Wednesday, November 14th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Qaybtii 3aad: Sheeko Taxane ah halkan kala soco: Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka, Sheekadan waxaan daabacnay 2006dii oo dad kor u dhaafay 150 kun oo qof akhriyeen, markale si taxane ah halkan ugala soco

Published on July 13, 2018 by   ·   No Comments

Hordhac:   Waxa Qoray:  Cabdiraxman Maxamed Guun

Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl, maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista kadegay ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba hadaad hore in badan u maqashay qays iyo layla, ceebla iyo cantar, cilmi iyo hodan kuwaas oo dhamaan tood ahaa qarniyo hore tolow miyaan dabadood lays jeclaan”?

 

Qisada buugan cusub ee lamagac baxady (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qisadan  waxay lamid tahay ama ay meelo badan uga eg tahay kuwa dhaca maalin walba balse aan da,yartu in badan u dhugyeelan.

 

QAYBTII 3aad

Qaybtii Labaad waxay inoo Joogtay isagoo Subeer warqad u qoraya Salma,  iyo salma oo warqadii furtay oo bilowday inay akhrido. 

wuxuuna ku  bilaabay qoraalka warqaddaa sidan

Ku Salma:  Ka Subeer:

“Inkastooy sideedaba,

safar tahay adduunyadu,

lagu sugayo geerida,

saaka waan ka noolahay,

adna saatirkaan sidoo kale

samo inaad ku waartoo,

ku samaato baro wacan,

heedhe kuu su’aalee

seyidaay salaan wacan,

sidriga iyo laabtaan

sooryo kaaga soo diray,

ee sow ma fiicnid adiguna

love7

Intaa ka dib Salmaay, waxaan filayaa inaad ogtahay, haddii aad ogtahayna aanad dafiri karrin jiritaanka shayga ama waxaa loo yaqaan cishqiga balse haddii aan is idhaahdo tafsiir kooban ka bixi jaceylku waxa uu yahay waxaan shakhsiyan ku micnayn karaa inuu yahay rabitaan qoto fog oo ku beerma qalbiga iyo nudaha dareenka ee qofka aadamaha ah, ka dibna qofka wax jeceli waxaa uu ku sugnaadaa had iyo goor boholyow iyo baahi nafsaaniya oo uu u qabo qofka uu jecelyahay.

 

Markaa sidaa darteed, gacaliso waxaan shaki igaga jirin inuu naftayda haleelay dareen caashaq oo aan sahlanayn, waxaanse kuu sheegayaa qofka aan jecelahay inuu adiga yahay, xanuunka cishqigu inuu i asiibayna waxaan ku xaqiiqsaday, arimahan.

Sida aan ku sheeko qaatay ama warka ku hayo xanuunka ama dareenka jaceylku wuxuu leeyahay ama maraa toddoba wadiiqo.

Toddobadaa wadiiqo midkastaa waa toddoba taako oo ay taako kastaa dherersan tahay toddoba talaabo waana sidan:

Eegmo aan la hilmaamin ama kugu reebta xusuus soo noq noqota oo xiiso leh.

Qosol ilko caddays ah iyo weji furan, oo marba marka ka dambaysa ku sii dhowaada dunida farxadda iyo rabitaanka qofka, kuguna khasba inaadan qofka aad jeceshahay ka ag fogaan.

Bariido niyadsami xanbaarsan iyo dareen soo dhowayntu ku badan tahay oo aad qofka ku qaabisho had iyo goor.

Afti murtiyeysan iyo hadal meel mar ah oo qofka had iyo jeer weedhihiisa loo qushuuco, qofkana soo jiita marka aad rabitaankaaga u ban dhigayso.

Oofinta ballanka qofku ma ilaawo, haddii uu ruuxa kale noqdo qof marwalba oofiya ballanta waxaa qofka ballanta ilaaliya lagu tilmaamaa inuu yahay qof xataa lagu aamini karo nafta aadamaha.

