Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

D/Hoose Ee Hargaysa Oo Bilawday Nidaam Casriya Oo Lagu Kaydinayo Xogta Arrimaha Dhulka

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Dawladda hoose ee Hargaysa ayaa soo bandhigtay  qorshe cusub oo  ay doonayaan in  xogta la xidhiidha arrimaha dhulka laga dhigo mid casriya oo ah nidaam lagu kaydinayo koombuyuutarka.

vlcsnap-6487-07-19-17h47m18s299

Sida uu shaaciyay maayarka caasimadda Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, barnaamijkaasi ayuu ku tilmaamay mid looga dan leeyahay sidii looga guuri lahaa nidaamkii hore ee waraaqaha.

Waxaanu sheegay maayar Soltelco, in nidaamkan cusub uu hadda socdo wejigiisii kowaad, kaasoo ay qayb ka yihiin in la diiwaangeliyo dhulka danta guud ah iyo midka ay dadku gaarka u leeyihiin iyo sidii loo kala xadayn lahaa degmooyinka caasimadda.

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.