Sunday, October 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Qaybtii 5aad: Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka, Sheekadan waxaan daabacnay 2006dii oo dad kor u dhaafay 150 kun oo qof akhriyeen, markale si taxane ah halkan ugala soco

Published on July 30, 2018 by   ·   No Comments

Hordhac:   Waxa Qoray:  Cabdiraxman Maxamed Guun

Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl, maku halelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista kadegay ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba hadaad hore in badan u maqashay qays iyo layla, ceebla iyo cantar, cilmi iyo hodan kuwaas oo dhamaan tood ahaa qarniyo hore tolow miyaan dabadood lays jeclaan”? 

Qisada buugan cusub ee lamagac baxady (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.

Qisadan  waxay lamid tahay ama ay meelo badan uga eg tahay kuwa dhaca maalin walba balse aan da,yartu in badan u dhugyeelan.

 

 

Qaybtii Afraad  waxay inoo Joogtay Subeer oo jiifkii ka kici waayey ilaa iyo 12kii Duhurnimo oo gabdhahii walaaahii ay su,aalayaan inuu xanuusanayo iyo in kale iyo isagoo cuntadii cuni waayey, oo leh i daaya waan iska jiifayaaye ma xanuusanayee, oo dhegaysanaya heesta uu qaado Caabi Mire dacar ee ahayd :-

Hadaan aawadaa hibooy, naftaydii hanqaarantoo, hawaawiga caashaq, iyo hammiga igu sii kordhaan, armaad hodadaamadii haween, weligii lahaa hadhowto la soo baxdaa, heshiishkaba daadisa, intaan hawshaasi dhicin, xagee arrinkeenu noqon, bal aan hadalkaba jaree, maxaa adki kula haboon

love7

 

Qaybtii Shanaad

Gabadhii ayaa haddana Subeer u celisay “walaal cunto ma ku siinaa”, wuxuuna ugu jawabay “walaal waxba ma cuni karayo ee fadlan i daaya oo mar dambe ha i kicinina”.

 

Subeer wuxuu galay xaalad adag, waxayna culimada jecaylku, taas oo kale ku tilmaantaa mid ka mid ah mar xaladaha ugu adag geedi socodka ama meertada waayaha jacaylka.

 

Marka la eego duruufta meesha taal ee dhinacyada badan, arrinta soo korodhay waxay u muuqataa arrin aanay Subeer iyo Salma ra’yi ka dhiiban karrin halka talada la marrinayo iyo halka ay sheekadu ku dhamaanayso.

Subeer, wuxuu jiifaaba waxa la gaadhay xilligii ay ballameen balse ballantu way ka duwan tahay balamihii hore, waayo balamihii hore waxa meesha yiilay niyad wanaag iyo fir-fircooni, balse hadda waxa dareenka labada qofba ka muuqda niyad xumo iyo cago jiid.

 

Weliba saacadihii ay kala maqnaayeen waxa soo korodhay sheeko hor leh, taasoo  ah in gabadhii Salma farta laga saaray waqtiga kama dambaysta ah ee ay dhoofayaan, waxaana loo sheegay inay baqoolayaan, lix cisho ka dib.

 

Markii ay xiligii ballanta gaadhay ayey Salma timi goobtii ballanta, balse Subeer ilaa rubuc saac ayuu xiligii ballanta dib uga dhacay oo goor dambe ayuu yimi, isaga oo cago jiid ah.

 

Subeer, waa madluun oo gabal-baas baa u dhacay, sidoo kale Salma tiiraanyo iyo walbahaar ayeyba la il daran tahay, waxayna aad uga wer wersan tahay xaaladda uu ku dambayn doono wehelkeedii ay dunida caashaqa ku mataanoobeen.