 

Gacaliso, labada wadiiqo ee hadhay waxaan kaga soo sheegi doonaa waraaqaha dambe, balse gacaliso, waxaas oo tusaale ah, ujeedada aan uga socdaa waxay tahay in aan kuu sheego  wax aan anigu dareemi karo ama uu ogaan karo qof wax jecel, haddaan kuu cadeeyana, Gacaliso waan ku jecelahay Waxanan rabaa in aad noqoto midii ila wadaagi lahayd nolosha. Gacalo, ha ila yaabin hana u qaadan waayin hana u arkin hadaladayda qaar ah mala awaal ama wax si dhib yar aan u idhi balse run ahaantii muddo badan ayaad ku jirtay qalbigayga oo aad ugu milantay sida barafku ugu milmo cadceeda waxad tahay qofka keliya ama mida keliya ee aan odhan karo ama aan idhi waa midii oori kuu noqon layd.

Salma waan ogahay oo kollay in badan ayaad ku dul fekeri doontaa qoraalkagya waxanse si naxariis leh kaaga codsanayaa in aad ku eegto il gacaltooyo qoraalka warqada taasoo aan filayo in aad iigu soo jawaabi doonto sida ugu quruxda badan.”

waxay warqadani wax weyn ka beddeshay dareenka iyo mawqifka nafsaaniga ah ee Salma.  Illaa labo saddex goor ayey Salma ku noq noqotay akhriska waraaqdii Subeer, waxaana dareenkeeda ku soo kordhay culays weyn, waxayna hal cabbaar ah noqotay qof dheygagsan oo meel gooni ah yuururta, balse markii dambe ayey intay warqadii iska laabtay hawshii guriga ku dhaqaaqday.

Subeer ilaa markii ay Salma kala tageen oo uu warqada gacanta ka saaray, waxa ku taagan saxar, wuxuuna isweydiinayey tolow, maxay yeeli doontaa.?

“Armay gaashaanka kugu dhufataa oo ay meesha wadhi kaa raacdaa” ayuu Subeer hoostaa ka lahaa.

Subeer muddadii uu sugayey jawaabta waxa u dhammaaday wer wer iyo feker adduunyo, wuxu galay xaalad aamusnaan ah, waxaana naftiisa la soo dersay cidhiidhi iyo culays badan, taas oo keentay inuu cuntadii cuni waayo oo uu galo xaalad cunto ka soomid ah.

Subeer, inkasta oo uu iswaydiinayey, tolow go’aanka Salma muxuu noqon doonaa, haddana waxa meesha taal go’aanka ay qaadatay gabadhii Salma ka dib markii ay warqada akhriday iyo siday u aragtay dhambaalkii jaceylka ee uu soo diray Subeer.

Iyadooy sidaa tahay oo uu weli ka wareersan yahay Subeer waxa uu noqon doono go’aanku ayaa waxa u yeedhaya odaygii u aabaha ahaa kuna war galinaya in  ay isku raaci doonaan dalka Sacuudi Arabiya laba maalmood kadib halkaas oo ay ka soo iibin doonaan allaabooyin ganacsi oo la xidhiidha ama kamida kuwa uu ka ganacsado aabihii. Sidaa awgeed, Subeer, wuxu aabbihii u sheegay inuu maanta soo diyaar garoobo oo soo hagaajisto Baasaboor iyo wixii kale ee ka dhiman, isla gelinka dambena ay u fadhiisan doonaan xisaabta dukaanka, si ay cid kale ugu wareejiyaan.

 

Waqtiga uu Subeer Aabbihii la ballamay waa waqtigii uu sugayey Salma, ka dibna talo adduun ayaa ku cadaatay, waayo aabbihiina ma diidi karo, Salmana uma goyn karo, taasina waxay ku noqotay labo daran mid dooro.

 

Subeer, aabbihii aad buu u ixtiraami jiray weligiina hadal kumuu soo celin, sidoo kale odayguna aad buu u jeclaa wiilkiisa, Subeerna ma oggolaan jirin inuu mar qudha agtiisa ka waayo maadaama uu yahay madigii keliya ee uu wax rag ah dhalay.

Waxa soo dhowaaday waqtigii ballanta, xaaladii Subeerna waxay noqotay Allaw sahal.

