Saturday, October 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Ismaaciil Buubaa Oo Sheegay In Sadbursi Ka Jiro Beesha Dhexe Kuna Taliyay In Dastuurka La Furo

Published on July 31, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO): Prof: Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, oo ka mid ah ruugcaddaaga Siyaasiyiinta Somaliland oo tirsan Xisbiga Waddani,  ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Siyaasada Arriamaha Dibadda,wada hadalada Somaliya.

1-79-300x279

Tabashada  saami qaybsiga, aragtidiisa ku waajahan Xukuumadda Muuse Biiixi iyo qodob kale, waxaanu tilmaamay   sida ay muhiim u tahay in wax laga beddelo qaabkii ay hore u ahaan jireen wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu  siyaasi Buubaa sheegay in ay muhiim tahay in dadweynaha fursad laga siiyo arrintan. Waxaanu yidhi  “Waxa loo baahan yahay in dadweynahana loo ogolaado inay ka qayb qaatan wada hadalkaas; Madaxdhaqameedka, Fanaaniinta, Saxaafiyiinta”. Mudane Buubaa la yaab ku tilmaamay in wada hadallada Soomaaliya laga dhigo arrin cabsi leh oo dadka looga baqayo.

Isagoo  arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Arintan laga dhigayo, Somaliya la hadalkeedu wax la yaab leh oo laga baqanayo, oo dadweynaha looga baqanayo, oo dalka looga baqanayo, oo aanay ahayn waddaniyad iyo in aan la aamini karayn, oo cid yar isku koobto, ma shaqeeynayso, waa in arintan albaabada loo furaa, dadweynaha loo furaa, la wada hadlaa, oo wixii danta ah loo daayaa in dadku uu la fal-galo”.

Waxa uu mudane Buubaa intaas ku daray in loo baahan yahay in wadahadalladu ay ku soo dhowaadaan qodobbada muhiimka ah ee ay tahay in la isla meeldhigo, “Waxay arintu u baahan tahay in la rogrogo . Waa in si weyn loo baadho, oo waxa danta ah lagu soo dhawaado”ayuu yidhi Buubaa.

Ismaaciil Hurre Buubaa, waxa uu sheegay in wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay u yaallaan labada dadka labada dhinac, dawladdahana ka jirana laga rabo iyaga in ay hagaan oo si wanaagsan oo meel mareen ah ay u qaadaan.

Waxa uu sheegay in 1960 aanay labada dhinac cidi isku qasbin ee ay iskood isu raaceen, imikana ay tahay in racaan sida dantu ku jirto oo ah in mid waliba danteeda gooni ahaanteeda u hagaajisato. Waxa aana hadalkiisa ka mid ahaa,  “Waxaa loo baahan yahay dadka Somalida ah ee jooga Somaliland iyo Somaliya, in si furan oo dantu ku jirto u wadahadlaan. Arinta muhiimka ahi waa in la wadahadlo.

Laakiin  arrinta wada hadalku maaha qof doonaya daacayad  ah i arkaay iyo i maqalaaya, oo dano gaar ah ka doonaya maaha inay meeshu noqoto, ee waxa loo baahan yahay in si cilmeeyeysan, oo degan, oo danta  laba dhinacba ku jiraan in arintan loo agaasimo ayaa haboon”ayuu yidhi Ismaaciil Buubaa.

Buubaa waxa kaloo  uu sheegay in aanay ahayn in dawladda Somaliland ay dadka ku qasabto in cid aan iyada ahayni aanay la hadli karin Soomaaliya, ama in cidda la hadlaysaa ay iyada marka hore la tashato, isaga oo taas sii wadana waxa uu yidhi, “Dawladdu waa in ay ka qaadato door hoggaamin ah, laakiin se aanay odhan arintan aniga mooye cid kale ma dhex gali karto, ciddii dhex gashaana dawladda in ay la socodsiiso weeyaan”.