 

Subeer iyo Salma markii ay isu yimaadeen waxay Salma ku dadaashay sidii ay Subeer u dejin lahayd dareenkiisa, uguna caqli celin lahayd, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa “walaal waan ogahay inaan anigu ahay qofka aad u dhibaatoonayso ee ku badday tiiraanyada iyo murugada naftaada haysata, balse waxaan kuu ballan qaadayaa inaan oori u noqon doonin nin aan adiga ahayn ee sidaa naftaada u sheeg, ogowna qofka keliya ee aan adduunka ka eeganayaa inuu adiga yahay.

Subeer markuu cabaar yara aamusnaa ayuu goor dambe ku tiraabay: “Salmaay gacalo adigu eeda ma lihid ee waxaa iska leh indhahayga ku soo arkooday iyo qalbigeyga ku ogolaaday, gacalo eeda waxaa leh, wadnahayga kuu ruxmaya, dareenka jidhkayga ee kuu dubaaxinaya iyo rabitaanka naftayda ee keligaa kuu noqday maxbuus”.

 

Subeer, wuxuu intaa ku daray “Salmaay gacalo, ilaa aan ku helo xaaladaydu sida aan imika ahay waxba iska beddeli mayso walbahaarka iyo tiiraanyaduna igama baxayaan”.

 

Subeer, markii ay erayadaasi afkiisa ka soo baxeen, Salma waxa indhaheeda ka soo qubtay dhibco biyo ah oo hoos u dareeray, laabteedana qooyey, waxaana xusuusteeda ku soo dhacay heesta ay erayadeeda ka mid yihiin.

hadaan laysu dhimanayn,

nafta laysu dhiibayn,

sow maaha dhalanteed

caashaqa dhexdeen yaal

Subeer, wuxuu sii waday hadalkii wuxuuna yidhi “Salmaay, gacalo xaaladaha adduunyadu waa iska caynkaa, wax walibana way dhici karaan, mana aha wax lala yaabo inaynu kala fogaano”.

 

Weedhahani maaha kuwo uu Subeer si niyad ah u leeyahay ee waa ku afgaboodsanayaa, wuxuuna isleeyahay isku day inaad nafta qanciso, balse culayska dareenkiisa saarani ma ogola af gobaadsi iyo sasabo.

 

Salma, waqtigan xaadirka ah, dheeliga jacaylku xageeduu jiraa oo boholyowga iyo wer werkuba aad buu ugu weyn yahay dareenkeeda, waxaana saaran culays aan qiyaas lahayn, talana way ku caddahay xaaladeeduna waxay ka dhigan tahay “aabahaa iyo hooyadaa, iyamaa la cadaabaa”. Hase yeeshee Salma, waxay inta badan ku mashquulsan tahay sidii ay Subeer u dejin lahayd walow uu iyadaba caabuqa jacaylku sida dhibco roob ugu qubanayo oo ay talo iyo taagba u baahan tahay.

 

Subeer iyo Salma halkii ay shantii galabnimo istaageen waxay ku gadheen 8:00 fiidnimo, iyaga oo aan is ogayn, ka dibna markii ay arkeen inay goor dambe tahay ayey cabaar isku dul ooyeen, wayna kala dhaqaaqeen, iyada oo ay dib u ballameen berito gelinka dambe.

 

Salma markii ay cabaar sii socotay ayuu Subeer ka dabo dhawaaqay, wuxuuna ka codsaday inay habeen dambe hal sawir wada galaan oo haddii ay kala ragaan xusuus u noqda.

 

Salma intay soo joogsatay ayey ugu jawaabtay: “waayahay walaal, mid iyo lababa waan ogolahay inaynu wada galno”.

 

Subeer, intii ay Salma la joogtay wuxuu dareemay waxoogaa xumad jebin ah.

dabadeedna isaga oo ay diiftii ka muuqato ayuu soo gelayaa gurigii oo uu aabihii Dhamal joogo, ka dibna odaygii aabihii ayaa yidhi: “wiilkaygiiyow maalmahan maxaa kugu dhacay diif baa kaa muuqata’e, ma hawadaad la qabsan wayday oo muddadii aynu debedda ku maqnayn ayaad ilowday hawadeenii, mise safkan xannuunka ah ee magaalada ku jira ayaa ku haleelay”.

