Saturday, October 24th, 2020
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

​ ​

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Guddiga Qandaraasyadda Qaranka Oo Shaaciyay Shirkadda Ku Guulaysatay Dhismaha Xabsiga Gabiley

Published on July 31, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa shaaciyay in shirkadda dhismaha ee Xaaji Muuse Contraction ay  ku guulaysatay tartan loo galay dhismaha xabsi weyn oo  laga dhisayo   magaaladda Gabiley.

GQ

Tartankii la baahiyay  ee dhismaha xabsiga Gabiley waxaa ka qayb qaatay 33 shirkadood, kadib markii  guddiga qandaraasyadda qaranku kala hufeen shirkadahaasi  waxaa isugu soo hadhay  9 shirkadood.

Iyadoo hada-na markii la sii kala shaandheeyay 9-kii shirkadood, ay liiskii kama-danbaysta ahaa    isugu  soo hadheen afar shirkadood oo kala ahaa  Xaaji Muuse Contraction Company, Libaax Construction Company, Bilan Construction Company iyo  Dileyta Construction Company.

Waxaanay shaaciyeen guddiga qandaraasyadda qaranku in markii la eegay dhamaanba shuruudihii looga baahnaa shirkadahaasi in shirkadda Xaaji Muuse Contraction Company ay ku guulaysatay dhismaha qandaraaska xabsiga dhexe ee Gabiley.

vlcsnap-8777-08-25-11h44m20s131

Munaasibad kooban oo  lagu shaacinayay shirkadda ku guulaysatay dhismaha xabsigaasi oo maanta  lagu qabtay xarunta guddiga qandaraasyadda qaranka ee magaaladda Hargaysa, waxaa goob joog ka ahaa  guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda, xubnaha gudigaasi, iyo masuuliyiin ka socday afartii shirkadood  ee  ku soo baxay liiskii kama-danbaysta ahaa.

GGQ

Nuux Maxamed Xuseen, guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland   ayaa halkaas kaga   dhawaaqay shirkadda ku guulaysatay tartanka iyo sababta ay ku xusheen shirkadda guulaysatay.

Waxaanu yidhi “Tartankaasi waxaa liiskii kma-danbaysta ahaa isugu soo hadhay afart shirkadood ee kala ah Xaaji Muuse Contraction Company, Libaax Construction Company, Bilan Construction Company iyo  Dileyta Construction Company.

Markii aanu soo eegnay qalabka 4-taas  shirkadood, qiimayna ku samaynay, waxaa noo soo baxday in shirkadd Xaaji Muuse Contraction Company qalabkeedda,  haddii uu yahay agabka ay haysato,   haddii ay tahay waxyaabaha   dhismaha ee ay haysato.

Iyadoo  shirkadaasi  haysata dhamaanba qalabkii loo baahnaa  Looxii, Jiingadii, Jaajuurkii, Sibidhkii, Makiinadii Alxankii, gaadiidkii iyo dhamaanba waxyaabihii looga baahnaa shirkad dhisme,  waxaanu ku qanacnay  in hawshaasi ay ka bixi karayso, tartankiina ay ku guulaysatay shirkadda dhismaha ee Xaaji Muuse  Contraction Company”.

“Shirkad kaloo intaas na tustay ma jirin. Sidaas ayaananu ugu dooranay, kuna heshay shirkadda Xaaji Muuse Contraction Company dhismaha xabsiga dhexe ee Gabiley. Maadaama saddexdii shirkadood ee kale qalabkaas aanay soo bandhigin.

Markaa waxaan leeyahay 3-dii  shirkadood ee kale,  nasiib wanaagsan ayaanu idiin rejaynaynaa, una hambalyeeya, uguna duceeya shirkadaa heshay”ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen, guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka ee Somaliland.

Geesta kale Kayse Xaaji Muuse, oo ku hadlayay afka  shirkadda  Xaaji Muuse Contraction Company, ee ku guulaysatay dhismaha jeelka weyn ee Gabiley   ayaa u mahad celiyay guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland hanaanka cadaaladda ah ee ay ku shaqaynayaan.

X Muse

Waxaanu sheegay in aanay weligood guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland kala kulmin cadaalad noocan oo kale ah, isla markaana ay ku faraxsan yihiin in ay ku guulaysteen tartankii la qabtay. Waxaanu yidhi  “Beryihii hore waxaa dhici jirtay in aanay cadaalad sidan oo kale ahi jirin.  Iyadoo  shirkaddo boorso lagu sito ay ku guulaysan jireen qandaraasyadda noocan ah.

