Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Booliska Wajaale Oo Qabtay Xashiishad Aad U Badan Oo Laga Soo Gudbiyay Dhinaca Itoobiya

Published on August 3, 2018 by   ·   No Comments

Tog-wajaale (SDWO): Ciidamadda booliska magaaladda Tog-wajaale ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha loo yaqaano Xashiishadda iyo laba nin oo lagu eedeeyay in ay u  soo gudbinayeen   dhinaca Somaliland.

X2

Xashiishadaas oo qadarkeeda lagu qiyaasay 3 kiiloo  iyo dheeraad ayaa la sheegay in labadda nin ee watay ay ka keeneen dhinaca dalka Itoobiya, iyadoo isla markii ay xadka kala  soo talaabeen ay qabteen ciidamadda booliska Wajaale.

Taliyaha  saldhiga booliska Wajaale Maxamed Case, oo ay wehelinayeen guddoomiye ku xigeenka Wajaale Mursal Nuux iyo saraakiil boolis ah  ayaa ka warbixiyay Xashiishadan ay ciidamadu qabteen.

x4

Taliyaha booliska Wajaale oo arrintaas ka hadlayay  waxa uu  yidhi “Waxay ciidamadd boolisku qabteen Xashiishad iyo laba nin oo watay,  Xashiishadaas oo 3 kiiloo iyo dheeraad ah.

Markaanu  qabanayna   iyagoo xadka ka soo talaabay oo magaaladda Wajaale dhinaca Somaliland soo galay.

Muddo ayaanu daba soconay, markii na loo sheegay in nimankaasi ay Xashiishad magaaladda keenaan, saddex askari ayaan u diray oo soo qabtay shalay gelinkii danbe. Sharciga ayaana la hor gayn doonaa”.

Waxa kaloo uu sheegay taliyaha saldhiga booliska Wajaale in nimanka ay Xashiishadda ku qabteen u qirteen in ay muddo dheer ka ganacsan jireen, isla markaana iyaga lagagala wareegi jiray xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Waxaanu yidhi  “Nimankaasi waxay noo sheegeen in ay Xashiishadda muddo badan keeni jireen, waxaanay yidhaahdeen xadka ayaa na lagaga   iibsan jiray”.

X1

Geesta kale taliye Maxamed Case, ayaa ka codsaday bulshadda Wajaale in ay booliska gacan ka siiyaan la dagaalanka ay kula jiraan maandooriyaha.

“Dadka reer Wajaale waxaan leeyahay nala shaqeeya oo Khamriga iyo Xashiishadda noo soo talaabaya, wax nagala qabta. Anaguna indho badan ayaanu ku eegi doonaa” ayuu yidhi taliye Maxamed Case.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.