 

Subeer  oo culayska dareenkiisa saaran awgii aan hadliba karayn ayaa aabihii ugu jawaabay: “aabo magaranayo wax igu dhacay, balse culays baa I saaran, jidhka oo dhamina wuu idamqanayaa”.

Subeer aabihii waa nin beer jilicsan oo carruur jecel, Subeerna waa madiga keliya ee uu ragba dhalay, aadna u jecelyahay sidaa darteed wuxu markiiba ku yidhi: “aabo mar haddii uu xaalkaagu sidaa yahay ina dhaqaaji aan dhakhtar ku geeyee” ka dibna way israaceen waxayna u tageen nin dhakhtar ah, wuxuna Dhamal ninkii dhakhtarka ahaa ku yidhi: “dhakhtar wiilkani anigaa dhalay oo wuu xanuunsanayaa ee bal xanuunkiisa noo baadh, dawona noogu qor”.

 

Dabadeed ninkii dhakhtarka ahaa ayaa Subeer waydiiyey sida loo hayo, wuxuna Subeer ku jawaabay “jidhka oo dhan baa I damqanaya, mana jirto meel gaar ah oo I xanuunaysaa”.

 

Dhakhtarkii ayaa haddana su’aalay: “habeenkii hurdada ma seexataa, cuntadase ma cuntaa?”, Subeer, wuxuu ku jawaabay “walaahi, muddo ilaa labo wiig ku dhow, hurdo hagaagsana ma seexan, cunto hagaagsana ma cunin”.

 

Dhakhtarkii, wuxuu Subeer u diray baadhitaano dhiigga ah, wuxuuna u qoray dawooyin fiitamiino u badan, isla markaana wuxu kula ballamay inuu jawaabta badhitaanka dhakhso ugu keeno.

 

Oday Dhamal oo isu dhegaysanaya wiilkiisa Subeer iyo dhakhtarkii uu u geeyey ayaa dareemay in uu wiilkiisu ku jiro xaalad xun taas oo uu arkay diifta oogadiisa ka muuqata ka dibna oday Dhamal wuxuu isku qanciyey in uu wiilkiisu u bahaan yahay baan, waayo Subeer wuxuu u muuqday qof muddo dheer bukay.

 

Markii ay oday Dhamal iyo wiilkiisii Subeer dhakhtarkii ka soo noqdeen wuxuu odaygu u leexday dinicii meheradda, Subeerna dhinicii guriga ayuu qabtay.

 

Oday Dhamal markii uu meheradii ka yimi ayuu u soo galay Subeer oo qolkiisii jiifa, dabadeedna intuu soo dulfadhiistay ayuu waydiiyey dhawr su’aalood, waxaana su’aalahaa ka mid ahaa “aabo meeday inantii ina Xaaji Abtidoon ee aad hore iigu sheegtay inaad rabto inaad guursato”.

 

Odaygu, hadalkiisa wuu sii watay, wuxuu yidhi “aabo adiga iyo gabadhaa maxay arrintiinu ku dambaysay, ilayn adiga ayuun baan kaa warsugayey oo aniga xagayga wax walbi waa iga diyaar”.

Subeer, hadalka uu aabihii su’aalay wuxuu ku noqday dhimbiil dab ah oo laabta xawda ka saaran, waxaana dambqaday nabar awelba kaarayey, dabadeedna markii uu cabaar aamusnaa ee uu waxoogaa fekerayey ayuu markii dambe Subeer go’aansaday inuu aabihii uga waramo halka uu xaalkiisu marayo iyo sida ay kaaf iyo kala dheeri u tahay rabitaankiisa lagama noqdaanka ah iyo sida ay u kala fogaanayaan mataantiisii uu cal-maday, iyadoo aanu dareenka Subeer inuu Salma helo mooyaane wax kala ku qancayn.

