Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

ONLF Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Qoondadda 5% Ee Soomaalidu Ku Yeelanayaan Shidaalka

Published on August 3, 2018 by   ·   No Comments

Hargaysa (SDWO): Jabhadda ONLF ayaa wax aan la aqbali Karin ku tilmaamay in shidaalka laga helay  degaanka Soomaalida Itoobiya 5%  ay ku yeeshaan, isla markaana ay u arkaan hanti ay gaar u  leeyihiin Soomaalidu.

Cadani1_s

Qaadacaadani ayaa ka dhalatay kadib markii raysal wasaaraha  Itoobiya Abiy Axmed oo  booqasho ku marayay  Maraykanka mar uu  la kulmay jaaliyadda Itoobiyaanka uu  sheegay in shidaalka  ay Soomaalida ay ku yeelanayaan 5%.

Af-hayeenka jabhadda ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge (Caddaani), oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in iyadoo ay dadka Soomaalidu dhibaatooyin badan ka tirsanayeen dawladda Itoobiya aanay suuro gelaynin in la yidhaahdo boqolkiiba shan ayay ku yeelanayaan fa’iidadda shidaalka degaankoodda laga helay.

“Hantidda anagu Itoobiya lama lihin, awoodana lama lihin. Waxaanu nahay ummad la gumaysanayay muddo dheer, dagaal dheer soo gashay, oo  xasuuq loo gaystay. Markaa dood weyn ayaanu ka qabnaa arrintaana  mana aqbalayno.

Shacbiga Soomaaliyeed waa in uu Sayid ka noqdo hantidiisa, hantidaana Soomaali baa iska leh. Hantidda (shiidaalka) 5% ayay ku leeyihiin Soomaalidu, ma suuro gelayso”ayuu yidhi Cadaani Hirmooge oo u waramay VOA isagoo ku sugan dalka Australia.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Luuqadayadu way ku yasan tahay Itoobiya, qawmiyadda saddexaad ayaanu nahay xagga tiradda dadka, dhulka qoladda labaad ayaanu nahay. Qawmiyadda keliya ee la odhan karo waa la gumaystaa ayaanu nahay haddii lagu dhereriyo hal-beegyadda qawmiyadaha kale”.

Geesta kale raysal wasaaraha Itoobiya markii uu la hadlayay jaaliyadda Itoobiyaanka ee Maraynka ku nool wuxuu ku booriyay in ay dalkoodda dib ugu soo noqdaan, isla markaana horumarkiisa ka wada shaqeeyan dalkana ay wada leeyihiin.

Hase yeeshee Cadaani Hirmooge, ayaa  hadalka raysal wasaaraha  ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin arrintaasina aan la isku racsanayn.  Jabhadooduna  ay   aaminsan tahay aragtidaa ka duwan oo ah in bulshadda Soomaalida Itoobiya lagula kacay xad-gudub iyo  faquuq.

Waxaanu yidhi “Dal qudha in aanu isku nahay yaa ogol? Taa waa in laga heshiiyaa. Itoobiya yaa la yidhaahdaa? Waana  in lagu heshiiyo Af-ka, calanka,  taariikhda iyo khariirrada Itoobiya.

Anagu haddii aanu Soomaali nahay wax gaara ayaanu tirsanaynaa, mag-dhaw   gaara ayaanu tirsanaynaa. Dad laga faquuqay Itoobiya hantideeda iyo dawladnimadeedda iyo calankeedda ayaanu nahay. Dad lagu waajahay in la fogeeyo ayaanu nahay.

Markaa khayrkaadka dalka ama shiidaalka 5% ayaad ku leedihiin iyo dalka waynu wada leenahay, naguma filna arrintaasi”.

Dhinaca kale madaxweynaha dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo  hadal ka jeedinayay 28-kii bishii June ee sanadkan  maalintii la furay ceelasha shiidaalka wuxuu sheegay in dadka Soomaalida degaanku ay dhaqaale ahaan shidaalkaasi ku leeyihiin 40%.

Cadani1_s

Balse af-hayeenka ONLF  wuxuu sheegay in aanay  madaxweynaha kilinka Soomaalida Itoobiya mwqifkaasi ku raacsanayn.   “Anagu lama qabno. Hantidan 100% Soomaalida ayaa iska leh. Goorma ayay Itoobiya nala yeelatay? Itoobiya xoog ayay nagu qabsatay. Sidee ayay rabaan in lagu wada joogo?”ayuu yidhi Hirmooge.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.