Nasiibkayaga  ayaa na siiyay, cadaalad-na waa lagu kala saaray, si wanaagsan oo daah-furan-na waa loo qabtay kala saarista tartankii shirkadaha. Waanan ku faraxsanahay. Cadaalad ayuun baana  dadka deeqda, cadaalad ayaana halkan ka dhacday”.

Dhinaca  kale xubno ku hadlayay saddexdii shirkadood  ee ka midka ahaa afartii shirkadood ee   liiska kama danbaysta soo gaadhay, balse lagaga guulaystay tartankaasi ayaa dhinacoodda guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ku amaanay habkii  cadaalad ahaa ee   ay u kala saareen shirkadihii tartankaas ka qayb galay.

Waxaanay  shirkadda   ku guulaysatay dhismaha xabsiga  Gabiley laga dhisi doono ugu hambalyeeyay in ay ku guulaysato tartankaasi. Waxaanay sheegeen in guddiga qandaraasyadda qaranku ay muujiyeen cadaalad,  oo ay ku tilmaameen in uu la mid ahaa   nidaamyadda ay raacaan hay’adaha iyo shirkadaha caalamku.

s1

“Arrintani waa mid ugub ah. nidaamka ay guddiga qandaraasyadu hanaanka ay  u mareena wuxuu la mid yahay habka ay maraan ama isticmaalaan shirkadaha iyo hay’adaha  caalamiga ah. waana sida laga doonayo in Somaliland  nidaamkeedda loo marro, dadkana waxaa deeqda cadaalad. Saaxiib iyo xigto waxyaabahaasi ma deeqaan”.

s2

“Guddiga qandaraasyadda waanu uga mahad naqaynaa, sida cadaaladda ah ee ay uga gar-naqeen 33-kii shirkadood ee ka qayb galay tartankaasi iyo shuruudihii lagu xidhay”.

s3

“Qofkii ILLAAHAY (SWT) u qoray ayuun baa helay, si kastaba haku qaatee, xagga sare ayaanu arrimuhu ka qoran yihiin. Afartii shirkadood ee isku soo hadhayna ma wada guulaysteen, balse mid uunbaa heli lahayd. Shirkadaa heshayna, waa shirkad reer Somaliland ah, oo wadanka xaq ku leh”.

s4

“Si cadaalad ah, oo xalaal ah ayay u dhacday qandaraaskii loogu tartamayay dhismaha jeelka weyn ee Gabiley, oo ay ku guulaysatay shirkadda Xaaji Muuse Construction Company. Waanan ugu hambalyaynaynaa.

Sidoo kale waxaan u hambalyaynayaa  shirkadihii kale ee liiska kamadanbaysta ah isugu soo hadhay  ee afarta ahaa. Sida walaaltinimadda leh, ee qiimaha leh, ee sharafta leh ugu hambalyeeyay shirkadda ku guulaysatay tartankaasi”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.

Wararka Keydka

Mashruucii Ramadan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project isku geyn waxa na soo gaadhay $2480.00 oo sadaqooyin ah anagoo isla shalay maalintii Ramadanta ka horeysay ka gaadhsiinay in aan raashin ugu qaybino ilaa afartan qoys oo danyar ah

Mashruucan Ramadaan ka ee Afuri walaal baahan ee SDWO Relief Project waa msahruuc sanad leh ah oo soo ...

Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ee Xaafada Daami – Ka faaiidayso Ajarka Bisha Barakaysan ee Ramadan

Afuri walaal baahan  oo Ka qaybqaado Barnaamijka SDWO Relief Project ee Sanadlaha ahaa ee Afurinta Dadka Danyarta ah ...

Dowlada Itoobiya oo isku diyaarinaysa dagaal ay la gasho dalka Masar iyadoo hub casri ah ka dalbatay dalka Fransiiska

  Wergeys ka soo baxa dalka Faransiiska oo la yiraah  LE Point oo ah Weekly French Political News & ...

Xasuusta Dhagaxtuurka iyo Xuska Macalinkaygii Maalintaas (20-ka February 1982) Aheey Ah Maskaxadaa Laga Abaaroobay

Allah ha u naxriistee Xuseeen Cabaase Axmed (Qawdhan) waxa uu ahaa macalinkaygii maalmo aan badnayn wakhtigu kumuu simin ...