Isaga oo ka hadlaya kulankii dhowaan guddoomiyaha UCID mudane Faysal Cali Waraabe iyo hoggaamiyaha Khaatumo Mudane Cali Khaliif Galaydh, magaalada Brussels kula yeesheen madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa uu ku taliyey in aan arrinta la buunbuunin oo aan laga soo qaadin wax weyn oo dhacay,  isaga oo arrintaa iyo sida ay tahay in lagu qaabilo ka hadlayana waxa uu yidhi, “Farmaajo, Cal Khaliif Galaydh, iyo Faysal Cali Waraabe oo is arkay, anigu uma arko in wax weyn laga sameeyo, waa arin loo baahan yahay in laga talaabsado, oo si degan oo Dawladduna la socoto, Dadweynuhu la socdaan, khaasatan Saxaafadda Somaliland inay la socoto, in loo dhex galo ayaa daruuriya.”

1-79-300x279

Geesta kale Buubaa oo ka hadlayey siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland sida ay ku hagaagi karto, waxa uu sheegay in uu jiro saluugga ay dad badani ka hadlayaan ee siyaasadda arrimaha dibaddak u waajahan, laakiin cidda dhaliisha lihi aanay ahayn wasaaradda oo keliya, isaga oo taas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Saluugaas laga wada hadlayaa waa jiraa, laakiin Wasaaradda qudheeda in la dhaleecayo maaha, haddii aanay jirin Siyaasad guud oo Wadankan lagu hagaa, Siyaasada Arrimaha Dibadduna kaligeed waxba ma qaban karto”.

Saamiqaybsiga

Mudane Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu ka hadlay saamiqaybsiga iyo taladiisa ku aaddan, waxa aanu sheegay in loo baahan yahay in la sameeyo saami qaybsi hagaagsan, oo ay raali ka wada yihiin qaybaha kala duwan ee Somaliland, khaasatan dhinaca Galbeedka iyo dhinaca Barriga, oo diidmo xoogan ka taagan tahay.

Iyaga oo u arka in Isaaqu uu sadbursi samaystay, oo aanay ogolayn in dadka kale waxa ay xaq u leeyihiin helaan. Laakiin waxa uu sheegay in sadbursigu anau halkaas ku joogin ee Isaaqa oo laga cabanaya qudhiisuna sadbursi sii kala samaystay. Waxa aana sheegay in Isaaqa dhexdiisa ay jirto in dadyaw gooni ahi dawladnimadii shaadh ay tosheen ka dhigteen.

Ismaaciiil   Buubaa taladiisa arrintan ku aaddan ayaa ah, “Waxa loo baahan yahay in si daahfuran, oo cid waliba raali ku noqon karto, loo agaasimo. In Dastuurka la furo, ayaa loo baahan yahay. Cashuuraha sidan loo qaadayo, ee shaadhka loogu toshay qaybo mucayina, in wax laga bedelo ayaa loo baahan yahay.

Wadankani wuxuu u baahan yahay in runta iyo xaqiiqada uu ku soo dhawaado. Arrimo badan oo dad gaar ahi iska maamulayeen, sida ay doonaana ka yeelayeen, waxay ila tahay in ay laga maarmaan tahay in dhinaca Siyaasada, dhinaca Dhaqaalaha iyo dhinac kastaba wax laga bedelo, oo Dastuurkana loo fiirsado, in waxay dantu ku jirto loo soo daadago. Dadweynaha ka qabanayana arimahaasna si wanaagsan loo dhegaysto”

Ugu dambayntii mudane Buubaa oo ka hadlayey aragtidiisa, taladiisa iyo waxa laga baran karo isbeddelka ka socda dalka Itoobiya waxa uu yidhi, “Wax weyn baa laga baran karaa is bedelkaas,  Somaliland-na, waa albaabka Itoobiya, khaasatan Kilinka Shanaad. In si xoogan la iskugu xidhmaa waa muhiim, dadku wey isku xidhan yihiin, deegaankuna uu isku xidhan yahay, ee khaasatan waxa loo baahan yahay in dhinaca ganacsiga si weyn la iskugu xidhmo”.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

Horyaal TV oo waraysi la yeeshay Mustafe-Shiine oo ka tirsan gudida dabagalka dacwada ka dhanka ah BBC Somali

    Halkan Click Garee si aad u saxeexdid Petition ka lagaga cabanayo BBC da

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...