Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Isuduwaha Caafimaadka Togdheer iyo Xildhibaan Bidhi Oo Xadhiga Ka Jaray Xanaanno Laga Hirgeliyay Degaanka Heere

Published on August 6, 2018 by   ·   No Comments

Burco (SDWO): Isuduwaha wasaaradda caafimaadka gobolka Togdheer Dr. Aadan Cilmi Diiriye iyo xildhibaan Mubaarik Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan golaha degaanka Burco ayaa maanta   xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay degaanka Heere oo ka tirsan gobolka Togdheer.

vlcsnap-1696-04-23-05h29m37s155

Xanaanadan caafimaad oo ay dhismihiisa iska kaashadeen bulshadda degaanku ayaa   isuduwaha caafimaadk Togdheer  iyo xildhibaan Bidhi waxay  xaruntaasi geeyeen daawooyin iyo shaqaalaha ka hawl geli doona.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista MCH-kaasi waxaa  ka soo qayb galay madax dhaqameed, odayaal iyo xubno ka socday qaybaha kala duwan ee bulshadda degaanka Heere, xildhibaan Bidhi iyo isu duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer.

vlcsnap-8246-02-24-06h42m03s099

Xildhibaan Bidhi oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa  sheegay in bulshadda tuuladda Heere ay abaal weyn ku leeyihiin, isla markaana aanu waxba ka hagran doonin in uu wax ku celiyo. Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Magaaladan Heere, waa magaallo aniga aad iigu weyn.

Meel kastoo aan joogana  ma I laawo, tacabkii ay I gashadeena inta aan noolahay way iga heli doonaan. Marba wixii aan helana waan ku soo celin doonaa.

Waayo? Marka laga yimaado degmadda Burco, waa magaaladdii  codka ugu badan aan ka helay, wixii la igula balamay in aan keenana waa waajib. Maanta-na in aan keeno anigoo wadda isuduwihii caafimaadka ee gobolka Togdheer, daawooyinkii,  gabdhihii kal-kaaliyeyaasha ahaa wada, ayaan magaaladii keenay, aadna waan ugu faraxsanahay.

cid kastoo gacan ka gaysatay xanaanadan, Alle ha idinka abaalmariyo ayaan leeyahay. Haddii ay bulshadda Heere tahay, iyo haddii ay cid kale tahay-ba. Wax fiican ayaad samayseen, wax dan guud ah ayaa samayseen”.

Geesta kale xildhibaan Mubaarik Bidhi, waxa uu balan qaaday in uu sida ugu dhakhsaha badan wax uga qaban doono dhismaha saldhiga booliska magaaladaasi oo qabyo, kaasoo ay odayaasha degaanku codsadeen in loo dhamaystiro.

“Waxaad soo hadal qaadeen saldhiga booliska oo dhismihiisu idinka qabyo yahay, waxaan halkan idiinka balan qaadayaa, oo aad igula xisaabtami doontaan in aan saldhigaasina ka hawl gallo, oo aan dhamaystiro”ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Isuduwaha wasaaradda caafimaadka oo isna halkaasi ka hadlay ayaa bulshadda degaank Heere ku bogaadiyay bulshadda Heere siday isugu abaabuleen ee ay u dhisteen xanaanadaasi.

vlcsnap-6473-10-26-13h51m58s705

Waxaanu yidhi  “Bulshadda reer Heere waxaan ku bogaadinaya in ay is abaabuleen, oo ay wax dhisteen. Anaguna waxaanu ugu dedaalaynaa in aanu idin garab is-taagno. Maanta  waxaanu idiin sidnaa shaqaalihii caafimaad ee xanaanadan ka hawl geli lahaa iyo daawadii.

Waxaan idinku baraarujinayaa dadkiina Heere ku nool in aad bulshadda wacyi gelisaan, haddii ay tahay hooyadda lamaan, mid uurka leh intuba ha yimaadaan xanaanada”.

vlcsnap-9958-08-13-19h12m19s688

Dhinaca kale  ku nool degaanka Heere ayaa masuuliyiintasi iyo cid kastoo gacan ka gaysatay hirgelinta xaruntaasi  uga mahad celiyay hirgelinta  xaruntan caafimaad iyo daawooyinka  ay keeneen. Waxaanay sheegeen in ay baahi weyn u qabeen MCH-ka.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.