Sunday, October 21st, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Wasaaradda Macdanta Oo 800KM Oo Gobolka Saaxil ah Shidaal Sahamin Ka Wadda

Published on August 3, 2018 by   ·   No Comments

Berbera (SDWO):  Wasiirta Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Mxamuud Cigaal,ayaa soo gunaanaday sahaminta shidaal baadhistii ugu ballaadhnayd ee gobolka Saaxil laga sameeyo oo lagu sahamiyay dhul gaadhaya 800 oo KM oo gobolkaas ah.

1)

Kulan ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil,ayuu wasiirka  Macdanta iyo Tamarta Somaliland oo kulankaa  lagu soo xidhayay sahaminta baadhitaanka shidaalka  gobolka Saaxil, ayaa guud ahaan bulshada  gobolka Saaxil uga mahad naqay siday ula shaqeeyeen mudadii sahamintu socotay iyo siday uga gacan siiyeen wasaaradda in hawshaasi ay si guul ah ku soo dhammaato.

Waxaa kaloo uu sheegay in hasha la qabtay ay tahay mid qaran oo aanu qofna gaar u lahayn isla markaana loo baahan yahay in bulshada gobolka Saaxil lagaga daydo sida wanaagsan ee ay u garab istaageen wasaaraddu mudadii ay sahaminta shidhaal baadhista wadday oo  la bilaabay bishii labaad ee sanadkan.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen madaxda gobolka Saaxil,madaxdhaqameed iyo waxgaradkadeegaannada sahaminta shidaalka laga soo sameeyay iyo ka socotay wasaaradda macdanta iyo tamarta Somalilandoo  loo qabtay gunaanadka baadhista iyo sahaminta shidaalka ee gibolka Saaxil.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland oo kulanka ka hadlay waxa uu  yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa  ugu horrayn ILLAAHAY baa mahad leh oo inoo suurta geliyay in hawshaasi innoogu dhammaato si aan hore wali loo arag.

Waxa  kaloo aan si wayn ugu mahad naqayaa dadka gobolka Saaxil oo suura geliyay in ay hawshaasi sidaa fiican innoogu soo dhammaato oo nagala shaqeeyay.  Waxaan  idiinku mahad naqaynaa wax gaar ah oo aad cid  u samayseen maaha waa dan waa guul aynu innagoo Somaliland ah wada leenahay waa wax aynu qabsanay.”

2)

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan Xasan, maayerada degmooyinka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Ciddin iyo Sheekh Ibraahin Cabdilaahi Cabsiiye iyo madaxdhaqameed iyo waxgarad ka soo jeeda deegaamada sahaminta shidaal baadhista gobolka Saaxil laga sameeyay, ayaa dhammaantood si wayn u soo dhaweeyay sida ay wasaaraddu u soo dhammastirtay sahaminta shidaal baadhista gobolka Saaxil.

Waxaanay  masuuliyiintaasi caddeeyeen in ay diyaar u yihiin in waxkasta oo wasaaraddu uga baahato in ay diyaar ula yihiin lana shaqaynayaan si dalka khayraadkiisa loola soo boxo oo Somaliland isku filnaansho u gaadho.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.