Ka dibna Subeer sheekadii ayuu uga dhacay aabihii, ugana waramay xaaladiisa. Oday Dhamal, markii uu dhegaystay hadalkii wiilkiisa, wuxuu ugu jawaabay “aabo anigu markii horeba kulamaan doonayn gabadhaas, waayo waa gabadh hooyadeed keligeed dhashay, marka aad gabadh sidaas oo kale ah guursatana waa inaad hooyadeedna la soo guursataa, markaa aabo hadii ay gabadha xageedii ka suuroobi wayday dhibtaato ma laha oo gabdh kaleba waad iska guursan”.

 

Oday Dhamal hadalkisii ayuu sii watay, wuxuuna yidhi: “aabo waxaan ku xusuusinayaa, miyaadan ogayn muddo hadda laga joogo 20 sanno inay gabadhaa reerkooda iyo reerkeenii is-dileen oo ay ku kala dhinteen ilaa labaatan nin, markaa markii aad i tidhi ina Xaaji Abtidoon baan doonayaa meel baa i xanuuntay oo waxaan is lahaa armay wiilkaaga madiga ah kaa galaafataa, iminkana markii aad i tidhi xageeda ayey ka suuro geliwayday meel i xanuunaysay baa i qabowday”.

 

Subeer, oo u qaadan waayey halka ay aabihii arrini ka joogto ayaa yidhi: “aniga iyo Salma waxaanu nahay labo qof oo is jecel, markaa jacaylka aniga iyo Salma  maxaa ku xidhiidhiyey reeraha is dilay, waayo Salma, iyana ima xumayn aniguna maan xumayn, markaa aabo miyaadan arrinkaa ku khaldanayn”.

 

Sida la ogyahay waxa dhaqankeenii hore ku jiri jirtay in marka uu wiilku guurdoonka yahay had iyo goor laga duuli jiray halku dhega ah”wiilkaaga abti u yeel”, taas oo macnaheedu yahay inuu wiilka guurdoonka ahi meel dheer u doolaalo tegi jiray, balse waayaadan dambe  waxa jirta in uu guurkii noqday sheeko xaafadaha isku dhaw ku wareegaalaysata, taas oo ay wiilka iyo abtigii isku xaafad noqdeen runtiina karaamadii dhinaca dhaqanka ee guurka iyo mil-gihii xidid-nimada iyo weliba is dhexgalkii bulshada dhaawac weyn bay u geysatay, iyadoo ay taasi dhaqan ahaan ku qurux badan tahay inuu wiilka guurdoonka ahi meel fog u doolaalo tago si loo soo celiyo xidiidhkii dhaqan hido is dhexgalkii dadka.

 

Subeer, wuxuu habeenkii oo dhan baaxaadegoba subixii ayuu waxoogaa quraac ah yara taataabtay. Subeer wuxuu si xad dhaaf ah, isaga dabariday Salma, taas oo keentay inuu xataa habeenkii ku hadro. Ogow Subeer iyo Salma galabnimada ayey ballan leeyihiin, markaa mid waliba dhiniciisa ayuu ballantii uga diyaargaroobayaan.

 

Hase yeeshee oday Dhamal ayaa duhurnimadii la kulmaya wiilkiisii Subeer, wuxuuna kala hadlayaa arrinta gabadhaa oo uu u shegay inuu iska ilaawo gabadhaa iyo doonisteeda, Dhamal wuxuu wiilkiisa Subeer ku yidhi: “aabo gabadhaa ina Xaaji abtidoon iska ilaw oo soo doon doono gabadh alaale gabadha aad doonto, aniguna gabadhii kale ee aad soo xulato ayaan wax kaala qabanayaa”.

 

Dabadeed Subeer wuxuu aabihii ugu jawaabay: “aabo, anigu waqtigan uma taag hayo dhibaato kale, sidaa darteed mar haddii aan Salma waayey, waxaan go’aansaday inaan waqtigan xaadirka ah iska dhaafo dumar iyo dhibtooda”.

