Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Ururka SOLJA Oo Soo Dhaweeyay Go’aankii Wasiirka Warfaafinta

Published on July 11, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa soo dhaweeyay go’aankii ay shalay wasaaradda warfaafinta Somaliland ku fartay qaybaha kala duwan ee warbaahinta in aanay siday doonaan u baahinin wararka la xidhiidha dagaalka Tukaraq iyo colaad beeleedka Ceel-Afweyn.

Guddoomiyaha ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sheegay in amarka wasiirku uu yahay mid sax ah, kaasoo tilmaamayay    in wixii warara ee la xidhiidha colaad beeleedka Ceel-Afweyn laga qaadan karo guddiga nabadaynta oo keliya.

Sidoo kale-na dagaalka degaanka Tukaraq warkiisa laga soo xigan karo taliska iyo saraakiisha ciidamadda qaranka Somaliland.

Halkan ka Daawo Warkaasi:

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.