Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Ciidamadda Puntland Oo Weerar Jid-gooy Ah Ku Dilay Taliyihii Ciidanka Taleex iyo Xubno kale

Published on July 7, 2018 by   ·   No Comments

Taleex(SDWO):  Ciidammada maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntand,ayaa weerar jid-gooyo  ah  oo ay ku soo qaadeen  gobolka Xaysimo,  waxa ku geeriyooday sarkaal ka tirsan ciidammada qaranka Somaliland.

Waxa  kaloo  jid-gooyadaasi dhaawac culusi soo gaadhay    Maayarka degmada Taleex ee gobolka Xaysimo, Saleebaan Xaaji Axmed Diiriye.

download

Guddoomiyaha Gobolka Xaysimo Cabdirashiid Maxamed Axmed (Xiir) oo u waramay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa dhacdadaasi ka hadlay.

Waxaanu  sheegay in ciidammada Garoowe ee dawladda aan iskeed isku maamuli Karin ee Soomaaliya ay weerareen  wefti uu hoggaaminayey oo  marayey 12kii habeenimo ee  xalay degaanka Dhubuq-dhubuq ee gobolka Xaysimo.

Cabdirashiid Maxamed Axmed  wuxuu intaas ku daray  in  rasaastii maleeshiyada Garoowe  ku fureen  weftigiisa uu  ku dhintay ALLE ha u naxariistee Marxuum-Gaashaanle dhexe Saleebaan Cabdi Jaamac oo ahaa Taliye Guuto oo ka tirsanaa ciidammada qaranka ee degan magaalada Talleex ee gobolka Xaysimo.

Halka  uu dhaawac culusi soo gaadhay maayarkii degmada Taleex Saleebaan Xaaji Diiriye oo koomo ku jira isla markaana loo soo qaaday magaalada Hargeysa si loogu daweeyo.

Sidoo kale guddoomiye Cabdirashiid Xiir,  waxa uu  balanqaaday in  Soomaaliya  jab kala kulmi doonto duullaannada gardarada ah ee ay ka wadaan gudaha xuduudaha caalamiga ah ee Somaliland.

 

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.