 

Odaygii Dhamal, wuxuu aad ula yaabay go’aanka deg degga ah ee uu Subeer gaadhay, wuxuuna yidhi: “wiilkaygiiyow guurkaaga ama jacaylkaagu ma aha inuu adiga oo keliya ku raaligelinayo balse waa wax aanu wax ku leenahay haddii aanu nahay reer Dhamal oo dhan, waayo waa baahi nahaysa oo aanu aad u danayno”.

Oday Dhamal hadalkiisa wuu sii watay wuxuuna yidhi: “Aabbo, in lagu danaynayo waxa daliil u ah bal eeg gabdhaha aad walaalaha tihiin oo dhami waxay heegan u yihiin inay ku dhisaan, aabo, toddoba cisho ka hor gurigeenu wuxuu ahaa meel farxad weyni ka muuqato, waayo waxa diyaar loo ahaa xafladii arooskaaga, iminkana waxaad moodaa in tacsi loo fadhiya oo dadkii oo dhan waxa ka muuqata murugo, markaa taasi waxay muujinaysaa inaad tahay waslad naga mid ah, oo aanu farxadda iyo murugadaba kula wadaagayno.

Ta kale aabo, anigu waalid ahaan ma doonayo inaan kugu khasbabno waxaanad raali ka ahayn, waayo waxaad jeceshahay ayaanu kula jecelnahay balse, haddii ay sidan u dhacday oo aynaan heli karin ina Xaaji Abtidoon maxaynu yeelnaa aabo, ma sidaas ayeynu ahaanaa oo murugo iyo soo madow ayeynu ku sugnaanaa, mise calool adayg waa Illaahay wehelkii ayaa la yidhiye, arrinta meel kale ayeynu ugu wareegnaa”.

 

Oday Dhamal, wuxuu hadalkiisa ku soo gebo gebeeyey “aabbo anigu waan kaa tegayaaye talo keen”. Ka dibna wuu ka baxay.

 

Subeer ra’yiga iyo talada aabihii iyo guud ahaanba jawiga kaga yimi xagga reerkooda waxay ku keentay culays kale oo u labeeyey culayskii ka haystay dhinaca Salma, ka dibna wuxuu aad uga fekerayaa sidii uu yeeli lahaa.

 

Hase yeeshee isaga oo weli labo bog laynaya oo aan wax go’aan ah, gaadhin ayaa la gaadhay waqtigii uu la ballamay Salma, dabadeed, intuu sii lebistay dhawrkii shay ee uu dharkiisa ugu jeclaa ayuu deg deg u baxay.

Subeer wuxuu goobtii balanta tegay, iyadoo ay Salma taagan tahay, Subeer waxa galabtaa ka muuqda qurux iyo shacni aan hore loo arag balse Salma sidaa way ka duwan tahay waxaana ka muuqda waxoogaa canbus ah, waayo may soo lebisan sida Subeer ee deg deg ayey u soo baxday, taas oo ay haleeli wayday maryihii ay doonaysay inay ku baxdo.

 

Subeer iyo Salma markii ay si naxariis leh, murugona ka muuqato isu bariidiyeen, waxay isu raaceen meel sawirle ah, waayo waxay hore ugu ballansanaayeen inay sawiro xusuus ah soo galaan.

 

Subeer, wuxuu galabtaa soo kaxaystay baabuurkii aabihii, isaga oo aabihii u sheegay inuu dano ku soo qabsanayo.

 

Dabadeed Subeer iyo Salma, iyaga oo baabuurkii wata ayey isa soo hortaageen sawirlihii, ka dibna Subeer baa intuu soo degay wiilkii sawirlaha ahaa ku yidhi: “walaal gabadh baa ila socota waxaanuna u baahanahay sawiro ee noo diyaari”.

 

Cabaar ayey Subeer iyo Salma debedda ku sugnaayee, intii ay u banaanaysay goobtii sawirku, dabadeedna sawirlihii ayaa u yeedhay, wayna soo galeen.

 

Balse markii ay gudaha galeen ayey Salma bilowday waxogaa diyaar garow ah, ilayn hore uma soo diyaar garoobine.