 

Salma waxay u soo baxday dhinaca Iskuulka oo ay ka maqneyd muddo laba saacaddood ah, qorshaheeduna waxa weeye in ay soo marto marka ay iskuulka ka soo gadoonto.

 

Salma mar hore ayey gaadhay go’aanka ay Subeer siin lahayd, balse iyadu sidii Subeer warqad kumay soo qorin ee laabta iyo maskaxda ayey ku sidataa, waxayna doonaysaa inay ugu dhiijiso, iyaga oo is hor jooga oo ay afkeeda isticmaasho, balse Subeer wax war ah ma haysto,  mana oga waxa ay Salma la soo guuxayso.

Waxay socotaba saacadu waxay soo gaadhay 5:15 daqiiqo ee galabnimo, taas oo ay waqtigii ballanta ka hadhay 15 daqiiqo  oo qudhi, balse Subeer iyo aabbihii waxay dhax  fadhiyaan dukaanka, waxayna badhtanka kaga jiraan xisaabtii.

 

Subeer oo xaaladu ka qasnayd oo tiroba laba goor khalday xisaabtii, ileyn waa nin ay maskaxdiisa meel kale ku maqan tahaye, odaygii Dhamal ee Subeer aabbihiina waa yaaban yahay oo wuxu leeyahay tolow wiilkii maxaa galabta helay, sidan muu ahaan jirine.

Waxay arrini socotaba, markii dambe ayuu Subeer intuu mar qudha istaagay ayuu yidhi: “Aabbo meel dhow baan ilaa 20 daqiiqo kaga soo noqonayaaye isii yara sug, furaha gaadhigana ii yara dhiib”

Odaygii, goorahanba wuu yaabana, wuuna arkaa inay wiilkii wax si ka yihiin, balse furihii gaadhiga ayuu u dhiibay, wuxuuna ku yidhi, “Aabbo galabta shakibaad leedahaye gaadhigana ilaali, soona dhakhso,”  balse Subeer ma haleelin inuu odayga u jawaabo, ka dibna intuu furihii gaadhiga deg deg odayga uga qaaday ayuu gaadhigii deg deg furaha ugu rogay, wuxuna afka saaray goobtii ballanta, cabbaar markii uu taagnaa ayay Salma u timid, kadibna waxa la is dhaafsaday salaan xiiso iyo kalgacaltooyo ka muuqato hase yeeshee markii ay isa salaameen waxa dhacday in ay qadar hal miridh gaadhaya kala aamusnaadaan sidii wax midba gooni  shoog u qabsaday dabadeed Subeer ayaa ku tiraabay: “Salmaay waxay ila tahay adiga ayuu ahaa qofka ay arrintu xaggiisa jirtaa ee jawaabta laga sugayaa sidaa awgeed gacaliso soo daa wixii aad inoogu talisay.”

 

Subeer maskaxdiisu aad ayay u shaqaynaysaa wuxuuna is leeyahay tolow maxaa kaaga iman doona waxaana haysta wal-wal badan. Salma  iyadu hore ayay go’aan meel  u soo dhigatay oo waa ay haysataa jawaabtii laakiin markiiba afka may kala qaadin ee cabaar ayay hoos u yara foorarstay muddadaasi waxay ahayd qadar ka yar miridh badhkii balse Subeer waxay ku sii siyaadisay culays badan wuxu hoosta ka leeyahay (malaha dayro ayey kuu sidaa waa tan hoos u foorarsatee) dareenkiisa waxa ka muuqata firka nax iyo walbaahar saa’id ah. Salma intay qoorta kor ula soo yara kacday oo ay dhoola caddaysay ayay si degan u tidhi: “waa runtaa oo arrintu aniga ayay ila jirtay oo jawaab ayaa la iga sugayay warqadiina waan akhristay si fiicana waan u fahmay ujeedadii ay xambaarsanayd sidaa awgeed arrintii aad jawaabteeda iga sugaysay markaan dhinac walba ka eegay waan kula qaatay, laakiin waxan ka war sugayaa sida ay arrintaasi kaaga dhab tahay iyo sida aad uga soo baxdo axdigaa.”

