Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Afar Qodob Oo Laga Soo Saaray In Ay Gundhig U Noqdaan Nabadaynta Ceel-Afweyn

Published on July 11, 2018 by   ·   No Comments

Ceel-Afweyn  (SDWO): Ergooyinka kala duwan ee nabadaynta u jooga shaqaaqadda Ceel-Afweyn ayaa maanta soo saaray afar qodob oo gundhig u noqonaya bilawga hawshaasi.

36913540_1722836171163562_5225354433193312256_n 36926085_1722835667830279_4133356103377354752_n 36952655_1722836094496903_6875772728524144640_n37028719_1722835641163615_9148094033388634112_n

Shir jaraa’id oo ay maanta Ceel-Afweyn ku qabteen weftiga uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland   iyagoo ka hadlay halka ay u marayso hawshii nabadaynta ee ay halkaasi u joogeen muddo soona saaray 4 qodob oo lagu adkaynayo nabad-galyada deegaamadaasi looguna sii gogol xaadhayo shir nabadeed oo dhex mara dadka deegaankaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo hadalka furay ayaa sheegay inay meel wanaagsan u marayso hawsha nabad-gelyo ee ay u socdeen, isalamrkaana waxa uu baaq u diray labada beelood ee walaalaha ee dirirtu ku dhexmartay deegaamadaasi,

waxaanu yidhi “Amaanka iyo nabad-galyada guud ahaan deegaanadan waxa gacanta ku haya ciidamada qaranka Somaliland, waxaan ugu baaqayaa ciidamo beeleedyadu inay koox waliba joogto halkii aanu u qorshaynay inta aanu hawsha nabadaynta gacanta ku hayno .

waxaanu  garanay in la kala fogeeyo dadka walaalaha ciidamadooda haday tahay aagaga fadhi-gaab iyo darar-weyne” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed Wasiirka arrimha guduhu.

36957909_1722835947830251_7074453083798896640_n

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha, wasiirka diinta iyo aw-qaafta, iyo wasiirka xannaanada xoolaha iyo kaluumaysiga oo iyaguna si weyn dadka shacabka ah ugu booriyay qiimaha nabada iyo ilaalinta midnimada ummadda ku dhaqan deegaamadaasi.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna qayb ka ahaa wafdigani islamarkaana maanta soo gaadhay magaalada Ceel-afweyn oo isna shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxa uu baaq dheer u diray dadka sawirka xun ka faafinaya waftiga nabadaynta ee sheekha iyo shariifkaba leh.

36985509_1722835851163594_1519217459733725184_n

Waxaanu  yidhi Guddomiyuhu “Colaadda dadkan walaaha ah cadaw badan ayaa ka faa’idaysanaya waxay inagu noqotay bar xun inagoo ogsoon halgankii qadhaadhaa ee aynu soo marnay inaynu maanta innagii is qabsano idinkoo og dagaalka iyo colaadda inagu socota, maanta ninka ergadaa aanu nahay diida inkaar ayaa ku dhacaysa wax shuruuda oo lagu xidhaana waa in aanay jirin”ayuu yidhi Guddomiye Faysal Cali Waraabe.

Madaxweyneku-xigeenka Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo soo gunaanaday shirkaasi jaraa’id ayaa halkaasi ka akhriyay 4 qodob oo lagu adkaynaayo nabad-galyada laguna gogol xaadhayo shir-weynaha nabada ee deegaanka waxaanu yidhi “Waxaan halkan kasoo jeedinayaa 4 qodob oo aanu ku amrayno cid kasta oo qayb ka ah colaada ceel afweyn.

36903202_1722835827830263_301658557042917376_n

  1. In ciidamo beeleedyada nin waliba uu ku sugnaado halkii loo qorsheeyay.
  2. In Ciidamadaas cidii ka tirsan ee lagu arko meel aan ahayn meeshii loo qorsheeyay loo aqoonsanayo inay yihiin fidmo wadayaal.
  3. In Ilaalinta dhaq-dhaqaaqyada ciidamada hubaysan ee beelaha ay masuul ka yihiin ciidamada Qaranka Somaliland iyo
  4. In Ilaalinta nabad-galyadu ay tahay danta guud ee qaranka, gaar ahaan danta Ceel-afweyn, waxaanu xil-buuxa naga saaran yahay soo afjarida mashaqadaas.

36903202_1722835827830263_301658557042917376_n 36913540_1722836171163562_5225354433193312256_n 36926085_1722835667830279_4133356103377354752_n 36931399_1722836037830242_5740779688721121280_n 36952655_1722836094496903_6875772728524144640_n 36957909_1722835947830251_7074453083798896640_n 36974072_1722835661163613_5339080605936123904_n (1) 36974072_1722835661163613_5339080605936123904_n 36984458_1722835831163596_3164349255913570304_n 36985509_1722835851163594_1519217459733725184_n 36992460_1722836221163557_3652167548289417216_n 37028719_1722835641163615_9148094033388634112_n 37033803_1722835997830246_7361345264105291776_n

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.