Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Maamulaha Dahabshiil Group Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Dhallinyaro Uu Gacan Ka Gaystay Waxbarashadoodda

Published on August 6, 2018 by   ·   No Comments

London (SDWO): Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid Ducaale, ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay dhallinyaro wax baratay oo uu gacan ka geystay waxbarashadooda.

C

Waxaa kaloo uu ka hadlay sida Dahabshiil Group mar walba ay u garab taagan tahay bulshada Soomaalida ah meel kasta oo ay joogaan.

C/rashiid Maxamed Siciid, waxa uu caddeeyay in ay marwalba diyaar u yihiin in ay gacan qabtaan oo ay taakuleeyaan dhallinyarada waxbaranaysa.

“Waxbartaha Soomaaliyeed ee dadkiisa kula noqonaya aqoontiisa waxa uu mudan yahay dhiirrigelin kasta oo ka kaalmaynaysa gaadhidda hadafkiisa waxbarasho,  heer kastoo ay tahayba” sidaa waxa yidhi Cabdirashiid MS Ducaale, oo idaacadda VOA ku waraysatay barnaamijkeeda Martida Makarafoonka isagoo ku sugan London.

Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashiid, waxa uu mar kale xaqiijiyey in shirkadaha Dahabshiil garab iyo gaashaanba u yihiin bulshada Soomaalida ee ay ka soo dhex baxeen, una adeegaan ee la dhaqan iyo dhiig baxaan.

Waxaanu yidhi “Cilmiga bulshada si toos ah ugu laabanaya ee mashaakillada manta haysta abbaaraya waa mudan yahay in la garab istaago”.

kookooban oo Tifatire Ridwaan Xaaji Cabdiweli, oo barnamijka isagu isku soo duway, daahinayeyna, uu Maamulaha ka weydiiyey kulan uu la qaatay 27 aqoonyahan oo wax ka baratay cilmiga Hoggaaminta (leadership), oo Dahabshiil gacan ka geystey.

“Ardaydaas markii u horreysey ee aannu kulanno, waxa na mideeyey waxa ay ahayd hadafka waxbarasho ee ay sheegteen oo na soo jiitey. Cid ay yihiin iyo gobollo ay ka yimaaddeen midina muhim nooma ahayn oo ma aan xiiseyneyn – keli ah yoolkooda waxbarasho ee ay ii soo bandhigeen,” ayuu yidhi Cabdirashiid.

Waxa uu Cabdirashiid sheegay in ardaydaas ballanka xilligaa dhex maray uu ahaa inay iyaguna oggolaanshaha Jaamacadaha doontaan oo culays saaraan sidii ay u aqbali lahaayeen (acceptance), shirkadduna uga taageeri lahayd dhammaystirka culuumta ay baranayeen ee saamaynta togan ku leh bulshada.

COE

Geesta kale waxa uu Maamuluhu tibaaxay in ardaydaas, marka ay soo afjaraan aqoonta ay barteen, ay bulshada kula noqon doonaan waxtar saamayn hoggaamineed ku biiriya dhinacyada amniga dhaqaalaha, siyaasadda, IWM.

Bushadaa  aqoontoodu anfacaysaana aanay ahayn oo qudha tii dhulalka Soomaalida ee bulshada Soomaaliyeed ee, tusaale ahaan, Ingiriiska ku nool lafteedu u baahan tahay wax ka Kaaba ama la hatateeliya mashaakillada badan eek u haysta carrigan.

“Halkan aynu joogno ee Ingiriiska laftiisa waxa jira dhallinyaro badan oo xidhan, kuwo dhibaatooyin ka haystaan dhinaca sharciyada, qaar kale oo luqadda ay isku dhibban yihiin. Dhallinyaradan wax aka mid ah qaar hore uga shaqaynayey ama hadda shaqo ka helay hay’ado dadka ka kaalmeeya dhibaatooyinka bulsho eek u taagan. Qaar badani waddankii ayay tageen oo aqoontoodii ay la wadaagaan,” ayuu yidhi Maamuluhu.

“Maanta qofkii aqoon leh, qofkii dedaala, qofkii karti leh ayaa wax badani u fududaanayaan, cid kalena wax tari kara,” ayuu tilmaamay Cabdirashiid.

Cabdirashiid waxa uu hoosta ka xarriqay in dhallinyaradan Jaamacadaha ka soo baxay ee uu Dahashiil gacanta ka siiyey inay isbeddel weyn oo loo aayo bulshada ku soo kordhin karaan meel ay tagaanba, haba ugu horreyso bulshooyinka Soomaaliyeed ee Carriga Ingiriiska ku nool, ee dhibtu ka haysato qaybo ka mid ah dhallinyarada.

“Dhallinyaradan wax baratay, waxa ay tusaale u noqon karaan kumanaan kale oo arkaya in qofkii wax bartaa aanu ku dhici Karin dhibaatooyinka in badan oo dhallinyarada ah hadda haysta, wax wanaagsanna ku soo kordhin karo bulshada uu ka dhashay ama ku dhaqan yahay.

Waxa qofka dhallinyada ahi si tusayaa aqoonta iyo waxbarashada walaalkaa ama walaashaa samaysay maxaad ugu dayan weydey, taas oo uu fahmayo in haddii aanu sidaa yeelin noloshu ciil iyo carcaraaf iyo jeel u horseedi doonto” ayuu yidhi Maamuluhu.

Maamulule Cabdirashiid waxa uu xusuusiyey dhegeystayaasha barnaamijka in Dahabshiil ay hal-ku-dheg u tahay: DANTA BULSHADU WAA DANTA DAHABSHIIL.

Barnaamijyada daryeelka bulshada ee guud ahaanba shirkadaha Dahabshiil gacanta ka geystaan ama maalgelinta uu Bangigu sameeyo, waxa ay dhammaantood ku wajahan yihiin horumarinta kaabayaasha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, nabadgelyada, shaqo-abuurka, Iwm.

Kuwaasoo dhammaantood si toos ah falgal togan ku leh nolosha qofka iyo mujtamacaba, taasina waa mid joogto uga mid ah qorshe-sannadlaha qaybaha kala duwan ee shirkadaha Dahabshiil.

COE

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.