Thursday, September 20th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta iyo Qodobadii Lagaga Hadlay

Published on July 12, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Kal-fadhigii 16-aad ee golaha wasiirradda Somaliland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne  Muuse Biixi Cabdi, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada dalka.

37036419_1724465634333949_370821532101902336_n 37074770_1724465657667280_3994839078754320384_n

Si  xoog ahna loo saari lahaa, tababarrada macalimiinta, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.

Taabbo-gelinta tababarrada macalimiinta oo muhiim u ah aas-aaska waxbarashada, iyada oo kor loo qaadayo xirfaddooda aqooneed, lana tayeynayo agabyada waxbarashada.

36954695_1724465894333923_1166490023554449408_n 37033819_1724465934333919_4750573952131137536_n 37036419_1724465634333949_370821532101902336_n (1) 37036419_1724465634333949_370821532101902336_n

Iyadoo laga duulayo muhiimadda dugsiyada farsamada gacantu u leeyihiin shaqo abuurka iyo barashada xirfadaha kala duwan, waxay xukuumaddu hawlgelinaysaa dhammaan dugsiyadii farsamada gacanta ee dalka, si loo kobciyo mihnada aqoonta bulshada.

Waxa kaloo goluhu isla qaatay in waxbarashada gaarka loo leeyahay lagu dabbaqo manhajka qaranka Somaliland, si loo mideeyo waxbarashada dalka.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.