 

Subeer, isagu hore ayuu u soo diyaar garoobay oo meel halkan ah ayuu ku sugayaa Salma, inta ay diyaar garoobayso, wuxuuna hoosta ka hallacsanayaa heemaalka Salma oo hoos ugu xanshaashaaqaya “ilayn calaf aan laguu qorin lama cuno”.

 

Salma markii ay diyaar garowday ayuu wiilkii sawirlaha ahaa waydiiyey nooca sawirka ah ee ay rabaan, ka dibna Subeer iyo Salma ayaa midba midka kale eegay, taas oo uu midba midka kal doonayey inuu ka jawaabo, su’aasha wiilka sawirlaha ahi waydiiyey.

 

Hase yeeshee markii ay cabaar indho jacayl isku milicsadeen ayey markii dambe Salma jawaabtii bixisay waxayna tidhi: “walaal waxaanu doonaynaa sawiro xanbaarsan xusuus caashaq”.

 

Salma iyo Subeer markii loo diyaariyey agaasinkii sawir qaadista ayey gidaarka dhabarka saareen, waxana gidaarka ka dambeeya ku xardhan sawiro far shaxan leh oo aad moodo inay sida geedaha u baxeen oo aanay cidiba sawirin.

 

Subeer iyo Salma markii ay galeen labo sawir oo ay dhinacyada isku hayaan ayey debedda uga soo baxeen sawirlihii waxayna shidhka ugaleen baabuurkii ay wateen oo ku qoofallan sawawirlaha hortiisa, cabaar ayey gaadhiga dhexdiida ku soo sheekaysteen, ka dibna waxay yimaadeen hudheel cunto si ay uga casheeyeen.

 

Markii ay soo galeen gudihii hudhelka ayuu Subeer dib u jaleecay Salma oo daba socota wuxuuna ku yidhi: “walaal Salmaay inoo door goob aynu fadhiisanno, oo aynu ku cashayno”.

 

Salma inta ay yara dhoola caddaysay ayey ku jawaabtay “Subeerow malaha adigaa ina martigelinayee, inoo door, ta kale anigu waxaan inoo dooray sawirkii ee adiguna inoo door goobtii aynu fadhiisan lahayn”.

Subeer, intuu yara qoslay ayuu yidhi: “waayahaye ina keen waxaynu fadhiisanaynaa mutulkaa”.

 

Ka dibna inta la soo laafyooday ayaa la hoos fadhiistay mutul yar oo hudheelka ku dhex yaal kana mid ah goobaha lagu casheeyo, dabadeedna waxa si deg deg ah ugu yimi wiilkii mudalabka ahaa  oo ka qaaday dalabkii.

 

Intii uu mudalabku ka maqnaa ayey Subeer iyo Salma sheeko bilaabeen, waxayna sheekadii dhexmartay u dhacday sidan:

 

Subeer:          Salmaay, waxaynu joognaa adduunyo oo wax waliba waa nasiib, calafkuna waa wax qoran, oo qofna waxaan loo qorin ma calfado. Inaguna waxaynu nahay walaalo jacaylku mataaneeyey ku talo galkeenuna waxa uu ahaa inaynu noqono laba qof oo nolosha wadaga, laakiin waa tan arrini inagu soo korodhay, oo dhawr maalmood ka dib waxa laga yaabaa inaynu ku kala noolaano laba meelood oo aad u kala durugsan, balse taasi waa amar Illaahy, waxaanase is idhaahdaa tolow waa maxay nasiibka xun ee kugu dhacday ee kaa hor joogsaday tii aad dunida ka calmatay.

 

Hase yeeshee Salmaay, taasi maaha wax lala yaabo waayo tan oo kale maaha sheeko ugub ah ee waa arrin ku dhacday kumanaan is jeclaa balse aan is calfan, iyadoo in badan oo ka mid ah lugta loogu xidhay ruux aanay naftiisu calman, laakiin Salmaay marka la eego duruufta dhinaca waalidka, gaar ahaan Islaanta hooyadaa kaa haysta, dhacdadaa meesha timi waxa lagu tilmaami karaa mid maangal ah, ta kale reerka hore waxba uguma aynu sheegin ilayn way ku xisaabtani lahaayeen.