Subeer waxa ka go’day falaadh kaga taagnayd garka wadnaha waxaana ka soo booday bahal neef ah kadibna wuxu ku tiraabay “wallaal aad baad u mahadsan tahay aniguna waan ka soo baxayaa waajibkayga” intaa kadib Subeer waxa uu yidhi: “gacaliso, ina wadi aan ku yara sii dhaweeyee dabadeedna way dhaqaaqeen, wadada ay sii marayaan waxa taagan odaygii Dhamal ee Subeer aabihii oo raagsaday wiilkiisa Subeer oo leh “Waar tolow xagee buu wiilkii ku raagay” hase yeeshee Subeer waxba ma arko oo wuxu ku mashquulsan yahay gabadhii Salma oo uu waxoogaa ballan ah ka sii yara gaadhsiinayo wuxuna leeyahay: “wallaal Salmaay beri oo qudha ayaan magaalada joogaa waxaanana maqnaan doonaa ilaa labaatan cisho waayo odayga aabahay ah ayaan isku raacaynaa Sacuudiga oo aanu alaabo ka soo iibinaynaa kadibna waanu soo noqonaynaa markaa gacaliso nooli kulantee na sii sug.”

 

Salma inkasta oo aanay warkaa ku farxin haddana jawaab diidmo ah kama ay bixin waxayna tidhi: “waayahay waan kaa war sugayaa Illaahayna ha ku soo nabad celiyo.” Subeer oo ka wer wersan odayga aabihii ee sugaya ayaa yidhi: “Wallaal odaygii aabahay ah ayaa I  sugayee maca salaama” kadiba way kala dhaqaaqeen. Subeer isma laha odaygu wuu ku arkayay balse odaygu si fiican ayuu ula socday dhaqdhaqaaqa Subeer iyo inay gabadh isku maran yihiin.

 

Subeer intuu gaadhiga baakinka dhigay ayuu dukaanka deg deg u soo galay kadibana odaygii ayaa ku yidhi: “aabo maxaa kugu dhacay laba saacadood ayaad Iga maqnayd labaatan daqiiqo inaad iga maqnaatana waanu isku ogayn.”

Subeerna wuxu ku jawaabay “aabo waxan tagay gurigeenii oo aan waraaqo ka soo qaatay.”

 

Odaygii dhamal ayaa isna ku jawaabay: “aabo waraaquhu ma waxay ahaayeen gabadhii aad ku mashquushay ee shidhka gaadhiga kuu saarnayd.” Subeer intuu naxay ayuu xagaa u soo jeedsaday oo hoos u foorarsaday balse intaanu wax hadal ahi ka soo bixin ayuu odaygii ku celiyay “aabo miyaanan mar hore kugu odhan waxba ha iga qarrin, ta kale miyaynaan isku ogeyn in aad guursato oo aanad igu odhan iga war suga, maxaa dhacay ma wixii aanu isku ogeyn wax ka duwan ayaad wadaa.”

 

Oday Dhamal sheekadii wuu sii waday, wuxuuna yidhi: “aabe Subeerow, wiil yar baad tahaye, geel labo jir soo wada mar, markaa ma aha inaad iga qariso waxaan kula fahmayo, hadhaw-na aan iga qarsoomayn.

 

Dhamal hadalkii ayuu ku sii dheeraaday, wuxuuna ku cel celiyay Subeer in aanu waxba ka qarsan ee uu u sheego wax kasta oo la soo dersa, Subeer-na intuu xishood iyo ixtiraam dartii gorodda hoo u laad-laadiyey ayuu hayedaa guray.

 

Dhamal, wuxuu marba wiilkiisa Subeer ku tuuraa hadal yar oo sidii kaftan ah, laakiin duurxul ah waxaana ka mid ah, hadaladii uu hoosta uga dhiibayey, “Aabo gabadhu tuma ayey ahayd, waa ina ayo, xagee bay degan tahay.”

Subeer oo uu xishood badani ka muuqdo balse waxoogaa sidii hore soo yara dhaamaya maadaama aanu aabihii waxba la diidanayn ayaa isaga oo hoos u foorara wuxuu yidhi; ”Aabe gabadha Salma ayaa la yidhaahdaa, waana xaafadan jaarkeena, waxaana dhalay odayga Abtidoon.”

