Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wefti Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kormeer Ku Soo Maray Dhismaha Jidka Ceerigaabo

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments

Ceel-Afweyn (SDWO): Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminaayay ayaa kormeer ku soo maray goobo ay si xawli ah uga socoto dhismaha wadada dheer ee ceerigaabo oo gabo-gabo ku dhaw.

36821213_1721423297971516_9168065150278696960_n (1) 36821213_1721423297971516_9168065150278696960_n 36856427_1721424347971411_6662182291202113536_n 36865646_1721423907971455_3885710698566647808_n

Madaxweyne  ku-xigeenka ayaa halkaasi warbiximo kaga qaatay sida ay u socoto hawsha dhismaha wadadu hawlwadeenada gacanta ku haya dhismaha jidkaasi dheer.

Ingineerada wadada gacanta ku haya ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u sheegay in dhismaha wadada ay shaqadu ka socoto goobo kala duwan, islamaraana ay ku rajo wayn-yihiin inay dhawaan isku xidhmi doonaan Gar-adag ilaa Ceerigaabo, taasoo noqon doonta waddo laami ah.

36871616_1721424201304759_224827725330776064_n 36872035_1721424527971393_5370075361981759488_n 36872547_1721424234638089_2506575581466853376_n 36872621_1721424047971441_2430818074966884352_n

Wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed ayaa sheegay in Dhamaystirka jidka Ceerigaabo yahay taariikh Somaliland soo maraysa, waxaanu si weyn uga hadlay dhibaatadii ay jidkaasi lahaan jiray wakhtiyadii ay waddo xumadu ka jirtay.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa uga mahad celiyay hawl-wadeenada dhismaha jidkani dheer isagoo Madaxweyne ku-xigeenku sheegay in dawladda Somaliland dadaalkeeda isugu gayn doonto isku xidhka gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

36990011_1721423684638144_5536608174808760320_n (1) 36990011_1721423684638144_5536608174808760320_n 36995155_1721424124638100_7555808013034979328_n 37013515_1721424424638070_8280842425820250112_n

Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa kormeer lug ah kusoo maray gudaha magaalada Ceel-afweyn, iyo ceel-biyoodka ay magaca kula baxday magaaladaasi, iyadoo ay dadka shacabka ahi si weyn u soo dhaweeyeen madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigii la socday.

Waxaanu  madaxweyne ku xigeenku ku boorinayay dadkaasi inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabad-gelyada iyo wada jirka ummadda.

Ugu danbayn Waxa iyana xusid mudan in ay iska soo daba-dhacayaan ergooyinkii u baxay deminta dirirta labada beelood ee walaalaha ah ku dhexmartay ceel-afweyn, iyo deegaamada hoos yimaada, maalmahana uu si rasmi ah u furmi doono shirkii Nabadayntu.

36899976_1721423287971517_7578166384417308672_n 36913547_1721423681304811_5324182880509755392_n (1)

Waxaanay  Ergooyinkaasi ka kooban yihiin 66 Xubnood oo ay 13 ka mid ahi yihiin culimada dalka ugu waa weyn, halka 53ka kalena ay yihiin laf-dhabarta madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland.

36821213_1721423297971516_9168065150278696960_n (1) 36821213_1721423297971516_9168065150278696960_n 36856427_1721424347971411_6662182291202113536_n 36865646_1721423907971455_3885710698566647808_n 36871616_1721424201304759_224827725330776064_n 36872547_1721424234638089_2506575581466853376_n 36872621_1721424047971441_2430818074966884352_n 36874303_1721424251304754_4163000848122642432_n 36878522_1721424104638102_9102533875011158016_n 36886010_1721424477971398_363636923694055424_n 36887394_1721423927971453_1786012689198219264_n 36896665_1721424277971418_3318760635944140800_n 36899976_1721423287971517_7578166384417308672_n (1) 36899976_1721423287971517_7578166384417308672_n 36913547_1721423681304811_5324182880509755392_n 36913884_1721424374638075_7689099368128839680_n 36931402_1721423307971515_3577765022366957568_n (1) 36931402_1721423307971515_3577765022366957568_n 36970492_1721423874638125_7119811387303395328_n 36988110_1721423694638143_31458204491710464_n (1) 36988110_1721423694638143_31458204491710464_n 36990011_1721423684638144_5536608174808760320_n (1) 36990011_1721423684638144_5536608174808760320_n 36995155_1721424124638100_7555808013034979328_n 37013515_1721424424638070_8280842425820250112_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.