Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Xildhibaan Warfaa Oo Madaxweynaha Ka Difaacay Dhaliil Uga Timid Jaamac Shabeel

Published on July 10, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa ka difaacay dhaliilo uu shalay u jeediyay guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo sheegay in aanay xisbiga waxba kaga jirin golaha wasiirrada.

download (2)

Guddoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye   Jaamac Shabeel, ayaa hadalkiisu  la xidhiidhay in ka xisbi ahaan ay madaxweynaha kula xisaabtamayaan  saamiga uu xisbul-xaakimka ka siiyay golaha wasiirrada iyo xukuumadaba.

Hadaba xildhibaan Warfaa, oo isaga laftiisu ka tirsan xisbiga Kulmiye oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa hadalka Jaamac Shabeel ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana xubnaha golaha Wasiirrada  90% ay  ka tirsan yihiin Kulmiye.

Daawo Xildhibaan Warfaa Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.