 

Dhamal, hadal dambe oo badan uma noqon. Wuxuuna intuu madaxa yara ruxay ku tiraabay “Waan gartay” Dhamal, wuu ka gaws qabsaday arrinta, kumana qancin gabadha aabaheed iyo qoyska uu wiilkiisu gabadha ka soo xushay, laakiin, wiilkiisa madiga ah ee uu jecel yahay ma tusayo dareen diidmo ah iyo wax niyad jab ku rida toona, hadalkiina halkaa ayey ku hakiyeen, dabadeedna Subeer iyo aabihii waxay ku kala foofeen wixii hawlo ah, ee ka dhiman maadaama ay beri wixii ka dambeeya safar gelayaan, wayna kala dhaqaaqeen.

 

Subeer habeenkii oo dhan hurdo fiican ma ledin, wuxuuna ka fekerayey xaalada jacayl ee ka aloosantay dareenkiisa iyo mustaqbalkiisa nololeed, isla markaana wuxu ka gam’I waayey xusuusta soo noq noqonaysa ee Salma.

Dhinaca kale Salma lafteedu waxay wehel ka dhigatay warqadii farriinta dahabka ah xambaarsanayd ee Subeer ugu dhigay waayihiisa jaceyl.

 

Salma may lahayn saaxiibo gabdho ah oo badan, balse gabadh Yurub la yidhaahdo oo ay jaar yihiin ayey mar mar kala tashataa arrimaheeda, welise uma ay sheegin sheekada cusub ee dhex martay iyada iyo Subeer. Yurub waxay ahayd gabadh bul-shaawiyad ah, oo leh axsaab badan oo gabdho iyo wiilal-ba leh.

 

Salma inkasta oo ay ahayd gabadh afgaaban oo aan wax badan dadka la sheekaysan, haddana maalintii dambe ayey cabaar meel ku sheekaysteen gabadhii Yurub ee ay deriska ahaayeen, sheeko wadaagtana ay ahaayeen, ka dibna waxay u sheegtay inay sheeko ka dhexayso wiilka la yidhaahdo Subeer.

 

Gabadha la yidhaahdo Yurub aad bay u taqaan Subeer, waayo reerahooda ayaa deris ah, ka dibna Yurub iyada oo la yaaban warka ay Salma u sheegtay ayey ku tidhi: “walaal Salmaay miyaad igu ciyaaraysaa, mise waa ka dhab”, intaanay Salma weli jawaabin ayey Yurub mar kale hadal soo tuurtay, waxayna tidhi: “sow, wixii oo qab weyni iyo is qalqaloocin ahayd waxay kaa ahayd hur iyo been, isla waynidaaduna waxay ahayd bilaa micne ma naagtaada jeclaatay yarkii aan weligay aqaanay ee aan macnaha lahayn ayaa dookh leh”.

 

Asmi may jeclaysan dhaliisha deg degga ah iyo hadalada aan wacnayn ee ay Yurub kula dul kuftay Subeer, waxayna ugu jawaabtay “walaal Yurubeey, ninkaasi aniga ayuu dookhayga noqday ee ii daa oo yeynaan ilaa heerkaa isla gaadhin, hana ku deg degin waxyaalaha qaarkood”.

 

Yurub markii ay aragtay jawaabta ka soo yeedhay Salma iyo sida ay u diidan tahay in wax laga sheego Subeer, ayey doodii mawduucaa ku saabsanayd soo afjartay, waxayna sheekada kaga baxday “walaal Salmaay, waa adiga iyo nasiibkaa, anigu intaa waan kaala hanweynaaye”.

Subeer iyo aabihii Dhamal, waxay u safreen Sucuudiga iyadoo aanay Subeer iyo Salma dib isu arag, waxayna maqnaayeen muddo bil ah.

