Saturday, July 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

“Ma garanayo sababta ciidanka Somaliland ugu duuleen Tukaraq dhulka anagaa leh haddii aan lanaga tallogelin meel la gaadhayaa ma jirto”… Prof. Galaydh

Published on July 12, 2018 by   ·   No Comments

Laascaanood (SDWO): Madaxweynaha maamulka Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh, ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in aanay maamulkoodda ka   tallogelin dagaalka Tukaraq, maadaama oo   degaankaasi ay iyagu ka soo jeedaan.

images

Wuxuu dhaliilay Galaydh in Somaliland iyo Puntland ay ku dagaalamayaan dhul aanu  midkood-na lahayn, isla markaana  dadka u dhashay Sool, Sanaag iyo Cayn aanu  anfacaynin dagaalka dhulkooda laga wado.

Prof. Cali Khaliif, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu  ka jeediyay kal-fadhigii  9aad ee baarlamaanka maamulka Khaatumo oo shalay ka furmay  magaaladda Laascaanood.   Waxaanu sheegay in maamulo dhulkoodda isku dila ay ugu danbayeen Talyaaniga iyo Ingiriiska qarnigii 20-aad.

Isagoo dagaalka Tukaraq ka hadlayay waxa uu yidhi “Haddii aanu Khaatumo nahay iyo hadaanu nahay dadka Sool, Sanaag iyo Cayn dagaalka Tukaraq lanagama tallo-gelin.

War iyo wacaal-na uma hayno, dhulkana dadka reer  Sool, Cayn iyo Sanaag  ayaa leh. Maamullo ayaa is dilaya baa la yidhi. Maamulo dhulkan isku dilla  Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa noogu danbaysa.

Wakhtigan aan joogno oo qarnigii 21-aad ah, in maamulo midkoodna aanu dhulkan lahayn in ay  ku dagaalamayaan, nama anfacdo. Abtirsiimadan cusub eel ala roorayo bahashu ma shalay ayuunbay dhalatay? Ma awrka ayuunbaa lagu kacsanayaa? Mise danno ma guurto ah ayaa jira?.

Anagu dhulkana anaga ayaa leh, taladiisana haddii aan  lanaga qayb gelin ama aanaan hormood ka ahayn, meel uu gaadhayaa ma jirto, waana hadal”.

Geesta kale Cali Khaliif Galaydh,  ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sababta ay ciidamadda Somaliland inta ay uga guureen Gambadha oo ay markii hore deganaayeen ay duulaan ugu qaadeen Tukaraq.

Waxaanu sheegay in haddii  guul iyo is-af-garad laga gaadho wadahadaladda ay la leeyihiin Somaliland in iyagu ay diyaar u yihiin in meesha ugu danbaysa xuduudka Somaliland la gaadho,  balse iyadoon  weli waxba la lagu heshiinin in dagaal la qaado ay tahay mid aanu shaqo ku lahayn.

“Anigu waxa Tukaraq loo tegay ma garanayo.  Tukaraq, Gambadha 20KM ayay u jirtaa. Waxa ciidanka Somaliland Gambadha oo ay awalba joogeen intay duuleen ay   Tukaraq oo 20KM u jirta  u tegeen, anigu ma garanayo?

Haddii  aanu maamulka   Somaliland  heshiino, anaga ayaa diyaar u ah in Bixin oo xuduudka ku taalla   la tago. Laakiin haddii aanaan weli heshiinin, oo wax aanu wada leenahay aanaan dhisan, anagu dagaalkaas shuqul kuma lihin”ayuu yidhi madaxweynaha Khaatumo.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Cidii dagaal aan anaga na anfacaynin noo horseedaysa, kama yeelayno.  Weligaaba qabiil ka dhigo oo Dhulbahante dhexdiisa ku meehanoow, lagaa akhrisan maayo.  Dadkaasina dagaal aan danahoodda ahayn ma gelayaan”.

Galaydh

Dhinaca kale Prof. Galaydh, waxa uu sheegay in ay saluugsan yihiin qaabka ay u socdaan  wadahadaladda u socda maamulkiisa iyo xukuumadda Somaliland, isla markaana ay dareemayaan in aanay Somaliland daacad ka ahayn in si dhakhso ah loo dhamaystiro wadahadaladda.

“Anagoo miyir qab-na, oo waxa dantayadu tahay-na aan ka marin habaabaynin, ayaanu go’aansanay Somaliland in aanu wadahadalo la galno. Wadahadaladaasina  waanu wadaynaa, meel fiicana way marayaan.

Inkastoo aanu saluugnay habka loo wado iyo in aan dhakhso hawsha loo kala jaraynin, laakiin meel kale, magaallo kale, cid kale, dawlad dhexe ama qabiil ha ahaato, ama Daaroodkaas sanka lanaga mar-marinayo ha ahaato, ama Harti ha ahaato, ma jirto cid kaloo  diyaar u ah in aynu wadahadalno”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Somaliland

 
,, ,,,.