Lacag 10 dollar ah oo si qayri sharci ah dadka cashuurta wasaarada maaliyada bixinaya loogu qasbo inay siiyaan shaqalaha xafiiskaas ka hawlgala

  Waxa iseydiin mudan sababta shacbigu uga aamusanyahay musuqmasaq cad oo wasaarada maaliyadu u sharciyeysay shaqalaheeda. Qofkaste oo cashuurta ...

Caawi – Najax Xasan Maxamud waa Gabadh Xanuusanaysay oo beryhananba ka dhex muuqatay social media ha iyadoo Burco dhexwareegaysa ayaa lagu guulaystay in Hargeysa lagu soo celiyo oo la daryeelo

Daawo labadan clib kan  hroe waa markii hareyga lagu soo celiyey iyadoo caafimaad ahaan aad u wanaagsantay tan ...

Jeel Ogadeen: Daawo Documentary Xanuun badan oo ku saabsan ciqaabtii iyo dulmigii ka jirey Jeel Ogaadeen ee jigjiga

Xabsigan ayaa la ogaaday in kumanaan qof si xun loogu ciqaabay. qaarkoodna ciqaabtii ku dhinteen.  ku indho beeleen ...

Hees Cusub oo aad u qiiro badan oo lagu xusay maalintii Shuhadada SNM 17ka October

Hees ka hadlaysa mujaahidiintii xoreynta dalka dhiigooga u soo hurey iyo sidey imika ugu dhex dayacanyahiin dalkii oo ...

Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo sheegay in BBC Somaligu ay ka baxday Dhexdhexaadnimadii, waxaanu sheegay inay ka sugayaan Jawaabta cabashadii ay u gudbiyeen

  Qoraalka Hoose waa Petition kii ama mooshinkii 3600 oo qurbajooga Somaliland ee ku kala dhaqan 59 wadan ay ...

Horyaal TV oo waraysi la yeeshay Mustafe-Shiine oo ka tirsan gudida dabagalka dacwada ka dhanka ah BBC Somali

    Halkan Click Garee si aad u saxeexdid Petition ka lagaga cabanayo BBC da

SDWO - Warbixino iyo Taariikh

Xus oo Xasuusnow – Hawlgalkii balaadhnaa ee Mujaahid Cabdilaahi Askar lagala baxay miiskii Saraakiisha ee Hargeysa 12kii April 1983 oo la rabay in aroornimada la toogto

Qalinkii – Boobe Yusuf Ducaale Hargeysa – Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa farsamadii iyo geesinamdii ...

Daawo: Sooyaalka habdhismeedka ciidanka qaranka iyo taariikhahii uu soo maray

Waa Barnaamij aad u xisabadan oo ka hadlaya xaaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ...

Sidii aan u diley Osama Bin Laden – Markii u horeysay ayaa askari ka mid ah kuwii ugu galay qolka Bin Laden ee toogtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sidii uu dilkiisu u dhacay

SDWO (London 04/09/2012) Osama Bin Laden waxa laga toogtay Madaxda ka dib markii uu qolkiisii hurdada albaabka intuu ...

Aljazeera warbixin xiisobadan: Waa Maxay Faraqa u dhexeeya dhalinyarada Jihaadka uga imanaysa dalalka Yurub iyo Maraykanka ee ka barbar dagaalamaya ciidamada Israel iyo Dhalinayrada ka barbar dagaalamaysa Kooxaha Syria iyo Somalia

31/07/2014 (SDWO.COM & SomaliladnNews.net)  Hanine Hassan waa ardayd shahaadadaPHD ka bilaabaysa Jaamacada Columbia University ee dalka Maraykanka.  Waxaanay ...

History 1974: Siyadd Barre and Emperor Haile Selaasie met during African Unity Summmit in Mogadisho

I found these historic photos in Djibouti with a professional photographer  in Djibouti.  He told me that his deceased ...

Nin ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga Qadaafi oo ka warbixiyey maalmahii u danbaysay ee nolashii qadaafi mudadii uu dhuumalaysiga ku jiray iyo markii gaadhigii ay wada saarnaayeen ay diyaaradahu duqeeyeen

Mansour Daoud wuxuu ka mid ahaa raggii ugu sareeyay dhinaca security ga ee keligii taliyahii la dilay ee ...