Subeer muddada uu maqnaa marna wax xidhiidha ah lama soo samayn Salma 15 maalmood markii uu Subeer sii maqnaa, ayaa waxa dalka Jarmalka ka yimi nin ay Salma ilma-abti yihiin oo uu abtigeed dhalay ninkaa oo magaciisa la yidhaahdo Mursal, ujeedada uu Jarmalka uga soo dhoofay ee dalka uu u yimo, waxa weeye laba arrimood oo kala ah,  inuu Eddadii Ruun dhakhtar debedda ah u qaado iyo inuu gabadh ka soo guursado dalkiisa, waxaana sidaa ku soo diray aabihii oo ah Ruun walaalkeed.

 

Mursal wuxuu ku soo degay gurigii Eddadii ee reer Xaaji Abtidoon, ka dibna waxa loo goglay qol guriga ka mid ah.

Mursal inaabtidii Salma wuxuu dalka ka tegay iyadoo 7 jir ah, maantana wuxuu u yimi iyadoo 17 ah, isla markaana si fiican u kortay oo ah gashaanti isku tumatay oo boqol lagala baxo.

 

Mursal waa Injineer wuxuuna shaqo wanaagsan ka hayaa dalka uu degan yahay ee Jarmalka. Mursal da’ahaan Salma wuxuu ka weyn yahay 25 sanno.

 

Sidaa darteed waa 42 jir, wuxuuna hore u guursaday gabadh saddex caruur ah u dhashay, balse ay is fureen labo sanno ka hore isla markaana waa maal qabeen.

 

Subeer iyo aabihii waxay magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga ka soo ambabaxeen 7 cisho markii uu Mursal joogay, waxayna soo raaceen markab ay alaabi u saran tahay.

 

Mursal waxa uu sitaa Baasaaboor ay ugu qoran yihiin gabadhiisa iyo hooyadii, kuwaas oo uu wakhtigan u qoondeeyay in ay noqdaan Eddadii Ruun iyo  inaabtadii Salma oo uu niyada ku hayey kana helay.

 

Mursal marku in badan fiiriyay, eegay, ka bogtay in badan oo ka mid ah hablaha deganaa Magaalada waxa uu hore u waayay gabadh qancisa waxase mar dambe niyadiisa ama qalbigiisa ku soo dhacday mar haddiiba aad gabadh guursanayso maxaa kuu diiday in aad inaabtidaadan Illaahay dhammaystiray cidina kuu diidayn aad guursato.

 

Mursal waxa ku adkaatay sidii uu ugu sheegi lahaa gabadha ay wallaalaha yihiin ee uu imika damacu ka galay wuxu sidii ahaadaba, oo uu gooni u faqaba waxa uu markii dambe go’aansaday inuu la tashado odaygii Abtidoon ee Eddadii qabay, ka dibna wuxuu u sheegay inuu doonayo inuu guursado gabadha Salma, wuxuuna intaa u raaciyey inuu waqtigu ku yar yahay oo uu doonayo inuu dhakhso u laabto.

Xaaji abtidoon, laftigiisu hoosta ayuu kala rabay laakiin afkiisa may ahayn gabadhayda guurso, Mursalna intii uu joogay dhowr goor ayuu Salma geeyey meelo dalxiis ah, wuxuuna u muujiyey dareen kool koolin ah, taas oo uu ku doonayey inuu dareenkeeda kasbado, laakiin Salma waxaas oo dhan may dareemin, waxayna u arkaysay inaabtigeed oo si gacalnimo ah u danaynaya.

Hase yeeshee iyadoo uu Mursal weli joogo isla markaana ay sheekadiisii guurku weli bilow tahay, ayuu ninkii Subeerna maalintii dambe soo dhacay, wuxuuna soo galay goor galab ah.

 

Subeer markiiba inta uu maydhay oo uu iska beddelay maryihii uu safarka ku soo galay ayuu deg deg uga soo baxay gurigii wuxuuna u dhaqaaqay dhinicii gurigii Salma, oo aan aad uga fogayn.

Subeer, inta uu yimi meel aan aad uga fogayn guriga Salma ayuu wiil yar oo deriska ah ku yidhi “walaal iigu yeedh Salma Xaaji Abtidoon”.

Salma markii uu wiilkii yaraa fariintii gaadhsiiyey ayay debadda u soo baxday waxayna isha ku dhufatay wiilkii Subeer oo meel guriga u dhow foodda ku soo haya, ka dib way u tagtay.