 

Walaal Salmaay, tiro ma leh inta gabadh qoorta loo geliyey nin aanay weligood is arag, isna maqal, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi, ay ku mustaqbal xumaysteen, waxase dhacda inay qaarkood ku guulaystaan guurka noocaas ah oo uu reerkoodu noqdo mid dhisma.

 

Hadal iyo gunaanad, Salmaay waxa wanaagsan inaynu calool adayg wehashano sidaa darteed, aniga caawa taladaydu waxa weeye inaad adeecdo talada waalidkaa oo aaddan ka hor iman, sababta aan sidaa u leeyahayna ma aha inay wax iska beddeleen mawqifkaygii jacayl, balse waxaan doonayaa inaad farxad iyo nolol wanaagsan ku noolaato oo aanay karaahiyada waalidku kugu dhicin, waayo haddii aad manta aniga ii go’do koleyba waxaad marwalba dareemaysaa murugo, markaa aad murugo ama farxad dareentona aniguna waan kula dareemayaa hadba ka aad dareento, miyaanay gacalo sidaa ahayn?

Salma: (oo si dhugmo leh u dhageysatay hadalada Subeer, ayaa iyaduna markeeda la wareegtay sheekadii,) waxayna tidhi:

 

Subeeroow horta waa runtaa oo adduunyadu way waayo badan tahay, waana tii hore loo yidhi, “weligeed adduunyada, waqtigaa qof saacida, qofna waayaha xidha.” Markaa anigu waan dareensanahay dulucda iyo nuxurka hadalkaaga, laakiin haddii aan ku dareensiiyo muxubada iyo kalgacalka aan kuu hayo, runtii waxaad qolad ka samaysatay qalbigayga, waxaad degtay badhtamaha wadnahayga, kama baxdid oo waxaan kuu tabeyaa sida u ilmaha yar ee abaydinka ahi u tabo hooyadii, midna waan kuu sheegayaa ee waxaad oggaataa inaad tahay qofkii i baray, iguna beeray geedka jaceylka, isla markaana waxaad idareensiisay inuu jaceylku yahay qayb nolosha ka mid ah, taas oo aan kugu tilmaami karo inaad tahay qofkii i baray wax badan oo noloshayda ka dhinnaa, kana dhigay naftayda mid ku miisaaman ama ku dheeli tiran heemaalka nolosha.

 

Waayo waqtiyada qaarkood waxaan ahaa qof seexata oo soo toosta, waxna cunta, laakiin aan ka fekerin waayaha nolosha iyo hiigsiga mustaqbalka, taas oo aan odhan karo waxaan ahaa qof aan wax badan ka ogeyn dareenka nolosha iyo wacyiga garaadka.

 

Sidaa darteed waayaha jaceylka ee ina dhexmaray, wuxu naftayda ku beeray xusuus aan duugoobayn iyo muxubo degel fadhi ah.

 

Salma markii ay intaa tidhi, waxay hadalkeeda dhex gashatay waxoogaa geeraar ah oo ay ku cabirayso muxubbada iyo kalgacalka qalbigeeda huriyey, waxayna tidhi:

“dhammays sowsideedba,

dhidigiyo laboodkaba,

waa laysu dhaafoo,

in ay isdhaqdaan baa.

dhulka loogu beeroo

dharaartii timaadaba

dhawr baa aroostee

anna dhudi haddaan ahay

meel aan dhoweynbaad,

dhigaytay rarkaagee

nafta dhaymaheedow

waan kugu dhadhabayaa,

dhuuxa iyo laabtiyo

qalbigaad dhex jiiftaa,

muxubadu dhab weeye

i dhansii jacaylkoo

Alla hayga dheeraan.”

Wooow

La Soco Qaybta Lixaad

Qalinkii Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

 
,, ,,,.