkaasi oo siday Silig aad u fara badan ayaa la sheegay in markii uu marayay jidkaasi oo dalcad ah ay u suuro geli wayday in uu halkaasi ka gudbo, kaasoo dib uga soo noqday wadadii uu marayay.

Siliga uu baabuurkaasi siday ayaa waxa dusha sare ka sii saarnaa saddex qof oo ka mida ahaa shaqaalaha muruq maalka ama xamaalka loo yaqaano oo loo malaynayo in ay doonayeen in ay baabuurkaasi siliga ka dejiyaan marka uu gaadho meesha uu u socday.

Iyadoo markii uu gaadhigaasi dhacay   waxaa uu dhaawac halis ahi soo gaadhay  saddexdii qof ee dusha ka saarnaa, iyadoo mid ka mida saddexdii nin ee dhaawaca ahaa uu midkood geeriyooday markii cusbitaalka la geeyay.

Labadda qof ee kale ayaa  la dhigay cusbitaalka guud ee Hargaysa, halkaasoo lagu daawaynayo.

Waxaa marar badan dhacda in gawaadhiga xamuulka culus sidaa markay marayaan jidkaasi Sinimoogii hore ee Hargaysa ay qaarkood dib uga soo noqdaan wadadaasi oo marka loo socda dhinaca idaacadda ah mid dalcadda.

Waxaana shilalkaasi ka dhasha khasaare kala duwan oo naf iyo meel-ba leh.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.