Hase yeeshee hadal badan kama ay gaadhsiin karayn, sidaa awgeed, salaan kooban ka dib, waxay si deg deg ah, isugu qadimeen ballan, waxayna balameen fiidnimadii caawa, iyadoo ay goortaasi ahayd abaara 5:30-kii galabnimo.

Subeer, wuxuu Salma u sidaa hadiyad muhiima oo ka kooban alaabooyin kala nooc nooc ah waxaana Subeer dareekiisa ka muuqda boholyow badan, iyadoo muddadii bisha ahayd ee uu maqnaa ay kaga badnayd sannad.

Sidoo kale Salma lafteeda waxa dareenkeeda ka muuqda muxubo iyo xiisa badan, waxaana shucuurteeda laga akhriyeyaa inuu u yimi qof ay maqnaashihiisa tebaysay, taas oo la odhan karo, iyadana dareenka caashaqu wuu ku fogaaday.

Arrintu sida ay doonto ah ahaatee, Salma iyo Subeer goor fiid horaad ah ayey isugu yimaadeen goobtii ay ku balameen oo ah, meeshii ay weligood isugu iman jireen.

Dhinaca kale, isla galabtaa waxa kulan u socdaa ninkii Mursal ee Salma inaabtigeed ahaa iyo odaygii Salma aabadeed ee Xaaji Abtidoon. Mursal wuxuu hadalkiisa ku bilaabay: “Adeer, sidii aan horeba idiinku sheegay viisaha aan sido waxa ku qoran labo qof, labadaa qof mid waa eeddo Ruun, ka kalena waxaan ugu talo galay inaan ku kaxeeyo hadba gabadhii aanu calaf guur isku yeelano iyadoo markii aan xagaa ka soo kicitimayey ku talo galkaygu ahaa in aan dalkii ka soo guursado. Haddaba, adeer, markii aan wax indho indheeyey, , nasiib wanaag waxay dookhayga iyo talodayduba ka wadi waayeen inaan guursado inaabtiday Salma, waxaanan odhan karaa waa Illaaay mahadii haddii ay Eddaday Ruun iyo walaashay Salma noqdaan labada qof ee I raacaya. Markaa adeer, adiga oo aniga iyo inantaba waalid noo ah arrintaasi sideebay kula tahay, ma kula tahay inaad igu darto Salma.”

Xaaji Abtidoon diidmo meesha ugama furna waayo meesha inanta lagu waydiistay waa gurigiisa, ninka inanta waydiistay waa ninkii uu Eddadii qabay, isla markaana waa ninkii Jarmal-ka uga soo dhoofay inuu Islaanta Ruun ee gabadha hooyadeed ah daaweyn ugu qaado Jarmalka.

Qolka xiligaa la fadhiyaana waa qolkii ay Ruun jiiftay, sidaa awgeed waxa keliye ee Xaaji Abtidoon u banaani waxa weeye inuu yidhaahdo waayahay gabadhii waan ku siiyey.

Ka dibna Xaaji Abtidoon intuu cabaar aamusay ayuu ku tiraabay: “horta Mursalow inankaygii baad tahay, waadna ogtahay aniga iyo Eddadaa Ruun inaanu wax ubad ah dhalay Salma oo qudha. Soomaalidaa waxay tidhaahdaa Geyaan ahaan ilmaabtigaa isugu xaq badan ama waxaaba inoo dhaqan ahaan jirtay inay ilmaambtigu is guursadaan. Markaa waxba yaan hadalku ila dheeraane gabadhii inaabtidaa waan ku siiyey, waanan kuu meherinayaa”.

Dabadeed Mursal inuu soo kacay ayuu odaygii Xaaji Abtidoon gacan qaaday, kuna yidhi: “adeer waad mahadsan tahay ee gudoon wacan.”

Xiligaasi waa goor fiid horaad ah, Subeer iyo Salmana waxa u socota sheeko, waxayna fadhiyaan geed ku yaal hudheel ay ka cashaynayaan hoostiisa.

