Thursday, August 16th, 2018
Raadi oo Ku qor Halkan wararkii hore

Somaliland Democracy Watch Organisation - SDWO.COM 

To Promote Democracy In Somaliland                 SomalilandNews.net

YOUR ARTICLES

Welcome To SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ------- SomalilandNews.net ----- SomalilandNews.net

Shirkadda Telesom Oo $35000 Ugu Deeqday Caruurta Danyarta ah Ee La Nool Xanuunka Macaanka

Published on August 6, 2018 by   ·   No Comments

Hargeysa (SDWO):  Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee  Telesom ayaa $35, 000 dollar  ku wareejisay maamulka cusbitaal Global Polyclinic, oo ay  ku jiraan 150 caruura oo qaba xanuunka macaanka.

tel22

Lacagtan  ayay shirkaddu ugu tallo gashay  xanaanaynta caruurta la nool xanuunka macaanka oo ay shirkaddu maal-galinayso sanad kasta.

Munaasibadii  ay shirkadda Telesom  lacagta ku wareejinaysay oo  ka dhacday xarunta cusbitaalka ee magaaladda Hargaysa.

Shirkadda Telesom ayaa sannad walba cusbitaalka Global Polyclinic  ku kaalmaysa   lacageed  dhan $35, 000 si daawo iyo daryeel caafimaad loogu fidiyo caruurta danyarta ah ee la nool xanuunka macaanka.

Cusbitaalkan Global Polyclinic  ayaa gacanta ku haya caruur kor u dhaafaysa 150 qaba xanuunka macaanka,  caruutaasi oo la siiyo adeegyo caafimaad oo dhamaystiran iyo talooyin la xidhiidha baahiyahooda gaarka ah.

t4

Madaxa xidhiidhka dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo,  oo hadal ka jeediyay xafladii ay lacagta ku wareejinayeen ayaa faahfaahin ka bixiyay  lacagta ay cusbitaalka ku wareejiyeen iyo doorka shirkadda ee taageeridda bulshadda jilicsan iyo siday uga qayb qaataan abaaraha.

Waxaanu yidhi “Sidaad la socotaan shirkadda Telesom waxay ka mid tahay, shirkadda isgaadhsiinta dalka ugu balaadhan. Waa Shirkadda ku dadaasha inay bulshadeeda u soo gudbiso adeegyo hufan, iyadoo ku dadaalaysa inay ummada Somaliland ka dhigto dad ku horeeya xagga Tiknoolajiyadda maadaama ay tahay shirkadda looga bartay had iyo jeer inay bulshadda u keento adeegyaddii ugu dambeeyey.

Shirkadda hadafkeeda guud waxaa ka mid ah inay u gargaarto bulshadda jilicdasan. Sidaad ka warqabtaan waa shirkadd ku hawlan horumarinta bulshadda. Hore waxay uga qay-qaadatay  abaarihiii weynaa ee dalka ka dhacay, waxay noqotay shirkadda lacagta ugu badan ku bixisay abaaraha.

Sanadkan aanu ku jirno duufaantii ku dhufatay goboladda Galbeedka Somaliland ee Awdal, Salal iyo gobolka Gabiley  qayb laxaadle ayay ka qaadatay ”.

t3

Waxa kaloo uu sheegay Darbo in shirkadda Telesom ay shanti sanadood ee u danbeeyay ka shaqaynaysay caawinta caruurta qaba xanuunka macaanka. “Shanktii sanno ee u dambeeyey shirkadda Telesom waxay cusbitaalka Global Polyclinic kala shaqaynaysay caruurta macaanka la nool ee danyarta ah.

Mashruucaasi  oo muddo badan soo socday, sanadkii ugu horeeyey 50 qof ayaa lagu bilaabay, maalinba meel bay soo marayey. Hadda 150 qof ayey shirkaddu ka bixisaa  dawadda iyo dhaqaalaha ku baxaya anagoo iska kaashanayna cusbitaalka Global Polyclinic.

Runtii waa shirkadda u heelan inay u gargaarto ummaddeeda wixii taagteeda ah maadaama ay ka shaqaysato, kuna heliso wixii ay ka faa’iiday bulshaddeeda.

Waxaa kale oo xilweyni uu naga saraan yahay, caafimaadka, waxbarashadda, ciyaaraha iyo qaybaha kale ee bulshadd” ayuu yidhi madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Telesom.

Lacagtan caawimadda ah ayay shiradda Telesom waxay ku wareejisay Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axdar oo ah maamulaha dhakhtarka Globol Polyclinic.  Waxaanu  shirkadda ugu mahadnaqay sidey hiil iyo hooba ula garab taagan tahay umaddeeda gaar ahaan caruurta la nool macaanka.

tel

Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axdar oo ka dareen celinayay lacagtan ay shirkadda Telesom ku caawisay waxa uu yidhi  “Waa runtii farxad weyn noo ah in Shirkadda Telesom ay 5-tii sanno u dambeeyey  nagala shaqeynaysay xanuunka macaanka ee caruurta danyarta ah. Inay maanta nagu guddoonsiiso lacag $35,000 ah oo loogu talo-galay ciyaalkaa danyarta ah in wax loogu qabto, ayaa farxad noo ah.

Lacagtaasi inta badan waxaa loo isticmaalaa in bilkasta lagu siiyo dawadda Insulin-ta ah,  waxaan kaloon ku siinaa istiriibiska ilaa 25 xabo ama hal baakidh, waxaa kaloo la siiyaa istiriibiskii wax lagu mudaayey, waxaa kaloo la siiyaa mishiinadda, waxa kaloo la siiyaa baadhitaano lagula soconaayo xaaladahooda”.

Waxaanu intaas ku daray “Caruurta xanuunsatana waa la keenaa wixii suurto-gal ah ee loo qaban karano waanu u qabanaa.  Waxaanu shirkadda Telesom uga mahadnaqaynaa iyagoo daryeelka bulshadda qayb-weyn ka ah khaasatan ciyaaladda baahan, waxaanay runtiiku suntan tahay oo ay ku amaanan tahay in wixii ay macaashtay ay bulshadeedii badh ku soo celinayso, runtii waa arin aad u qiimo badan”ayuu yidhi Dr. Axdar.

Dhinaca kale mid ka mid ah hooyooyina caruurtooda lagu xanaaneeyey cusbitaalka Global Polyclinic ayaa ka warbixisay mashruucan iyo sida ay bulshaddu uga faa’iidaysteen.

tel22

Hooyaddan ayaa sheegtay inay laba hablood oo walaalkeed dhalay ay qabaan xanuunka macaanka.

Hablahan ay ku nool yihiin miyiga, iyadoo cabiraysa dhibta ay kala soo kulmeen hablahan qaban caruurta macaanka ay tidhi “Hablaha duruufaha aan la soo maray lagama sheekayn karo, aad baa la noogu dadaalaa, waanu nimaadnaa waa la nasiiyaan, waanu noqonaa.

Waxa loo dhigaa ma jirto, aad baanu annaga xaggayaga, Allaha ha taageero, dadweynahayagaa, raggayagaa noo jooga  iyo shirkadayaddaa Alle  ha barakeeyo”.

 

SDWO/Hargeisa Office

 
,, ,,,.