Subeer iyo Salma waxa hadheeyey dareen muxubo oo uu midba midka kale aad u xiisaynayo, isla markaana waqtigan xaadirka ah dareenka caashaqu keli kuma aha dhinaca Subeer ee waxa labadoodaba sida caleemaha geeka u ruxaysa saxansaxo cishqi iyo quluubtooda biyo dhigtay. Waxayan xiligaa si xiiso leh u gorfaynayaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen hiyigooda jacayl iyo sidii ay ugu gogol xaadhi lahaayeen aayahooda mustaqbal.

Subeer iyo Salma waxay sheekada sii macaan sadaanba waxay saacaddu gaadhay 8:00 habeenimo, ka dibna Salma oo ka wer-wersan gurigoodii iyo islaantii hooyadeed ee xanuunsanaysay ayaa codsatay inay sheekadu caawa halkaa ku joogsato, dabadeedna Subeer intuu Salma albaabka gurigooda keeno ayay is macasalaamaynayaan. Gabadhii Salma waxay markiiba deg deg u gashay gurigii, iyadoo ay aabaheed Xaaji Abtidoon iyo inabtigeed Mursal xaajo meel isla dhigeen oo ay iyada sugayaan, taas oo ay doonayaan inay arrinta ku wargeliyaan.

Salma waxay guriga soo gashay, iyadoo aad u faraxsan oo ay Subeer sheeko fiican isla soo qaateen.

Sidoo kale Subeer wuxuu gurigoodii dib ugu noqday isagoo aad u niyad wanaagsan, wuxuuna la kulmay aabihii, oo uu sheegay inuu soo helay gabadhii uu guursan lahaa oo ay tahay Salma Xaaji Abtidoon, ka dibna odaygu inkasta oo aanay arrinta aad uga wada hadlin, haddana wiilkiisa ma tusin dareen diidmo wuxuuna ku yidhi: “aabo ma xuma’e aynu ka tashanno”, Subeerna wuxuu aabihii ugu jawaabay: “waayahay aabo”.

Gabadhii Salma markii ay cabaar gurigii joogtay ayuu odaygii aabaheed oo la fadhiya inaabtigeed Mursal u yeedhay wuxuuna ku yidhi: “aabo halkan soo yara fadhiiso arrin yar baan kuu sheegayaaye”, dabadeedna waxay soo fadhiisatay meel odayga u dhow, ka dibna odaygii aabaheed ayaa hadalkii bilaabay, wuxuuna yidhi: “aabo waxaan ku siiyey inaabtigaa Mursal, wiig ka bacdina adiga iyo hooyadaaba waxaad u dhoofaysaan dalka Jarmalka oo waxa idin kaxaynaya Mursal, markaa aabo waan isugu kiin ducaynayaa adiga iyo ina’abtigaa, Illaahayna khayr ha idiin kala siiyo”.

Gabadhii Salma markii aabaheed ku wargeliyey inuu inaabtigeed Mursal siiyey, iyada iyo hooyadeedna Jarmalka loo kaxaynayo talo way ku ciirtay oo si ay yeesho way garan wayday, waayo markii hore waxay ahayd qof Illaahay akhlaaq wanaagsan iyo adeec waalidnimo ku manaystay, sidaa awgeed aabaheed diiday kuma odhan karto.

Ta labaad hooyadeed oo liidata oo dhulyaal ah, oo aan cid iyo ciirsi kala lahayn oo dal shisheeye loo qaadayo kama hadhi karto.

Dhinaca kalena waxa ku mudan falaadhii caashaq ee uu garka wadne kaga taagay Subeer iyo axdigii ma dhaafaanka ahaa ee ay la gashay Subeer

Sidaa awgeed xaaladeedu waxay gashay labo dhagax dhexdood iyo meel cidhiidhiya, waxayna arrinteedu noqotay,

 

“hadal waalid ma diidi karo

habaar adag buu dhalaa,

hayeeshee ma yeeli karo,

jacaylkuna way hayaa,

haddii arrin igu habsaday,

xageen talo kaga hagaagaa?!

La Soco Qaybta Afraad – Maalinta Jimcaha ee 20ka July 2018.

Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

 
,, ,,,.